Dagaal Xoogan oo Ciidan Kenyan ah iyo Shabaab ku dhexmaray Gobolka Gedo.

0
Wednesday March 21, 2018 - 20:19:08 in Wararka by
  • Visits: 319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Xoogan oo Ciidan Kenyan ah iyo Shabaab ku dhexmaray Gobolka Gedo.

    Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa Sheegaya in Galabta uu dagaal xoogan ku dhex maray Ciidanka la dagaalanka argagixisada ee Kenya iyo kuwa Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa Sheegaya in Galabta uu dagaal xoogan ku dhex maray Ciidanka la dagaalanka argagixisada ee Kenya iyo kuwa Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Deegaan lagu Magacaabo Xirsi Guur oo 45KM ujira Degmada Ceel-Waaq, Waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo labada dhinacba soo kala gaaray, Sidaas waxaa xaqiijiyay araakiisha Xooga dalka ee Ku sugan Gedo.

Kahor inta aanu dhicin dagaalka, Diyaarad gaar ah oo ay leedahay Dowladda Kenya ayaa howlo Sahmin ah ka sameysay deegaanka oo la sheegay iney isku uruursanayeen Dagaalamayaasha Shabaab, Waxaana Intaas kadib ay la bartilmaameedsatay dhowr ganataal taasoo keentay in markii danbe ay galaan Ciidanka Kenya.

Cabdi Carab C/Nuur oo kamid ah Saraakiishii sida dhaw ula socotay Dagaalka ayaa Warbaahinta Gudaha usheegay iney Goobta ugu tageen Meydka 4 Shabaab ah, Sidoo kalena uu jiro Dhaawacyada 15 Kale oo Shabaab geysteen Deegaanka Likooleey oo isna 80 Km Qiyaastii Ceelwaaq ujira.

Dhanka Ciidankooda ayuu Sheegay inuu soo gaaray Dhaawaca hal askari, Kenyankana aysan Jirin wax Khasaare ah oo ka soo gaaray Weerarka maanta dhacay.

Si Kastaba, Majirto ilo ka madax banaan Sarkaalkan oo xaqiijin karta Sheegashadiisa ku aadan iney dagaalamayaal Shabaab ah ay Khasaare xoogan ku gaarsiiyeen Weerarka ay maanta ku qabsadeen Deegaanka Xirsi Guur.

Shabaab wali wax war ah kama soo saarin Dagaalka ka dhacay Gobolka Gedo iyo hadii ay sax tahay Khasaaraha lagu gaarsiiyay Weerarka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip