"Weerar dhacay 19-kii bishan waxaan ku dilnay laba katirsanaa xoogaga Al-shabaab, waxaana ku dhaawac may duqeymaha diyaaradaheena ay fulinayeen ila iyo sadax kale oo Al-shabaab katirsanaaā€¯
Ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay militariga dowladda Mareykanka ee ka howlgalada qaarada Afrika.
Dhanka kale warka kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in weerarkaasi oo ahaa dhanka cirka, lagu gubay gaari kamid ahaa gadiid ay isticmaalayeen xoogagii Al-shabaab ee lagu weeraray Mubaarak.
Wali majirto cid ka madax banaan Taliska Mareykanka ee ah iney duqeyn ku dileen ilaa iyo laba dagaalame oo katirsanaa Al-shabaab, dhanka Al-shabaab wali iyagana wax war ah kama soo bixin.
Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya ayaa kordhiyay weerarada isugu jira duqeymaha iyo kuwa tooska ah ee ay la bar tilmaameed sadaam goobaha iyo saldhiggyada ay ka howlgalaan xoogaga Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.
Taliska Mareykanka oo Soo Bandhigay Tirada Al-shabaab Looga Dilay Deegaanka Mubaarak (Akhriso)
War kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee loo yaqaan Africom ayaa lagu faah faahiyay weerar dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen Degaanka Mubaarak ee Gobolka Sh.Hoose.