Waddanka Afrika ugu yar ( Vatican State vs Mogadishu State).

0
Tuesday March 20, 2018 - 21:19:21 in Wararka by
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddanka Afrika ugu yar ( Vatican State vs Mogadishu State).

    A)-Dowladda Vatican. Vatican State, waa waddanka ugu yar aduunka,waxa ay ka mid tahay 3da wadan ee ku dhaxyaal wadan ku hareereysan sida wadamada San Mario & Lisotho, waa dowlad ku dhaxtaal dowlad kale, magaalada Rome ee Talyaaniga ayey ku dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

A)-Dowladda Vatican. Vatican State, waa waddanka ugu yar aduunka,waxa ay ka mid tahay 3da wadan ee ku dhaxyaal wadan ku hareereysan sida wadamada San Mario & Lisotho, waa dowlad ku dhaxtaal dowlad kale, magaalada Rome ee Talyaaniga ayey ku dhax taal, dhulka dowladaasu waa 2 mile ama 44 hectares , dadkeeduna waa 1000 Ruux, waxa ay leedahay, passport u gaar ah, Lacag , Calan iyo muusik calan oo u gaar ah. xarunta waxaa ku kaydsan Lacag ka badan tan Bangiyada taal

Facebook

Waana Xarunta uu degan yahay Baadariga Gaalada u weyn, waxa uu aamin sanyahay in uu xakumo wadamada gaalada oo dhan, laakin dhab ahaan waa ka madax banaanyihiin, marka uu booqanayo wadanada gaalada si weyn ayaa loo soo dhaweeyaa, laakin si xor ah uma dhax mari karyo, waxaa lagu qaadaa baabuur ayna xabbadu Karin. Waxa uuna dadka kala hadlaa miraayad aan xaabddu Karin ka gadaal ama shabaq si looga badbaadiyo khatar dadka uga timaad.

Marka madaxda Vaticaan ku ay xafiiskooda joogaan waxaa u muuqda dhamaan xuduudaha dalkooda.

B)-Dowladda Mogadishu.

Mogadishu State, Waxa ay degentahay Villa Somaliya, oo ku dhax taal magaalada Mogadishu / Somalia. waxa ay leedahay passport ,lacag ,calan iyo waxyaaba kale oo u gaar ah. Waxa ay sheegataa in ay xakunto dhulka somalida oo dhan, laakin dhab ahaan ma xakunto, marka ay tageeyso deegaanada kale aad ayaa loo ilaaliyaa waxaa lagu qaadaa baabuur aan xabadduhu Karin,ama shabaq, iyo dhagxaan ayaa dadka ka xigga si looga badbaadiyo khatar dadka uga imaan karta.

Deegaanada ay sheeganee qaar ka mid ayaa leh: passport, lacag, calan iyo astaama kale oo u gaar ah kana duwan kan Mogadishu State. Xarunta dowladaa waxa ku kaydsan Lacag ka badan tan Bangiyada taal.

Deegaanka ay toos u xakunto waa dhowr mile oo isku wareeg ah. Madaxda Villa Somalia marka ay Xafiisyadooda joogaan waxa ay Daaqadaha xafiisyada ka arki karaan dhamaan xuduudaha dowladooda oo dhowr mile ah , Dowlada ugu yar Afrika.

Allayoow, dalka noo ballari, Aamiin, Aamiin

FG: Ha u qaadan Mucarad & Muxaafid Midna, laakin aragtida ayaa sidaa iila muuqatay. Arrigtidaada Xor ayaad u tahay, Wixii ka qaldan ka sax, wixii ka dhiman ku biiri.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip