250 Arday oo ka qalin jebisay Jaamacadda Islaamiga (SAWIRRO)
Ardaydan oo tiradooda waxa ay gaareysay ku dhowaad 250 Arday, ayaa waxa ay dhameysteen Heerka 1-aad Waxbarashada Jaamacadeed (Bachelor degree) ee Kuliyadaha Sharaacada, Waxbarashada, Computer Science iyo Dhaqaalaha, waxaana Munaasabadda ka qeyb galay Maamulka Jamacadda Islaamiga, Macalimiin, Arday, Madaxda Kale oo ka socotay jaamacadaha ku yaalla dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho sida: Jaamacadaha Muqdishu, Jamhuuriya, Abraar iyo marti sharaf kale oo isugu jira hay’adaha waxbarashada, shirkadaha, bankiyada, iyo kuwa kale.
Madaxa Arimaha Ardayda Jaamacadda Islaamiya Maxamed axmed Xasan (Tarbiic) oo Munaasabadda ka hadlay ayaa ka warbixiyay Tiradda Ardayda ka qalin jabisay Jaamacdda, wuxuuna sheegay in Ardaydan ay soo qaateen waxbrashada muddo Afar sano ah, kuna kalsoon yihiin Aqoontooda.
Dhanka kale qaar Ka mid ah Ardaydii Qalin jabisay maanta oo ah Dufcaddii 13-aad ayaa ka warbixiyay dareenkooda iyo waxyaabaha ay barteen, iyagoo u mahad celiyay Maamulka Jaamacadda iyo barafasooradii wax u soo dhigay intey diyaarinaayeen darajada masterka.
Jaamacadda Islaamiga ayaa la aas aasay sanadkii 2001-dii waxayna ka mid tahay Jaamacadihi ugu horeeyey ee dalka laga hir geliyo tan iyo burburkii kadib. waxaana sanad walba ka qalin jebiya Arday fara badan, kuwaasi oo bartay Takhasusyo kala duwan bulshaduna aad ugu baahantahay.
250 Arday oo ka qalin jebisay Jaamacadda Islaamiga (SAWIRRO)
Magaalada Muqdisho maanta waxaa Munaasabad Qalin jebin ah loogu qabtay Arday ka Qalin jebisay Jaamacadda Islaamiga oo ku taalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.