Dowladda oo ka hadashay iska hor imaadkii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
Wednesday March 21, 2018 - 20:25:00 in Wararka by
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo ka hadashay iska hor imaadkii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo barkhanimadii maanta ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo barkhanimadii maanta ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka wada dagaalamay ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa ay tababarto dowladda Imaaraadka Carabta ee degan Isbitaalka Xoogga dalka iyo ciidan kale oo NISA ah.

Iska hor imaadka ayaa wuxuu ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka illaa Warshada Caanaha, waxaana jira waxyeelo kala duwan oo ka dhashay iska hor imaadkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/casiis Xildhibaan ayaa sheegay iska hor imaadkan in ay ku dhinteen ilaa 7 qof oo Shan ka mid ah ay yihiin shacab, halka labada kalena ay ahaayeen Ciidamo.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Gorod ayaa sheegay iska hor imaadkan inuu ahaa mid si kedis ah ku dhacay, wuxuuna tilmaamay in la iskala xisaabtami doono falkan iyo cidda ka dambeysa.

"Falkan ma dhihi karo wuxuu ahaa mid Dagaal, balse wuxuu ahaa mid si kedis ah ku dhacay, khasaaraha dhabta aniga ma xaqiiijin karo, balse wuu kooban yahay, Taliyeyaasha Ciidamada ayaa arrintan kulan ka leh ayuu yiri Gen. Gorod.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip