30 Ruux oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Kapul

0
Wednesday March 21, 2018 - 20:20:46 in Wararka by
  • Visits: 360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    30 Ruux oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Kapul

    Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhimatay 19 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii la qarxiyay macbad u dhaw magaalada Kaabuul, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhimatay 19 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii la qarxiyay macbad u dhaw magaalada Kaabuul, sida ay saraakiishu sheegeen.

Warbixinnada hore waxay sheegayaan in qofka qaraxa gaystay uu beegsaday dad isugu yimid si ay xusaan sannadka cusub ee Nayruuska.

Dadka isu yimid badan koodu waxay ahaayeen Shiicada laga tirada badan yahay. Wararka qaarna waxay sheegayaan in tirada dhimashadi ay intaas ka sii badan karto.

Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa sheegatay qaraxaas.

Sannadihii u dambeeyayna waxaa sare u kacay weerarrada madaahiibta ku dhisan ee Shiicada lagu bartilmaameedsado.

Qaraxu wuxuu ka dhacay bannaanka isbitaalka Ali Abad oo u dhaw jaamacadda Kabul University oo ku taalla galbeedka magaalada.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip