HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH KHAMIIS 22-KA MAARSO 2018-KA

0
Thursday March 22, 2018 - 07:50:15 in Wararka by
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH KHAMIIS 22-KA MAARSO 2018-KA

    FARMAAJO OO TABABAR U SOO XIRAY URUR KA TIRSAN CIIDANKA ASLUUBTA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tababar u soo xiray askar ka mid noqoneysa Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in dhammaan qeybaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FARMAAJO OO TABABAR U SOO XIRAY URUR KA TIRSAN CIIDANKA ASLUUBTA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tababar u soo xiray askar ka mid noqoneysa Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka dalka looga xoreeynayo argagixisada Alshabaab.

 

"Waxaa la idiin tababaray in aad ka mid noqotaan Ciidanka Asluubta, balse taas macnaheedu ma ahan in aad ilaalineysaan maxaabiis oo kaliya ee waxaa idin ku waajib ah, in aad hawlgallada xoreynta dalka aad ka qeyb gashaan, sababtoo ah dalku waxa uu ku jiraa dagaal adag oo loo baahan yahay in aan ka xorreyno argagixisada nagu soo duushay.”ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad u jeediyey askarta ka mid noqotay Ciidanka Asluubta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay xaaladda dagaal ee dalku uu ku jiro iyo sida looga baahanyahay muwaadin kasta in kaalintiisa uu ka qaato, dowladduna ay xoog iyo dhaqaalaba ku bixineyso sidii Alshabaab looga guuleysan lahaa.

"Shalay waxaa u dhaarateen in aad dhiigiina ku bixsaan dalkiinna, una hurtaan naftiinna. Dadaal ka dambeeya arrinkan ma jiro, waana waajib ina wada saaran dhammaanteen in aan dalkeenna difaacanno, markii uu nabad yahay iyo markii uu colaad ku jiro.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyey in shalay ay u furantahay dhallinyarada la marin habaabiyey ee ka mid noqday argagixisada Alshabaab iyo horjoogayaashooda in ay dadkooda dib ugu soo laabtan, kana waan toobaan dhibta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabkooda.

"Marar badan waan xaqiijinnay in aan cafis u fidinay, balse hadii aysan qaadan cafiskaas waxaa noo ballan ah in aan ka sifeyno dalka, waana aaminsannahay in aan ka adkaaneeyno, sababtoo ah waxaan difaacaneynaa sharafteenna, dalkeenna iyo diinteenaba.”

Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidamadan, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Lataliyeha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka Mudane Cabdisaciid Muse Cali, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir, Taliyeha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliyeha Ciidanka Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

WASAARADDA DASTUURKA OO DOOD CILMIYEED MUQDISHO KU QABATAY

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xarunta Irshaad ee Aragtiisdhaafsiga ayaa waxa ay si wadajir ah u qabteen dood cilmiyeed ku saabsanayd kaalinta Dastuurka ee nidaaminta nolosha bulshada.

Doodda waxaa ka soo qaybgalay Wasiir KuXigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr Xuseen Cabdi Cilmi, Xildhibaanno, Culamada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed.

Xubnihii masraxa saarnaa ee ka soo qaybgalayaasha u iftiiminayay mowduucca waxaa ay kala ahaayeen Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil iyo Sheekh Cali Wajiis iyagoo ka jawaabayay su’aallo ay waydiiynayeen ka qaybgalayaasha.

Wasiir Xuseen Cabdi Cilmi oo furay doodda ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka qaybqaadan doonto kulamada noocan ah.

"Waxaan marka hore bogaadinayaa Xarunta Irshaad oo dooddan agaasinkeeda kaalin wayn ka qaadatay waanan ku dhiirigelineynaa in ay joogteeyaan doodaha ceynkan oo kale ah; Wasaaradda marwalba waxay diyaar u tahay ka qaybqaadashada doodaha quseeya arrimaha Dastuurka” ayuu yiri Wasiir KuXigeenka.

Ugu dambayn, qabashada dood cilmiyeedkan ayaa bilow u ah doodo ay Wasaaradda qaban doonto oo shacabka Soomaaliyeed u sahli doonta in ay waxbadan ka ogaadaan arrimaha Dastuurka.

AQALKA SARE OO SHALAY WARBIXIN KA DHAGEYSANAYA GUDDIGII LOO SAARAY KHILAAFKA GOLAHA SHACABKA

Guddigii loo saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa shalay warbixin laga dhageysanayaa, iyadoo Guddigan uu la kulmay madaxda dowladda iyo dhinacyada uu muranka u dhaxeeyo.

Inkastoo aanu Guddigan ku guuleysan xal ka gaarida khilaafka, hadana waxaa muuqata in khilaafkii Xildhibaanada Golaha Shacabka uu sii xoogeystay, kaasoo si aad ah ay ugu kala qeybsameen.

Axmed Macalin Cumar oo ah Guddoomiyaha Gudiga warfaafinta Aqalka Sare ayaa sheegay in warbixin laga sugayo Guddiga, isla markaana lala wadaagi doono wixii ay la soo kulmeen guddiga, intii ay dhex dhexaadinta ku guda jireen.

Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa horay uu muran ka taagnaa sharciyadiisa, balse markii dambe uu ogolaaday Jawaari, isla markaana qorshuhu yahay in muddo 10 cisho gudahood lagu horgeeyo baarlamaanka, loogana doodi, codna loo qaado.

Si kastaba ha ahaatee khilaafka siyaasadeed ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka ayaa curyaamiyay howlihii hey’adaha dowladda, waxaana lagu mashquulay olole iyo kulamo iska soo horjeeda.

30 RUUX OO KU DHIMATAY QARAX KA DHACAY KAPUL

Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhimatay 19 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii la qarxiyay macbad u dhaw magaalada Kaabuul, sida ay saraakiishu sheegeen.

Warbixinnada hore waxay sheegayaan in qofka qaraxa gaystay uu beegsaday dad isugu yimid si ay xusaan sannadka cusub ee Nayruuska. Dadka isu yimid badan koodu waxay ahaayeen Shiicada laga tirada badan yahay. Wararka qaarna waxay sheegayaan in tirada dhimashadi ay intaas ka sii badan karto.

Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa sheegatay qaraxaas. Sannadihii u dambeeyayna waxaa sare u kacay weerarrada madaahiibta ku dhisan ee Shiicada lagu bartilmaameedsado.

Qaraxu wuxuu ka dhacay bannaanka isbitaalka Ali Abad oo u dhaw jaamacadda Kabul University oo ku taalla galbeedka magaalada.

TALIYE GOROD; ”CIIDAMADA IMAARAADKA AY TABABARAAN WAXA AY KA AMAR QAATAAN CIIDAMADA XOOGGA DALKA.”

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas, Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod oo ka hadlay dagaal shalay ku dhex maray magaalada Muqdisho ciidamo ka wada tirsan dowlada.

General Gorod oo ay wareysatay laanta afka soomaaliga ee Voa ayaa ku tilmaamay dagaalka shalay ka dhacay magaalada Muqdisho inuu ahaa dagaal ay ciidamo isku qaldameen.

Taliyaha ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo ay u taliyaan dowlada imaaraadka carabta balse ay yihiin oo kaliya ciidamo ay tababareen Imaaraadka Carabta.

"Ciidamada lagu soo tababaray Imaaraadka waa ciidamo amarka ka qaata dowlada mana aha ciidamo aan ka tirsanayn ciidamada xoogga dalka.”ayuu yiri general Gorod.

"Hubka iyo dareeska ay xiran yihiin ciidamada waa kuwa xoogga dalka mana ah kuwo hoos taga Imaaraadka Carabta.”ayuu sii raaciyay.

Hase yeeshee taliyaha ayaa qirey in weli ciidamada Imaaraadka ay yihiin kuwo ku sugan xeradii lagu tababaray.

Dagaal shalay dhex maray ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo ciidamada lagu soo tababaray dalka Imaaraadka ayaa waxaa ay sababeen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA 1AAD EE BAARLAMAANKA OO FARRIIN U DIRAY XILDHIBAANADA FASAXA KU MAQAN

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa ugu baaqay Xildhibaanada fasaxa ku maqan in sida ugu dhaqsiyaha badan u yimaadaan, si ay u gutaan waajibaadkooda. Shir jaraa'id oo uu xafiiska ku qabtay ayuu sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka uu fasax ka qaaday qof kasta oo fasax lahaa, isla markaana looga baahan yahay Xildhibaanada maqan inay degdeg u soo galaan Muqdisho.

"Waxaan u yeerayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee maqan, meel fog ama meel dhow ha jiraan inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo galaan, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga, qof kasta oo fasax lahaa waxaa ka qaaday fasixii uu lahaa, anigoo ah Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka”ayuu yiri Guddoomiye C/wali Muudey.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Xildhibaanada ay fikir ku kala duwanaan karaan, hase ahaatee loo baahan yahay inay ilaaliyaan Hey’adda Golaha shacabka sida uu yiri.

Shirka jaraa’id ee Guddoomiye Muudey ayaa ahaa mid kooban oo uu ku diiday in wax su’aalo ah la weydiiyo, iyadoo aanu waqti u qaban xilliga laga doodayo Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari.

Illaa 200 Xildhibaan ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu kooramkooda dhan yahay, hase ahaatee waxaa shaki badan laga muujinayaa in hadii tiradaas ku fariistaan in Guddoomiye Jawaari heli karo codod ku filan inuu uga badbaado mooshinka kalsooni kala noqoshada, iyadoo Xukuumadda ay ku dadaaleysi in Xildhibaanada maqan inay dalka soo galaan, si ay uga qeyb qaataan ololaha lagu ridayo

C/FATAAX GEESEY "SHARIIF XASAN WUXUU KA SHAQEYNAYAA INUU BURBURIYO BAARLAMAANKA 10AAD"

Xildhibaan C/fataax Ibraahim Geesey oo ka mid ahaa Xildhibaanada difaacaya Guddoomiye Jawaari ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan inuu gadaal ka riixayo mooshinka.

C/fataax Geesey ayaa sheegay in raalli gelin ka bixinayaan Xildhibaano ka soo jeeda Koofur Galbeed oo ugu baaqay in Jawaari is casilo, isagoo xusay in Jawaari aanu aheyn Ugaas ama Suldaan, balse uu yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la soo doortay.

"Waxaa nasiib darro ah in Xildhibaano qaar inay yiraahdaan is casil, waxaa ognahay in Jawaari uusan aheyn Ugaas iyo Suldaan, midna ee uu yahay Guddoomiyaha Golaha shacabka, umaddan ayaa dooratay”ayuu yiri C/fataax Geesey.

Mr Geesey ayaa ku eedeeyay Shariif Xasan inuu ka shaqeynayo in la burburiyo Baarlamaanka 10aad, si la mid ah baarlamanadii hore oo uu u kala qeybiyay labo garab, xilligii Baydhabo iyo markii uu Asmara aaday ee uu la baxay Baarlamaanka xorta ah.

Kulamada iska soo horjeeda ee Xildhibaanada labada dhinac ayaa noqday mid aan kala go’ laheyn, waxaana Xildhibaanada ka soo horjeeda Jawaari ay ku cadaadinayana inuu is casilo, halka kuwa kalena ay difaacayaan.

Sarkaal Soomaali ah oo Mareykanka lagu xiray

Maxamed Nuur oo ahaa sarkaal booliiska ah oo ka mid ahaa ciidanka booliiska ee magaalada Minneapolis ayaa Talaadadii daraad lagu soo oogey inuu ula kac u dilay Justine Daimond oo ahayd haweenay u dhalatay dalka Australia, nin saaxiib ahaayeenna kula nooleyd magaalada Minneapolis.

Dacwadda sarkaalka ayaa isla Arbacada shalay ah bilaabaneysa

Dilku waxa uu dhacay 15kii bishii July ee sanadkii hore, 2017

Haddaba eedahan iyo sharaxaadooda ayaa wariyeheena Maxamuud Mascadde uu ka wareystay Qareen CAbdiwaaxi Sheekh Cusmaan Qalinle oo ka hawlgala gobolka MN.

Puntland Oo Gacanta Ku Dhigtay Dad Geystay Falal Amnidarro

Taliska Ciidanka Booliska gobolka Nugaal Maamulka Puntland ayaa manta waxa ay faah faahin ka bixiyeen howlgallo la xiriira dhanka Amniga kaas oo laga sameeyey Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame(Galangoolli) ayaa sheegay in howlgalka intiisa badan ay ku beegsanayeen dhalinyaro xiliyada Habenkii ah dadka dhici jiray,kuwaas oo adeegsan jiray Midiyo ama (Tooreey)

Isaga oo Shalay shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Garoowe ayuu sheegay in howlgalladii la sameeyay lagu soo qabtay dhalinyaro lidi ku ahaa amniga Magaalada kuwaas ,, geystay dhibaato ay ka mid tahay kufsi halka kuwo kale ay ku howlanaayeen dhaca Shacabka Magaalada Garoowe.

Ugu dambeyn wax auu sheegay in uu howlgalka sii second oono,isaga oo uga digay dhalinyaarda falalka amnidarro ka wada Magaalada in ay joojiyaan hadii kale tallaabo laga qaadio doono.

HAMBALAYO DHALASHO

Maxamuud Axmed Jimcaale {Xaaji {Shitaar}, Xuseen Axmed Jimcaale,Dr.Cismaan Axmed Jimcaale, Muxyadiin Axmed Jimcaale {Tusbax},Dr.Maxamed Xuseen Axmed {Suufi}, Aamino Axmed Jimcaale, Salaado Axmed Jimcaale ,Sh.cali cumar,madiino Axmed Jimcaale, Hooyo Xaawo Axmede Jimcale , Yuusuf Cismaaciil Axmed {Carrabeey},Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto}, Cabdi Cali Xasan Yuubane Iyo Shiino Axmed Rooble, Faadumo Cabdi Cali Xasan, Ceyni Cabdi Cali Xasan, Caasho Cabdi Cali Xasan,Salaad Shaataar Axmed Jimcaale, Khadro C/laahi Cali, Maxamed Xuseen Coon, Xamdi Cumar Xasan, Raxmo Maxamed Maxamuud{la Jecel}, Nuurto Cali Cumar C/Fitaax Maxamuud Salaad , Nimco Cali Cumar, Nasro Cali Cumar,Najib Cali Cumar ,Shukri Xaaji Xuseen Culusoow, Qaali Xaaji Xuseen Culusoow, Xannaan Cismaan Axmed , Maxamed Cismaan Axmed, Wardo Cismaan Axmed ,Qaalid Cusmaan Axmed, Cabdi Maxamed Axmed, Maxamed C/casiis Saahtaar, C/Qadir C/Casiis Shaataar [Damaanyo}, Axmed Cismaan Axmed M.Jimcaale {Shaarib} Jimcaale,Nuuradiin Cali Cumar, Istaahil C/fitaax Maxamuud Salaad, Istaahil C/casiis, Hibaakh Jeelloow, Nuur Maxamed Cali {Nuur Qamadi}, Macallin Xasan, Xaliimo Sacdio Dheekh Cimar ,Binti Cismaan Maxamed iyo dhammaan bahda wargeyska Mogadishu Times waxaay Habalyo Dhalsho u dirayaan

MAXAMED XASAN XUSEEN {ANAA LEH} IYO XAASKIISA CAASHO AXMED MAXAMUUD KARAANI

 oo 15ka maarso 218ka Gabar uga dhalatay Magaalada Muqdisho waxaana looga Magac daray XABIIBO MAXAMED XASAN XUSEEN waxaay leeyihiin alle kaga dhigo tii Anfacda Dalkeeda, Dadkeeda iyo Diinteed. Aamiin Aamiin

HAMBALYO DHALSHO

Aabbo: Ahmed Mohamud karaani , Hooyofaadumo sheikh carte , Cali Mohamud karaani,,Nuur Mohamud karaani, Aweis Sheikh Cadde , Maxamed Buuwe Maye baasi Buuwe Maye, Batuulo Mohamud Karaani, Safiyo Mohamud karaani, Muu mimo Mohamud Karaani , Binti Mohamud Karaani, Raxmo Mohamud Karaani

Maryan Axmed Karaani, Ibraahim Ahmed Karaani ,Yuusuf Ahmed Karaani, Sowdo Ahmed Karaani,Amino Ahmed Karaani

Jiijo Ahmed Karaani, Zakariye Ahmed Karaani ,Faadumo Ahmed Karaani, C/ra xman Ahmed Karaani, Raxmo Ahm ed Karaani, Safiyo Ahmed Karaani,Ramlo Ahmed Karaani, Xamza Ahmed Karaani Iyo , C/laahi Ahmed

Dhammaan Dadkaasi Waxaay Hablayo Dhalsho Farxad Leh U Dirayaan 

MAXAMED XASAN XUSEN ANAA LEH IYO CAASHO AXMED MAXAMUUD KARAANI 

oo Gabar ugu dhalataya 15ka Maarso 2018ka Magaalada Muqdisho waxaaan looga magac daray XABIIBO waxaay leeyihiin alle haka dhigo tii soo barbaarta o dalkeeda ,dadkeeda iyo diinteedaba anfacda

AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

MASKAXDAADA OO LA KEYDINAYO KA DIBNA COMPUTER LOOGA SHAQEYSIIN DOONO, BALSE WAA INAAD DHIMATO..

Your-BrainShirkad uu fadhigeedu yahay magaalada California ee dalka Mareykanka laguna magacaabo Nectome ayaa waxay daaha ka qaaday inay sameyneyso tijaabo qariib ah, taasoo lagu keydinayo xasuusta iyo macluumaadka ku jira maskaxda qofka.

Shirkaddaan ayaa soo bandhigtay caddeyn la xiriirta in Maskaxda aadanuhu aysan xusuusta lumin marka ay dadku dhintaan, sidaas darteed waxay diyaar u tahay inay keydiso xasuusta qof walba, ka dibna ay mustaqnalka u bedesho mid computerka ku shaqeysa.

Maamulka shirkadda Nectome ayaa daaha ka qaaday in aysan haatan diyaarsaneyn tiknoolajiyaddii looga shaqeysiin lahaa keydka maskaxda ee aadanaha, balse mustaqbalka marka la helo tiknoolajiyaddaan sida uu qorshuhu yahay ay suurtogelin doonaan.

Yoolkoodu wuxuu yahay inay baaritaan ku sameeyaan xubinta Connectome ee maskaxda aadanaha – taasoo muhiim u ah isku xirka maskaxda, deedna ay dib uga shaqeysiiyaan xasuusta maskaxda shaqsiga muddo dheer ka dib marka uu qofku dhinto.

Inkastoo sannado badan loo jiro in la helo tiknoolajiyadda suurtogelineysa, hadana shirkadda Nectome ayaa haatan diyaar u ah inay qaado tallaabada ugu horreysa ee lagu xafidayo xasuusta maskaxda qofka si mustaqbalka looga faa’iideysto.

Robert McIntyrehe oo wax ka aasaasay shirkaddaan ayaa aaminsan inuu qorshahaani boqolkiiba 100 muhiim u yahay macaamiishooda, maadaama mustaqbalka laga faa’iideysan karo cilmigii ay xambaarsanaayeen dadkii dhintay iyadoo la isticmaalayo barnaamijyo tiknoolajiyadda salka ku haya oo aan weli diyaar aheyn.

Inkastoo shirkadda Nectome ay muran dhaxda ka gashay, hadana macaamiishooda ayaa weli albaabada taagan kuwaasoo diyaar u ah inay bixiyaan qiimo ka badan 10 kun oo dollars si xasuustooda loogu keydiyo.

Nectome oo durba qorshaan ku tijaabisay 25 shaqsi, ayaa haatan lagu soo oogay dacwad la xiriirta adeeggooda muranka dhaliyey.

Dhanka kale, Ken Hayworth oo ah madaxweynaha hayadda Brain Preservation Foundation ayaa yiri: "Waan taageersanahay qorshaha Nectome, maxaa yeelay marka uu qofku dhinto maskaxdiisu waa ay damaysaa sida computerka marka la demiyo oo kale. Laakiin taasi lama micno ahan inaan la heli karin macluumaadka ku jira”.

BOGGA CAYAARAHA

"BEYLAH HA’IGA TEGIN”, – DIEGO COSTA OO KU CATAAWAY ANTOINE GRIEZMANN

Atletico Madrid ugu yaraan waxa ay rejey-neysaa in Antoine Griezmann uu ugu yaraan hal ol’ole oo kale la sii joogo laakiin waxaa laacibka reer France in uu baaqi ku aado Madrid ugu baaqay Diego Costa.

Laacibka reer Spain waxa uu sharraxaad ka bixiyey sida laacibka xirta 7-da u soo wacay oo uu uga codsay in uu Chelsea ka soo tago uguna yimaado At-leti iyo in uu hadda curtay is fahankooda dhinaca duu-llaanka.

"Waxaan qabaa in uu joogi doono,” ayuu Costa ku sheegay shirkii jaraa’id ee ay Spain qabatay.

"Hore ayuu ii soo wacay oo uu igu yiri imow At-letico.

"Hadda cidlo igma tegi karo.

"Wali wuuna nala joogaa waxaana rejeyayaa in ay sidaas ahaato.

"Waan farxi doonaa haddii uu joogo, walow sh-aqsi walba ay tahay in uu sameeyo wax iyaga u wac-an.

"Waxa ay aniga ila tahay waxa isaga ugu wacan in ay tahay in uu joogo.”

TABABARAHA XULKA QARANKA SPAIN EE JULEN LOPETEGUI OO HAATANBA SII OG SHAXDA UU KU DAGAALAMI DOONO KOOBKA ADDUUNKA & HAL BOOS OO AAN WALI LA GO,AAMIN XIDDIGA KA CIYAARI DOONA

Xilli 3 bilood ka harsan yihiin koobka adduunka tababaraha xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui ayaa haatanba og xiddigaha uu dareensan yahay in uu ku tiirsanaan karo Russia.

Waxa kaliya jira hal boos oo aan wali la go,a-amin xiddiga ka ciyaari doona xilli 10 xiddig ay haat-aba booskooda sii xoraysteen kadib qaab ciyaareed cajiib ah una muuqda qorshaha tababaraha.

Goolhayaha ayuu gali doonaa David De Gea shaxhalka daafaca ay ku bilaaban doonaan xiddigaha Dani Carvajal, Sergio Ramos, Gerard Pique & Jordi Alba.

Weerarka Diego Costa ayaa hogaamin doona halka xiddigaha Isco iyo David Silva ay garabaha ka ciyaari doonaan khadka dhexe xiddigaha Sergio Busq-uets & Andres Iniesta ayaa ah lama taabtaan.

Laakiin booska xiddiga 3-aad ee khadka dhexe ah ayaan wali la go,aamin xiddig ka ciyaari doona kaas oo ay ku dagaalami doonaan xiddigaha Koke, Thiago Alcantara & Saul Niguez todobaadyada ka haray dhamaadka horyaalka.



SHIRKAD DAAFACADA SAALAX KA HORIMAANAYA BAD BAADO UGA BAAHAN! GOOL KASTA OO UU DHALIYO SAALAX WIXII HADDA KA DAMBEEYA SHIRKADDAN WAXA AY KHASAARI DOONTAA 140 MILLION ! OGOW SABABTA!

Gool kasta oo uu Maxamed Saalax dhaliyo wixii hadda ka dambeeya waxa uu ka qasaarin doonaa shirkadda teleefanada ee Vodavone 140 million laga bilaabo salaasada.

Shirkadda moobeelada waxa ay 11 daqiiqo oo bilaash ku hadal ah siin doonaa macaamiisheeda haddii uu gool dhliyo saalax.

Si ay taageereyaasha uga faa’ideystaan taas waxa ay iska diiwaangalin doonaan adeeg ay shirkadda ugu magic dartay ‘Mo Salah World”.

Vodane ta ka hawlgasha Egypt waxaa ay leedahay macaamiil dhan 43 million sida lagu qoray Website-keeda.

Daqiiqadda ku hadalka ee shirkadda waa 25 lacagta Egypt oo u dhiganta ($0.014), taas oo la micne ah haddii dhammaan macaamiisheeda iska diiwaan galiyey ‘Mo Salah World’ Vodavone Egypt waxa ay lumen doontaa aduun dhan $140 million daqiiqad walba oo uu Salah gool dhaliyo

20-LAACIB OO WAA WAYN OO BILAASH LAGU HELI KARO BISHA JUNE..

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa dib u furmi doona Bisha June ee na soo aadaan.

20-xiddig oo shidan ayay kooxaha bilaash ku heli karaan maadaama uu qandaraaska ka dhacayo 30-ka bisha June.

EEG:

Stefan de Vrij (Lazio)

Emre Can (Liverpool)

Mario Balotelli (Nice)

Daley Blind (Manchester United)

Jack Wilshere (Arsenal)

Bernard (Shakhtar Donetsk)

Marouane Fellaini (Manchester United)

Joao Moutinho (Monaco)

Giorgio Chiellini (Juventus)

Arjen Robben (Bayern)

Hatem Ben Arfa (PSG)

Facundo Ferreyra (Shakhtar Donetsk)

Zlatan Ibrahimovic (Manchester United)

Achraf Hakimi (Real Madrid)

Dani Garcia (Eibar)

Joel Robles (Everton)

Franck Ribery (Bayern)

Yaya Toure (Manchester City)

Sergio Canales (Real Sociedad)

Max Meyer (Schalke 04)

HAL SANNO KADIB MAXAA ISKA BADALAY WARFAAFINTA 

MADAXTOOYADA SOOMAALIYA ?=FAALLO=

sswarfaafinta Villa Somalia waxaa u baryay waa cusub, madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dikreeto kusoo saaray in Cabdinuur Maxamed Axmed uu yahay agaasimaha warfaafinta ee Villa Somalia laga bilaabo maalinkaas

Cabdinuur Maxmed Axmed wuxuu ahaa nin horey xiriir fiican ula lahaa bahda saxaafada Somalia, wuxuu ahaa wariye, u dhaqaaqe dhanka bulshada ah, muxalil siyaasadeed iyo shaqaalo hay’adeed, waaya aragnimadiisa iyo aqoonta shaqsiga ah ee loo lahaa ka sokow waxaa dhamaan bahda warbaahintu ay is weydiineysay sida uu xafiisku noqon doono iyo qaabka uu ula jaan qaadi doono saxaafada madaxa banaan madaama uu guud ahaan dalku isbadal galay, soo dhoweyn badan kadib waxaan qormadaan dib ugu eegeynaa waxyaabaha iska badalay xafiiska warfaafinta Villa Somalia iyo xiriirka xiligaan kala dhaxeeya saxaafada madaxa banaan.

1 Dib u hagaajinta xafiiska warfaafinta

Mudo kadib, waaxda warfaafinta ee Villa Somalia waxaa ay yeelatay dhisme u gaar ah iyo qalab u gaar ah. Dhisme ka kooban ilaa 6 qol ayaa la siiyay waaxdan si ay howlahooda u dar dar galiyaan, waxaa yaraaday ku tiirsanaantii uu xafiiskan ku tiirsanaan jiray wasaarada warfaafinta iyo qalabkii shaqsiyaadka ee la isticmaali jiray waxaana xafiiska loo muunad ekeeyay mid lagu iibin karo ujeedooyinka Qaranka iyadoo loo maraaayo saxaaafada.

2 Xiriirka warbaahinta madaxa banaan

Xafiisku wuxuu magaacabay agaasime u gaar ah inuu la macaamilo saxaafada madaxbanaan, wuxuu casuumay tiro 2 jeer ah hogaanka warbaahinta xorta ah ,kulamadaas waxaa diirada lagu saaray sida ugu macquulsan ee looga wada shaqeyn karo danta Qaranka, warbaahinta waxaa loo sameeyay jadwal iyo sidoo kale kaarar u sahlaya howlaha ay kaga baahdaan madaxtooyada.

Waxaaa meesha ka baxday wariyaashii dhibaatada u mari jiray xogaha Villa Somalia iyo bahdilaadii ay ilaalada ku qabeen.

3 Dhiiri galinta saxaafada gudaha

Xafiisku wuxuu badalay dhaqankii ahaa in boosaska ka banaan lagu buuxiyo dad aan horey ugu jirin saxaafada oo jid qabiil ku yimid. Ilaa 8 shaqaaale oo xafiiska looga baahday mudadii sanadka aheyd waxaa laga qaatay warbaahinta gudaha si loo dhiiri galiyo, sidoo kale wariyaashu waxey fursad u heleen iney koox koox u raacaan safaarada madaxweynaha, bahda saxaafada ayaa si diiran usoo dhoweysay labadaan arimood.

4 Colaadinta warbaahinta

Mudo kadib, waxaa istaagay xarigii iyo caga jugleyntii saxaafada madaxa banaan kaga imaan jirtay dhanka Dowladda, horey hay’adaha Amniga ayaa toos ula macaamili jiray wariyaasha iyo warbaahinta hadii ay dareemaan in Dowladda lagu fogaaday waxaana falcelintu ay noqon jirtay xarig ama handaad. Xiligaan xafiiska warfaafinta ee Villa Somalia ayaa u dhaxeeya wariyaasha iyo hay’adda Amniga waxaana uu xafiisku ku guuleystay inuu xaalad walba oo saxaafada la xiriirta uu isagu qaab hoose ku xaliyo.

5 Wax soo saarka

Waaxda warfaafinta ee Villa Somalia ayaa u muuqata mid ku guuleysatay iney xakameyso xogaha iyo muuqaalada aan loogu talo galin iney baxaan, nuuca sawirada iyo muuqaalada ee laga soo gudbiyo madaxweynaha ayaa noqday kuwo aan dhaliil laheyn, saxaafada onlineka ayaa sidoo kale deg deg ku hesha qoraaladda kasoo baxa xafiiska madaxweynaha taas oo noqotay mid aad loogu amaanay Agaasime Abdinur iyo kooxdiisa.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo aan teleefoonka kula xiriiray isagoo Muqdisho jooga ayaan weydiiyay sida uu arko mudadii sanadka aheyd ee u xafiiska joogay iyo waxa uu rajeynaayo sanadkaan waxaana uu ku jawaabaay.

" Runtii wuxuu ii ahaa sanad wanaagsan, waa dareemi kartaaa culeeska ay lee dahay masuuliyadan, waxaan ku dadaalay ilaa xad iney wax walba wanaag ku dhacaan, waxaan abuuray saaxiibtinimo u dhaxeysa madaxtooyada iyo saxaafada madaxa banaan, wuxuu noo ah sanadkii sahanka, waxaan xoogaa saarnay isbadalka xafiiska iyo hormarintiisa, waxaa jira waxyaabo badan oo sanadkii hore aan qorsheeyay balse aan hir galin kuwaas oo aan filaayo iney sanadkaan qabsooman, waa shaqo Soomaalida oo dhan ay wada leeddahay waxaan saxaafada iyo shacabkaba weydiisanayaa iney nala shaqeeyaan ,waxaan u baahanay aragtidiina iyo talooyinkiina”.

Bahda saxaafada ayaa inta badan aaminsan inuu jiro is badal weyn oo xafiiskan ku yimid tan iyo bishii March ee sanadkii hore.

Waxaa Qoray;Cabdulaahi Cismaan Faarax

Raafac22@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip