HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 21-KA MAARSO 2018-KA

0
Wednesday March 21, 2018 - 09:35:41 in Wararka by
  • Visits: 456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 21-KA MAARSO 2018-KA

    SHIRKII MAAMUL GOBOLEEDYADA EE GAROWE OO U BAAQDAY XIISADA BAARLAMAAN KA EE MOOSHINKA JAWAARI Warar laga helayo M/Garowe ayaa sheegaya in shirkii Madaxda maamul gobole edyada ee lagu waday in 20ka bisha March oo Shalay ku beegan uu ku dhaco ayaa b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHIRKII MAAMUL GOBOLEEDYADA EE GAROWE OO U BAAQDAY XIISADA BAARLAMAAN KA EE MOOSHINKA JAWAARI Warar laga helayo M/Garowe ayaa sheegaya in shirkii Madaxda maamul gobole edyada ee lagu waday in 20ka bisha March oo Shalay ku beegan uu ku dhaco ayaa baaqday, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan. Shirka ay isugu ima an lahaayeen Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa arrimaha ugu waa weyn ee u baaqday ka mid ah xiisada ka dhex taagan Baarlamaanka ee ka dhash ay Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari.

Shirkan ayaa qorshihiisa ahaa inuu dha co ka hor shirka Madaxda Golaha Amniga Qaranka ay ku yeelan lahaayeen M/Ba ydhabo, kaasoo aan isaga xataa muuqan saan saan uu ku qabsoomo marka loo ee go xiisada siyaasadeed ee uu dalku gal ay, War murtiyeed la filayay in Golaha Isk aashiga dowlad goboleedyada ka soo saa raan khilaafka siyaasadeed ayaa dib u dhacay, ka dib markii la isku raaci waayay qaabka loo wajahayo.

Madaxweynaha KGS Md.Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu doonayay in Maam ul gobole edyada ku qanciyo ololaha ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari, isla ma rkaana ay cadaadis ku saaraan Xildhibaa nada laga soo doortay deegaanadooda si ay u ridaan Jawaari, balse Ma dax da kale ee M.G/leedyada ayaa iska diiday inay wax lug ah ku yeeshaan arrintan.

SHIRKA WASIIRADA BARIGA AFRIKA IGAD OO KA FURMAYA NAYROBI

Shirka Wasiirada Bariga Afrika dalalka Urur Goboledka IGAD ayaa maalinta Kha miista ah ee Todobaadkan waxaa lagu wadaa inuu ka furmo M/Neyrobi ee da lka Kenya. Wasiiradan ayaa waxa ay ka hadl ayaan xaaladda Hal Milyan oo Qaxooti ah oo ku nool geeska Afrika, dib u eegsita qorshaha horumarinta Barakacayaasha, iyo arrimo kale.

"Kulanka Wasiirada Bariga Afrika ee IGAD ayaa ka furmaya Magaalada Nay robi ee dalka Kenya, Khamiista 22ka bi shan, waxaa looga hadlayaa xaalada Qax ootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Kenya, qorshe cad ayaa loo dejin doonaa Qaxootiga.” Ayaa lagu yiri War qoraal ah oo ka soo baxay IGAD.

IGAD ayaa sheegtay in Wasiirrada la filayo in ay soo saaraan ficilo muhiim ah oo ku saabsan hirgelinta bayaanka Qorsh aha Qaxootiga Nairobi iyo Qorshaha Horumarinta oo la sameeyey Hal sano ka hor, iyo sidoo kale heshiisyo farsamo iyo maaliyadeed oo ka imanaya dalalka IG AD. Kenya ayaa iminka martigelineysa 1 Milyan iyo 200 oo Kun oo Qaxooti ah, wa xaana ay fileysaa in ay uruuriso lacag dhan 2Bilyan oo Dollar, taasi oo lagu ca awinayo Qaxootiga 2sanadood danbe

XIL.CABDI SHIRE "JAWAARI OO XILKA LAGA QAADO WAA BAARLAMAANKA OO ALBABADA LOO LAABO”

Xil. Cabdi Shire Jaamac oo loo yaqaano Ciyaar Jecel oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shac abka ayaa in Guddoomiye Ja waaro oo xilka laga qaado ay ka dhigan tahay in Baarlama anka oo albaabada la isugu laabo.

Xildhibaanka ayaa muujiyay sida aa nu raalli uga aheyn ololaha lagu ridayo ee Guddoomiye Jawaari oo ay wadaan xub no ka tirsan Baarlamaanka, iyadoo ay ga daal ka riixayaan Madaxto oyada iyo Xuk uumadda. "Isku dayga la rabo in xilka loo ga qaado Guddoomiye Jawaari waxaa u arkaa mid aan danta Umadda Soomaaliy eed xilligan ku jirin, waxaa ka codsana yaa Xildhibaana da saxixay mooshinka in xaalada dib u eegaan oo ay maanka ku hayaan marxalada uu dalku ku sugan yahay”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Shire.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in Jawaari uu yahay nin sharci yaqaan ah, isla markaana aanu xilligan adduunka joo gin qof leh aqoontiisa iyo waayo aragnima diisa, isagoo xusay in bani’aadam uu kha ldami karo.

"Dadku waa bani’aadam, khalad waa jiri karaa ay arkaan xildhibaanada qaar in uu galay Gudd oomiyuhu, balse waxaa mu hiim ah in aan xaqiiqada aan laga tagin, Aqoonta Jawaari uu leeya hay dhan maa mul, sharci iyo waayoaragnimo maanta ma noola qof Soomaali ah oo leh, Jawaari oo Guddoomiyenimada laga qaado waa baarlamaanka oo albaabada loo laabo” ayuu Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac.

Xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari ayaa cirka isku shareertay, iya doo ay ku kala qeybsameen Xildhibaana da, waxaa socda kulamo gaar gaar ah oo badankood lagu bixiyo dhaqaale fara ba dan, iyadoo xodxodashada iyo kasbas hada Xildhibaanada ay aad u xoogeysa tay.

MAREYKANKA OO LAGA DALBADAY INUU KORDHIYO BOLISKA SOMALIDA EE DALKASI

Soomaalida ku dhaqan M/ Minne apolis gobolka Minnesota ee dalka Mare ykanka ayaa dal bay in la kordhiyo sara akiisha Soomaalida ee ka mid noqoneysa Ciidamada Booliska ee mag aaladaasi.

Cabdi Warsame oo ka mid ah golaha deegaanka magaalada Minneapolis ayaa sheegay in saraakiishii horay uga mid noqotay Ciidamada Booliska ee Magaala daasi ay wanaajiyeen xari irka u dhaxeeya Soomaalida ku dhaqan halkaasi iyo Cii damada Booliska ee dalka Mareykan ka

islamarkaana ay codsanyaan in la siy aadiyo xilligani. Mr Warsame ayaa hoosta ka xiiqay in la bo Askari oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Cabdiwahaab Cali iyo Maxamed C/laahi ay meesha ka saareen caqabado badan oo ku hor gud boonaa Soomaalida ku nool magaladaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in 2da asi Askari hadda loo dalacsiiyay saraakiil sar sare, balse loo baahan yahay Askar kale oo Soomaali ah, kuwaasi oo lagu soo bii riyo Booliska magaalada Minnea polis ee dalkaasi.

Soomaalida ku dhaqan dalka Marey ka nka ayaa si aad ah uga dhex muuqda he erarka kala duwan ee maamullada dal kaasi.

SHIR LOOGA HADLAYO DAGAALKA AL SHABA AB OO KA FURMAY M/KAMPALA

Taliyeyaasha nabad sugida iyo sirdo onka qaar ka mid ah dalalka Afrika ayaa shir looga hadl ayo lagaalanka waxa loo yeero Argagixisada waxa uu uga furmay M/Kampala ee Caasimaddaa dalka Ugan da. Shirkani oo 2 maalin socon doono aya a waxaa kampala ka daahfurey taliye ku xigeenka Ciidanka xoodga dalka Uganda major General Wilson Mbadi.

Taliyaha oo warbaahinta la hadlayay kadib furitaanka shirka ayaa hoosta ka xariiqay in saaki isha shirka ka qeyb galey saa ay is weydaaran doonan aragtiyo ku aadan, sidii loola dagaalami lahaa koo xaha Argagixisada, sida Al Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirka lagu falanqeyn doono meelaha iyo ilaha ay dhaqaalaha ka helaan kooxahaasi iyo sidii looga hortagi lahaa cidkaste oo maalgalisa waxa loo yeero Argag ixisada.

Shirkana ayaa waxaa ka qeyb galaya tali yeyaal sare sare oo ka kala socda hay’a daha nabad sugida iyo sirdoonka ee dala lka Uganda, Kenya, Tanzania, Rwanda, Somalia, Mauritius, South Sudan, Sudan, Djibouti, Comoros iyo Madagascar.

Gabagabada shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyed ku aadan sida u gu fudud ee lagul dagaalami karo kooxa haasi.

WAFDI KA SOCDA IOM OO KORMEERAY XARUMAHA SHABAAB LAGU DHAQANCELIYO EE BAYDHABO

Wafdi ka socda Hay’adda IOM ee QM ayaa kormeeray xarumaha ku yaala M/Baydhabo, ee lagu dhaqanceliyo xubnaha ka soo goosta AlShabaab.Wafdiga oo kormeerkoodan ay ku wehlin ayeen Wasiir Kuxigeenka Amniga K/Ga lbeed, C/risaaq Cabdi Aadan iyo Taliyaha Ha y’a dda NI SA ee Baydbao, M.Isaaq Ibraah im (Aflow) ayaa soo kormeeray qaybaha ay xaru mahaan ka kooban yihiin.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya wafdig an intii ay kormeerka ku guda jireen inay war eys iyo la yeelanayeen Masuuliyiinta Maamul kaK/ Galbeed ugu magacaaban xarumahaasi.

Wafdigan ayaa kormeerka ka dib waxay M/aydhabo kula kulmeen Kusimaha Madax

weynaha DGKG.ahna Wasiirka Amniga, Xa san Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay). 2da dhinac ayaa waxay ka wada hadleen, sidii lagu ballaarin lahaa xarumaha Shabaabka lagu dhaqanc deliyo ee ku yaala Xarunta KMG K/Galbeed ee M/Baydhabo,

DALLADA BULSHADA RAYIDKA AH EE SOSCENSA OO BAAQ KA SOO SAARTAY XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA.

ANBALEEMA SOSCENSA Waxaa xaaladda Siyaasadeed ee ka jirta dalka ka hadlay warsaxaafeedna ka soo saaray Daladaha ay ku mideysan yi hiin Ururada Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA iyo PUNSAA.

WAR MURTIYEEED

Dalladaha SOSCENSA iyo PUNSAA oo ay ku midaysan yihiin qeybaha ugu ba dan ururada bulshada rayidka ah ee kaj ira Soomaaliya, ayaa dood adag ka yeesh aay xaalad da cakiran ee ka jirta gayigga Soomaaliya, gaar ahaan khil aafka ka dhe xjra xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Dood dheer kadib, Laba Dalladood waxa ay si wadajir ah usoo saareen WarMur tiyeed ka

KOOBAN QOODBADA SOO SOCDA :

1.Dalladaha waxa ay aad uga walaacs an yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka soo

cusboonaaday Hey’adaha Sharci dejinta iyo Fulinta iyadoo ay u arkaan in khilaafka

xiligan ku soo beegmay uu yahay mid dh abar jab ku ah geedigga dowladnimo ee

Soomaaliya

2. Ururada bulshada rayidka ah waxa ay ugu baaqayaan madaxda dawladda fe deraalka ah in khilaafka siyaasadeed la gu xalliyo sida ugu haboon ee danta shac abka Somaaliyeed ku jirto, danta gaar ahaaneedna laga hormariyo danta guud.

3. Waxa ay sidoo kale ugu baaqayaan golaha shacabka oo ah wakiilada umm adda Soomaaliyeed in ay waajibaadka sa aran u gutaan si wadani nimo ah, ALLE ka cabsina ku jirto

4. SOSCENSA iyo PUNSAA waxa ay xal u arkaan in si daahfuran loo qabto ku lanka codka kalsoonida u qaadidda ee gu ddoomiyaha baarlamaanka sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya loona dhameeyo khilaafka taagan.

5. Dalladuhu waxa ay baaq u dirayaan Xukuumada iyo Golaha shacabka oo ku aadan tixgelinta iyo u hogaansanaanta Dastuurka Dalka. 6. Dalladuhu waxa ay usoo jeedina yaa in golaha shacabka iyo xukuumaduba ay u ogolaadaan bulshada rayidka in ay goob joog ka noqda an qaa bka hawsha ay u dhaceyso 7. Waxa ay ka digayaan in hantida qaranka lagu sii huriyo khilaafka u dhaxeeya Golayaasha Dowlada 8.Waxa ay xasuusinayaan mada xda qar anka in khi laafka hadda jira uu niyad jab ku yahay himmilada ummada Soomaliye ed, sidoo kalena uu dhaa wac aya horumar kii la gaaray muddadi lasoo dhaafay. 9. Ugu dambayntii waxa ay ugu baaqay aan mas’uuliyiinta dowlada in ay dhagey staan isla markaana ay qaataan tallooy inka bulshada rayidka Soomaaliy eed si loo xalliyo khilaafka taagan. W.Bilaahi Towfiiq

Diini M.Diini,Faysal Axmed Warsame G/ Dallada SOSCENSA G/ Dallada PUNSAA

JAWAARI IYO KHAYRE HADDA MIDNA MA HEESTO CODAD KU FILAN.

Siyaasadeed ee M/Muqdisho ayaa deg gan saacadihii la soo dhaafay waxaana ja wi deggan ku socda raadinta codad ku fil an mooshinka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, halka dhinaca kale uu raadina yo codad uu isaga difaaca mooshinka ku wajahan. Xildhibaanada G/shacabka ee Soomaaliya ayaa dib ugu soo laabtay M/ Muqdisho waxaana sii xoogeysanaya kala jiidashada xubnaha aan dhanna raa csaneen kuwaas oo maalmo iyo saacado kooban dalka jooga, qaar kale ayaa loo yeeray oo ku maqan dalka dibadiisa wax aana lagu wadaa in saacadaha soo soc da ka soo degaan Garoonka Aadan cad de.

Mashquul badan ayaa ka jira Hoteel ada M/Muqdisho, way adagtahay in aad hesho xildhibaanada oo mid kasta kolba koox ayuu la shirayaa, kuma kalsoonaan kartid wixii ay kaaga sheegaan mooshin ka sababtoo ah mid kasta waxa uu ka hadlaya rabitaankiisa. waxaa jira 2 koox oo ay 2da dhinac u wakiisheen abaabul ka qorshahooda iskama war qabaan hes hiisna kama dhaxeeyo 2da dhinac malaay iin lacag ah ayay koox walba ku raadiney saa Codad ay uga gudubto darbiga ku geedaaman. Dhammaan waxaa istaagay shaqooyin kii qaranka, ma jiro wasiir xafiiskiisa ku su gan, mashquul aan kala go’ lahayn ayuu wajahayaa xafiiska R/Wa saara ha Soom aaliya, Guddoomiye Jawaari habeen iyo maalin waa isugu mid waxaana garab weyn u ah dhamaan Mucaaraadkii Xuku madda uu ugu horeeyo Ra’iisal Wasaar ihii hore Cumar C/ra shid Cali Sharmarke.

In aad hesho Xildhibaano ku taageero ama codad kugu filan waxay kaaga xiran tahay bixinta lacagtii aad ku heshiisaan, mana jirto Xisaab la ogyahay waana xildhi baan walba iyo lacagtii uu sheegto.

Dalka Doolar ayaa wareegayaa, helita ankiisa waxay u fududahay qofkii cod ku leh Golaha Shacabka waana awoodo iska soo horjeeda mid kasta mooshinka waxa uu ka dhaxlayaa Qatar aad u adag waana tan ku qasbeysa in uu jeebka Furo.

G/Golaha Shacabka waa ku qasban ya hay in uu difaacdo kursigiisa oo hadda liiq liiqanayo, R/Wasare Khayrre iyo Kooxdii sa waa u dhammaatay haddii ay ku guul dareestaan mooshinka waana tan ku qas beysa maskax iyo maal in ay Geliyaan qorshahooda.

Wariyaasha ka qayb galayaa Kulama da 2da dhinac ayaa sheegaya in uusan fa rqi badan u dhaxeynin tirada Xildhibaana da ay heestaan haddii aan wax iska bada lin saacadaha dambe mooshinka. Saxaf iyiintii ka qayb gashay Kulamada 2da dhinac iyo maamulayaasha Hoteela da ayaa ii sheegay in tirada Xildhibaana da ee Mooshin wada in aysan ka badne en 100110 Xildhibaan, halka Xildhibaana da Taageersan Guddoomiye Jawaari la sheegay in ay gaarayaan 97105 Xildhi baan.Xildhibaanada Mooshinka wada ay aa Guddoomiyaha Golaha shacabka ku eed eeyay wax qabad la’aan iyo ku xad gudub Dastuurka dalka 5tii sano ee la soo dhaafay. Xubnaha taageersan Gud doomi yaha Golaha shacabka ayaa Xuku madda ku eedeeyay in ay mooshinka dab ada ka riixeyso, waxaana sidoo kale ay sheegeen in khilaafka ka bilaawday qor she ay xukumadda ku dooneyso in aan wax mo oshin ah laga keenin Madaxweyn aha iyo Ra’iisal inta ka dhiman waqtiga Dowladda taas uu diiday Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Afar (4) maalmood oo kaliya ayaa ka dhiman xiliga loogu talagalay in mooshin ka loo codeeyo waana 24ka bishaan wali lama shaacin halka lagu qaban doono co dadka waa qarsoodi waana tan kalsooni darrada ku abuureysa dhinacyada iska soo horjeeda waxaana markaan oo kale xildhibaanada u fudud in ay hal dhinac balan ka qaadaan kadibna ay rabitaanko oda cod u dhiibtaan sababtoo ah waa qar soodi oo cidna ma oga qofka aad u codey say iyo midka aad ka codeysay Jawaari iyo Khayyre.

Xildhibaanada ayaa wada inay badal aan qodob Dastuuri ah kaas oo dhigaya in codka qarsoodi laga dhigo waxayna u baahan tahay codadka xildhibaanada sa ddax meelood laba meel oo ah 184 cod.

Si walba mooshinkaan ayaa ah kii ugu adkaa ee dalka soo maara sanadihii ugu dambeeyay waxaana la arki doonaa dhinacii uu daadka qaado.

XIGASHO:RADIOKULMIYE.COM

M/JOWHAR OO QARKA U SAARAN INAY KA GO’DO BADEECADAHA UGA YIMAADA MUQDISHO

M/Jowhar ee xarunta dowlad goboleed ka Hirshabelle ayaa maalintii 4aad aysan wax gaadiid ah oo badeeco u sida soo gel in, kaddib markii AlShabaab ay lacago ku soo rogeen gaadiidka xamuulka ee raa shinka iyo agabyada kale ka soo qaada magaalada Muqdisho.

Ganacsatada M/Jowhar ayaa sheegay in ay ku amreen AlShabaab inay bixiya an lacag gaareysa 270 dollar gaadiidka xamuulka qaada, iyaguna aysan awoodin inay bixiyaan lacagahaas. "Ururka AlSha baab ayaa nagu amray in aan bixino lac ag canshuur ah maamulka gobolka Sh/ dhexe waxa uu naga qaadaa canshuur, marka waan awoodi weynay inaan labada canshuurba bixino.”ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada magaalada Jowhar oo la hadlayay shabakada jowhar.com.

Sidoo kale Dhowaan ayaa qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Jowhar looga yeeray degmada Gamboole oo ah maga alo ay gacanta ku hayaan AlShabaab, hase yeeshee maamulka gobolka Sh/dhe xe ayaa ka joojiyay ganacsatada inay u safraan Gamboole, iyadoo markii dambe xabsiga loo taxaabay.

Sidoo kale guddiga gaadiidka xamuul ka ee M/Jowhar ayaa looga yeeray degm ada Gamb oole, halkaa oo lagu soo siiyay amar ah in baabuur walba uu bixiyo lacag Canshuur ah, marka uu soo galayo M/ Jowhar ama uu ka baxayaba.

Gaadiidka xamuulka ee M/Jowhar ayaa bilaabay inay joojiyaan qaadista badeeca daha mag aalada Jowhar. Ganacsatada M/ Jowhar ayaa waxaa ay ku wargeliyeen amaradan lagu soo rogay maamulka gob olka Sh/dhexe iyo kan Hirshabelle, si wax loogaga qabto hase yeeshee ganacsata da ayaan wax jawaab ah la siin.

Gaadiidleyda iyo ganacsatada M/Jowh ar ayaa cabsi ka qaba in hantidooda ay halis gasho, maadaama ammaanka wadd ada isku xirta M/Jowhar iyo Muqdisho ay san wanaagsanayn oo dhowr jeer ay dag aalyahano ka tirsan AlShabaab ay soo galeen, gaadiid sahay u siday AMISOM ku gubaan.

Xaalada ka jirta M/Jowhar ayaa mid qa rka u saaran go’doon dhanka badeecada ha uga yima ada Muqdisho, iyadoo ganac satada haddii ay la macaamili lahaayeen AlShabaab uu maamulka Hirshabeelle u gu hanjabay in xabsi ay muteysaneyso, la guna qaadayo dambi la mid ah midka Shabaab. XIGASHO:JOWHAR.COM

250 ARDAY OO KA QALIN JEBISAY JAAMACA DDA ISLAAMIGA

M/Muqdisho Shalay waxaa Munaasa bad Qalin jebin ah loogu qabtay Arday ka Qalin jebisay Jaamacadda Islaamiga oo ku taalla M/Muqdisho ee Caasimadda So omaaliya. Ardaydan oo tirad ooda waxa ay gaareysay ku dhowaad 250 Arday, ayaa waxa ay dhameysteen Heerka 1aad Wax barashada Jaamacadeed (Bachelor deg ree) ee Kuliyadaha Sharaacada, Waxbar ashada, Computer Science iyo Dhaqaala ha, waxaana Munaasabadda ka qeyb gal ay Maamulka Jama cadda Islaamiga, Mac alimiin, Arday, Madaxda Kale oo ka soc otay jaamacadaha ku yaalla dalka gaar ahaan M/Muqdisho sida: Jaamacadaha Muqdishu, Jamhuuriya, Abraar iyo marti sharaf kale oo isugu jira hay’adaha wax barashada, shirkadaha, bankiyada, iyo kuwa kale.

Madaxa Arimaha Ardayda Jaamacad da Islaamiya Maxamed axmed Xasan (Tarbiic) oo Munaasabadda ka hadlay ay aa ka warbixiyay Tiradda Ardayda ka qali n jabisay Jaamacdda, wuxuuna sheegay in Ardaydan ay soo qaateen waxbrasha da muddo Afar sano ah, kuna kalsoon yih iin Aqoontooda. Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Islaamiga Pro, C/qaadir Cali Muumin ayaa sheegay in Jaamacaddu ay soo saartay arday badan tan iyo markii la aas Aasay, islamarkaana ay kasoo baxe en Jaamacadda Aqoonyahano dalka wax kusoo kordhiyay.

Dhanka kale qaar Ka mid ah Ardaydii Qalin jabisay shalay oo ah Dufcaddii 13aad ayaa ka warbixiyay dareenkooda iyo waxyaabaha ay barteen, iyagoo u mahad celiyay Maamulka Jaamacadda iyo barafa sooradii wax u soo dhigay intey diyaarin aayeen darajada masterka. Jaamacadda Islaamiga ayaa la aas aasay sanadkii 2001dii waxayna ka mid tahay Jaamac adihi ugu horeeyey ee dalka laga hir ge liyo tan iyo burburkii kadib. waxaana san ad walba ka qalin jebiya Arday fara bad an, kuwaasi oo bartay Takhasusyo kala duwan bulshaduna aad ugu baahantahay.

3 QOF OO SOOMAALI AH OO KU DHIMATAY DAB KA KACAY MAREYKANKA.

Wararka ka imaanaya G/Massachuse tts ee Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 3 qof oo Soomaali ah ayaa ku geeriyoodeen DAB qabsaday gurigii ay daganaayeen oo ku yaala Gobolkaasi.

3da qof ee Soomaalida ah ayaa ka soo je eda hal qoys waxayna dabkaasi ku gee riyooday Aabe iyo laba Wiil uu dhalay.

Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Abbaha dhintay uu ku geeriyooday gurmad uu u fidinayay wiilashiida oo ku jiray guriga gubanaayay, laakiin markii dambe usuura gali wayday in ay ka badbaadaan dabkaasi.

Dhankale dadka deegaanka ayaa she egay in dhaawac uu soo gaaray Hooyada dhashay Wiilashaasi oo hadda lagu dawe ynaayo Isbitaal ku yaala Gobolka Mass achusetts ee Dalka Mareykanka, iyo Wiil yar oo ay dhashay, waxaana la sheegay inuu soo gaaray dhaawac fudud.

Kooxda gurmadka deg dega ah oo go obta gaaray ayaa sheegay in markii ay go obta tageyn ay arkayeen labo qof oo ka boodaya dabaqa saddexaad, sidoo kale Koo xda gurmadka deg dega ah ayaa she egay in ku dhawaad 100 ruux oo degga naa dhismaha ayey u sooragashay in ay ka baxsadaan Dabkaasi ka kacay Guriga Dabaqa ay ee ay wada degganaayeen oo DABKA uu qabsaday. Maamulka G/Mass achusetts ee Dalka Mareykankaayaan wa li shaac inin sababta dabkaas dhalisay iy aga oo kaliya sheegay in ay wadaan baa ritaan arrintan ku saabsan.

M/KISMAAYO OO LAGA DHAGAXDHIGAY XARUN LOO DHISI DOONO DHALLINYARTA JUB BALAND

Xaruntan oo loo dhisi doono dhallin yarta Jubbaland, islaamrakana noqon doo nta madal ay dhallintu ku kulanto si ay u ga qeybqaataan nabadda iyo hourmarka dalka ayaa waxaa si wadjir ah u dhaga xdhigay wasiirka wasaaradda dhalinyara da iyo cayaaraha Jubbaland, wasiirka wa saaradda howlaha guud iyo dib u dhiska iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale dhagaxdhigga xaruntan waxaa qeyb ka ahaa wafdi ka socday do wladda Sweden iyo barnaamijka Q/M u qaabilsan Degsiimada Aadanaha ee UN Hapitat oo iyagu gacan ka geysanaya dhi smaha xarunta. Dhulka laga dhisi doono xaruntan ayaa ku yaal xaafadda Farjan no, waana dhul ay dowlad goboleedka Ju bbaland hore uga burburisay guryo ay ka dhisteen dad shacab ah, kadib markii ay dowladdu sheegtay in dhulku ahaa dhul dowladeed oo ay shacabku si sharci da rro ah u dhisteen.

Dhismaha xarunta ayaa waxaa maal gelin doonta dowladda Sweden, ayadoo ay fulin doonto hay’adda Qaramada MIdo obay u qaabilsan Degsiimaha Aadanaha ee UN HAPITAT. Per Karlasson, madaxa Iskaashiga iyo horumarinta dowladda Sw eden oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xaruntan ay tahay mid ahmiyad gaar ah u leh dhalinyarta Jubbaland.

Masuulkan ayaa yiri "Aad baan ugu faraxsannahay in maanta aan magaalada Kismaayo ka dhagaxdhigno xarun loo dhisi doono dhalinyarta, waxaan dooneey naa in aan si wanaagsan ugala shaqee yno dowladda Jubbaland sidii loo horuma rin lahaa dhalinyarta, si ay doorkooda uga qaataan dib u dhiska Soomaaliyada cus ub, nabadda iyo horumarka.”W/dhlinyar ada iyo cayaaraha J/Lnd Md. C/xid Axm ed Yare ayaa sheegay in xaruntan ay no qon doonto goob ay dhalinyartu ku kulma an, lagu tababarro, islamarkaana ay rajee ynayaan in xarun laga soo saari doonaan fikrado lagu horumarinayo dalka.

MADAXWEYNIHII HORE EE FARANSIISKA OO LOO HEYSTO DHAQAALE UU KA HELAY HOGGAAMIYIHII HORE LIBIYA

sarkozy-ghadafi (1)Madaxweynihii hore ee Faransiiska Ni colas Sarkozy ayaa loo xiray su’aalo ay Booliska ka weydiinayaan dhaqaale uu ka helay Hoggaamiyihii hore ee Libiya Col. Muammar Gaddafi, xilligii uu ololihiisa do orashada ku guda jiray sanadkii 2007dii.

Sarkozy ayaa lagu soo eedeeyay inuu la cago ka helay Col. Gaddafi, intii uu ku gu da jiray ololihiisa doorashada, waxaana ta ni ay saameyn ku yeelatay xoriyadiisa

Booliska ayaa u kaxeystay Mr Sarkozy M/Nanterre ee duleedka galbeed ee M/Paris. Sarkozy ayaa horay u beeniyay in dhaqaale uu ka helay Hoggaamiyihii ho re ee Libiya, xilligii uu Ololaha ku jiray san adkii 2007dii.

Sidoo kale Booliska ayaa su’aalo wey diiyay Wasiir hore iyo nin aad ugu dho waa oo la xiriira arrinta eedeymaha dhaqa alaha uu ka helay Hoggaamiyihii hore ee Libiya. Baaritaanka la xiriira eedeymahan ayaa soo bilowday sanadkii 2013, waxaa na xeer ilaaliyeyaasha ku soo eedeynay aan in lacago maalgelin sharci darro ah uu ka helay Col. Gaddafi.

XI JINPING”WAXAAN HEYNAA WADDADA SAXDA AH EE GUUSHA”

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jin ping ayaa jeed iyay khud bad wadda niyad ah Shalay uu had al xiritaan ah uu u jeed inayay er gada ka socotay baarlamaanka aan lahayn awo od badan. Xi ayaa u she egay ku dhaw aad 3 kun oo ergey oo ku sugan shirkan in Shiinuhu uu waddada saxda ahaa ee guusha uu hayo.

Waxaana uu sheegay in tariikhdu ay caddaysay isla markaana ay sii muujin doonto in kaliya hanti wadaagu uu badb aadin karo Shiinaha. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu fashil ku dhammaaday isku dayga Taiwan looga jarayo Shiinaha, inkastoo Taiwan ay si gaar ah oo dimuq raadi ah isu maamusho.

Ka hor inta an kulanka la soo gebagab ayn ayay meelmariyeen wax ka badan la gu sameeyey dastuurka kaasi oo meesha ka saaraya muddo xileedka madaxweyna ha iyo ku xigeenkiisa isla markaana Xi u ogolaanaya inuu xilka sii joogo ilaa mud do aan cayimnayn.

MAAMULKA G/ BANAADIR OO DIB U FURAY WADDO MUHIIM AHEYD OO DHAGXAAN LA GU GOOYAY

wados-747x420 Waxaa shalay dib loo furay waddada hormarta Xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis, taasoo halbowle u ah isu socodka xaafadaha waqooyiga Muqdi sho, kaasoo sanado ka hor lagu gooyay dhagxaan iyo carro, ka dib qarax ka dhac ay agagaarka X/ Gaadiidka Booliska.

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa shalay subaxdii dib u furay waddadaas, isagoo sheegay dib u furida waddada ay qeyb ka tahay in dib loo furo dhammaan waddooyinka kale ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda.

Eng. Yarisow ayaa uga mahad celiyey Cii danka Booliska Soomaaliyeed ogolaansh ahooda ay waddadan ku fureen, si ay qe yb uga qaadato horumarka iyo bilicda Ca asimadda, waxuna tilmaamay in tallaaba dan ay xigi doonto furitaanka waddada ho rmarta xarunta Danbi baarista ee (C.I.D), taasoo muhiim u ah isku socodka magaalada.

"Tani waa bilow waxaan ku soconnaa in dhammaan waddooyinka xiran loo furo shacabka, si loogu fududeeyo isku soc odka dadweynaha iyo gaadiidka Caasim adda, intii amni looga maari waayo moo yee, sidaas daraadeed, shacabka waxaa laga rabaa in ay isku diyaariyaan dhism aha waddooyinka. Ciidanka Booliskana waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay no oga aqbaleen codsigeena una fureen wad dadan.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Duqa Muqdisho waxuu sheegay in furi taanka waddooyinka ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan Amniga iyo horumarka Caasimadda, shacabka Soomaaliyeed na looga fadhiya in doorkooda ay ka qataan sidii ay M/Muqdisho ula tartami lahayd Ca asimadaha kale ee adduunka.

GuddoomiyeYarisow ayaa baaq u dir ay Ganacsatada iyo Shacabka xirtay wad dada dhinacyadeeda ee dhulka danta gu ud ah, isagoo xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cidii arrimahaas lagu helo.

BOGGA CAYAARAHA

Philippe-Coutinho-Neymar-300x194 NEYMAR OO SHARUUD ADAG KU XIRAY INUU BAAQI KU SII AHAADO PARIS SAINTGERMAIN

Neymar ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo inuu noqdo ciyaaryahankii u gu horeeyay ee £ 1million mushaar ahaan todobaadkii kaga qaata kooxda Paris SaintGermain, iyadoo ay jiraan warar la xiriirinaya inuu u wareegayo Real Madrid.

Shanta horyaal ee ugu sarreysa ciyaar aha Yurub majiro ciyaryahan mushaar ah aan u qata isbuucii lacag dhan £ 1million.

26 jirkaan oo haatan kasoo kabanaya dhaawac, ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed u yahay kooxda Los Bla ncos marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Neymar ayaa la rumeysan yahay inuu iska diidi doono dalabka Real Madrid ha ddii mushaarkiisa sannadlaha ah la gaa rsiiyo 52 milyan oo ginni.

Dalabkaan cusub ayaa ka dhigaya ci yaaryahanka reer Brazil ee Neymar mid ka ugu mushaarka badan adduunka, isa goo dhaafaya qandaraaska Messi haatan kaga qaato Barcelona 40 milyan oo ginni

Waxaa la fahamsan yahay in kooxda Les Parisiens aysan bixin doonin lacagtaasi kadib markii Neymar ku fashilmay xili ciy aareedkiisii ugu horeeyay inuu ka caawi yo tartanka UEFA Champions League.

Neymar ayaa dhaliyay 29 gool, waxa ana uu caawiyay 19 kale kaliya 30 kulan oo uu u saftay PSG xilli ciyaareedkan.

Neymar ayaa ka dhaqaaqi kara PSG sed dex bilood ka dib marka uu furmo suuuqa kala iibsiga ciyaartooyda. Messi ayaa had da ah ciyaryahanka ugu mushaarka bad an dunida, halka Neymar uu yahay kan la baad ee dunida ugu mushaar badan.

Ciyaartooyda koonfurta America kasoo jeeda ee Oscar iyo Lavezzi ayaa kasoo muuqday kaalmo ka horeeya Ronaldo oo liiskaan kaga jira kaalinta shanaad.

SHIR LOOGA HADLAYO AMINGA G/G/G/ DUUD OO KA FURMAY M/CAABUDWAAQ

Shirkan oo loogu magacdaray xasil inta amniga iyo dib u heshiisiinta ee wa qooyiga gobolka Galgaduud ayaa waxaa shalay uu ka dhacay M/ Caabudwaaq ee gobolkaasi ka daahfuray wasiirka arrima ha Galmudug Maxamed Xayir Nuur.

Waxaana ka qeybgalaya wasiiro, xil dhibaano ka tirsan maamulkaasI iyo qeyb aha kala duwan ee bulshada. Wasiir Xayir oo ka hadlay furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in muhiimad weyn kulankani u leeyahay guud ahaan shacabka ku dha

qan gobolkaasi Galgaduud.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEE YAY GEERIDA R/WASAARIHII HORE EE JABU UTI MARXUUM BARKAT GOURAD

farmaaj5 (1) MASUUL JABUUTI QIIMO BADAN KU LEH OO GEERIYOODAY Madax weynaha Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyee yay madaxda iyo shacabka aan walaa laha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ge eridii ku timid, Alle ha u naxariistee, ma rxuum Barkat Gourad Hamadou oo Rai isul Wasaare kasoo noqday dalkaas intii u dhaxeysay 1978 – 2001dii.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marx uumka, oo muddo 23 sano ah soo hayey xilkaas, uu dadaal dheer ku bixiyey horu marka iyo midnimada shacabka Jabuuti.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaa may kaalintii muhiimka ahayd ee marxuu mku uu ka soo qaatay howlaha dib u he shiisiinta shacabka Soomaaliyeed iyo si da uu ugu qeyb qaatay dib u dhiska dow ladnimada Soomaaliya.

"Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun . Labada shacab ee Soomaaliya iyo Jabuuti waxaa ka baxay qof qiimo badan oo baal dahab ah ka galay sooyaalka lab ada dal. Waxaan la qeybsanaynaa wala alaheenna reer Jabuuti tiiraanyada, All ena waxaan uga baryaynaa marxuumka inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Far maajo ayaa u rajeeyay qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti in uu sabar iyo iimaan ka siiyo geerida ma rxuum Barkat Gourad Hamadou. DHAMMAAD

DUQA MUQDISHO "DOWLADDA MASAR WAX AY GACAN KA GEYSAN DOONTAA HORUMAR INTA KAABAYAASHA DHAQAALAHA CAAS IMADDA”

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Du qa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusma an (Eng. Yarisow) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Qunsulka Safaarada Masar u fadhiya Soomaaliya Danjire Mowliid Isma aciil iyo madax ka socotay Bangiyada da lkaas oo Soomaaliya u soo gaaray sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen.

Duqa Muqdisho iyo wafdi ka socday dalka Masar ayaa kulankooda diiradda ku saaray goobaha Caasimadda ee u baah an in maalgashi lagu sameeyo, si dhaliny arada Soomaaliyeed loogu abuuro Shaqo oyin.Guddoomiyuhu waxuu uga mahad celiy ay xiriirka wanaagsan ee u dhexee ya labada dal, iyo sida ay diyaarka ugu yihiin xooj inta xiriirkaas. Isagoo xusay muhiima dda uu dalka u leeyahay in maalgashi la gu sameeyo, gaar ahaan magaalada Caa simadda ah ee ka soo kabanaysa cola addii mudada dheer ka jirtay.

"Dawladda Masar waxay gacan ka geysan doontaa Horumarinta Kaabayaa sha Dhaqaalaha Caasimadda, waxaan wafdiga maanta noo yimid isla soo qa adnay meelaha u baahan maalgashiga, si fursadaha ka dhasha maalgashigaas ay shaqooyin ugu abuuraan dhalinyarada So omaaliyeed”ayuu yiri Guddoomiye Yaris ow.Danjiraha dalka Masar Soomaaliya u fadhiya Mowliid Ismaaciil ayaa kulanka ka sheegay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono dib u dhiska iyo dib u soo kaba shada Soomaaliya, maadaama ay labada dal xiriir soo jireen ah leeyihiin.

DALXA:"BAARLAMAANKA LOOMA ABUURIN XUKUUMADD LEE INUU XILKA KA QAADO”

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa ka hadlay mo oshinka laga wado Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Shiikh Cusmaan Ja waari. Dalxa ayaa sheegay mooshinka la ga wado jawaari uu yahay mid sharci ah, islamarkaana ay soo dhaweynayaan go’ aankii uu qaatay gudoomiyaha ee ahaa in uu aqbalay Mooshinka.

"Dadka Soomaaliyeed marar badan ay aa la marin habaabiyay, baarlaamanka Soomaaliya waxaa ku dhex jira kuwa yar oo wax khasaaya,baarlamaanka Soomal iya looma abuurin in uu xilka ka qaado oo kaliyah Xukuumadda federaalka Soomali ya, xitaa haddii Madaxweynaha qalad uu galo oo Mooshin laga keeno xilka waa laga qaadayaa,Xildhibaanadda Mooshin ka wada waa kuwa ka hadlaya rabitaanko oda”, ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale Xildhibaan Dalxa ayaa she egay in Baarlamaanka Soomaliya uu ku shaqeynayo xaalad adag, islamarkaana sanadihii ugu dambeeyay la dilay xildhiba ano badan kuwaasi oo qaranka u adeeg ayay. Maalmihii dambe waxaa cirka isku sii shareeray xiisada ka dhalatay Mooshin ka laga keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jawaari, iyadoo ugu damb eyntii uu gudoomiyaha aqbalay Mooshi nka.

Dhanka kale Shalay waxaa Magaalad da Muqdisho kulan ku yeeshay xildhiba ano tiro ahaan lagu sheegay 197 xildhib aano kuwaasi oo gudoomiyaha ugu baa qay in uu iscasilo ka hor codeynta.

AMIIRKA QATAR OO SAFIIR AWOODIISA DHA MEYSTIRAN TAHAY U SOO MAGACAABAY SOOMAALIYA

Xasan Xamza ayaa loo dalacsiiyay saf iir buuxa oo awoodiisa dhameystiran ta hay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xa mad AlThani ayaa Safiir aan caadi ah eyn oo awooddiisa dhameystiran tahay u soo magacaabay Soomaaliya, iyadoo la gu wado in dhowaan Madaxweyne Farm aajo uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Qatar.

Xasan Xamza Asad Haashim oo ahaa Sii Hayaha Safaaradda Qatar ee Muqdi sho ayaa loo dalacsiiyay Safiir aan caadi aheyn, kaasoo geli kara xataa heshiis yada. Danjire Xamza ayaa labadii sano ee u dambeeyay ka howl galayay magaa lada Muqdisho, gaar ahaan dhisme ku ya alla degmada Hodan oo xarun u aheyd.

Qatar ayaa ka mid ah dalalka Khali ijka ee ku loolamaya Soomaaliya, waxaa na la sheegaa in xiriir dhow la leedahay dowladda Madaxweyne Farmaajo. Safa rka Madaxweyne Farmaajo ee dhowaan uu ku tagayo Qatar ayaa la filayaa inuu la gu saxiixo taageero dhaqaale iyo masha ariic horumatineed oo Qatar ka fulineyso Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay khilaafka Khaliijka, ee ka dhashay xiriirkii Xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga u jareen Qatar ee lagu go’doomiyay.

SACUUDIGA OO QOORTA LOOGA GOOYAY NIN U DHASHAY DALKA INDONESIA

Maamulka dalka Sacuudiga ayaa qo orta ka jaray nin ku eedeysan inuu dilay nin kale inkastoo la tuhunsan yahay in eedaysanaha lagu qasbay inuu qirto dan biga dilka.

Sida laga soo xigtay Migrant Care, Hay’ad Indonesian ah oo u qaabilsan dar yeelka shaqaalaha muhaajiriinta ee reer Indonesia, ayaa xaqiijisay in muwaadin u dhashay dalka Indonesia laguna magaca abo Zaini Misrin la dilay ka dib markii lagu helay dambi ah inuu dilay nin uu darawal u ahaa oo Sacuudiyaan ah sanadkii 2008, ka dib markii la xiray afar sano ka hor.

Migrant Care ayaa ka shaki qaba in 53 jirkan lagu qasbay inuu qirto dilka, maadaama jirdil Xooggan loo gaystay. Ko oxdan ayaa sidoo kale sheegtay in Zaini uusan helin gargaar dhanka sharciga ah intii lagu gudo jiray maxkamadeynta kadi bna uu la socday turjumaan la rumaysan yahay in uu ku qasbay inuu qirto dambiga oo uu sheeganaayay inuusan gaysan.

"Sacuudi Carabiya sidoo kale ma ogeys iinin Indonesia arinta ku saabsan fulinta dilka iyada oo loo maraayo qunsuliyadda guud ee Jeddah ama Wasaaradda Arrim aha Dibadda.” Ayay kooxdu ku tiri hadal qoraal ah oo la sii daayay Isniintii.

Sharciga dalka Sacuudiga ayaa dhig aayo dadka Ajaanibta ah ee gaysta fal alka dilka ah in qoorta laga jaro, haddii la gu helo dambiyo cad oo ku aadan falka lagu eedeeyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip