Magaalada Jowhar oo qarka u saaran inay ka go'do Badeecadaha uga yimaada Muqdisho

0
Tuesday March 20, 2018 - 22:06:08 in Wararka by
  • Visits: 352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Jowhar oo qarka u saaran inay ka go'do Badeecadaha uga yimaada Muqdisho

    Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa maalintii 4aad aysan wax gaadiid ah oo badeeco u sida soo gelin, kaddib markii Al-Shabaab ay lacago ku soo rogeen gaadiidka xamuulka ee raashinka iyo agabyada kale ka soo qaada magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa maalintii 4aad aysan wax gaadiid ah oo badeeco u sida soo gelin, kaddib markii Al-Shabaab ay lacago ku soo rogeen gaadiidka xamuulka ee raashinka iyo agabyada kale ka soo qaada magaalada Muqdisho.

Ganacsatada magaalada Jowhar ayaa sheegay in ay ku amreen Al-Shabaab inay bixiyaan lacag gaareysa 270 dollar gaadiidka xamuulka qaada, iyaguna aysan awoodin inay bixiyaan lacagahaas.

"Ururka Al-Shabaab ayaa nagu amray in aan bixino lacag canshuur ah maamulka gobolka Sh/dhexe waxa uu naga qaadaa canshuur, marka waan awoodi weynay inaan labada canshuurba bixino.”ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada magaalada Jowhar oo la hadlayay shabakadajowhar.com.

Sidoo kale Dhowaan ayaa qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Jowhar looga yeeray degmada Gamboole oo ah magaalo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, hase yeeshee maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ka joojiyay ganacsatada inay u safraan Gamboole, iyadoo markii dambe xabsiga loo taxaabay.

Sidoo kale guddiga gaadiidka xamuulka ee magaalada Jowhar ayaa looga yeeray degmada Gamboole, halkaa oo lagu soo siiyay amar ah in baabuur walba uu bixiyo lacag Canshuur ah, marka uu soo galayo magaalada Jowhar ama uu ka baxayaba.

Gaadiidka xamuulka ee magaalada Jowharayaa bilaabay inay joojiyaan qaadista badeecadaha magaalada Jowhar.

Ganacsatada magaalada Jowhar ayaa waxaa ay ku wargeliyeen amaradan lagu soo rogay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan Hirshabelle, si wax loogaga qabto hase yeeshee ganacsatada ayaan wax jawaab ah la siin.

Gaadiidleyda iyo ganacsatada magaalada Jowhar ayaa cabsi ka qaba in hantidooda ay halis gasho, maadaama ammaanka wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho aysan wanaagsanayn oo dhowr jeer ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay soo galeen, gaadiid sahay u siday AMISOM ku gubaan.



Xaalada ka jirta magaalada Jowhar ayaa mid qarka u saaran go’doon dhanka badeecadaha uga yimaada Muqdisho, iyadoo ganacsatada hadii ay la macaamili lahaayeen Al-Shabaab uu maamulka Hirshabeelle ugu hanjabay in xabsi ay muteysaneyso, laguna qaadayo dambi la mid ah midka Shabaab.

XIGASHO:-JOWHAR.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip