Saraakiil Shabaab oo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Sh/Hoose

0
Wednesday March 21, 2018 - 10:04:02 in Wararka by
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Shabaab oo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Sh/Hoose

    Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan waxa ay xalay ku galeen xarumo Shabaab ay ku leeyihiin Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan waxa ay xalay ku galeen xarumo Shabaab ay ku leeyihiin Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa jiray dagaal kooban oo dhexmaray Ciidankii Dowladda ee weerarka qaaday iyo dagaalamayaasha Shabaab, Waxaana jira Khasaare kala duwan oo ka dhashay howlgal, Sidaas waxaa xaqiijiyay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Dowladda ayaa gacanta ku soo dhigay laba Ka mid ah Saraakiisha Shabaab ee gobolkaasi iyo dagaalamayaashooda, Waxayna Ciidanka la soo aadeen Garoonka Ballidoogle.


Gudoomiye Kuxigeenka Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa Warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in dadka la soo qabtay ay ku jiraan C/Kariin Abuu Xamsa oo Shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose iyo Sheekh Muudey oo isna Shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka.

"Gurigii Howlgalka laga sameeyay waxaan ka soo qaadnay hub fara badan oo ay ku jiraan kuwa gaadiidka dagaalka lagu xiro iyo qaraxyo ay diyaarinayeen Saraakiisha la soo qabtay.” Ayuu yiri Guddoomiye C/fataax.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip