Xi Jinping"Waxaan Heynaa Waddada Saxda ah ee Guusha"

0
Tuesday March 20, 2018 - 19:38:21 in Wararka by
  • Visits: 275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xi Jinping"Waxaan Heynaa Waddada Saxda ah ee Guusha"

    Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa jeediyay khudbad waddaniyad ah Talaadadan maanta ah xilli uu hadal xiritaan ah uu u jeedinayay ergada ka socotay baarlamaanka aan lahayn awood badan. Xi ayaa u sheegay ku dhawaad 3 kun oo ergey oo ku sug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa jeediyay khudbad waddaniyad ah Talaadadan maanta ah xilli uu hadal xiritaan ah uu u jeedinayay ergada ka socotay baarlamaanka aan lahayn awood badan. Xi ayaa u sheegay ku dhawaad 3 kun oo ergey oo ku sugan shirkan in Shiinuhu uu waddada saxda ahaa ee guusha uu hayo.

Waxaana uu sheegay in tariikhdu ay caddaysay isla markaana ay sii muujin doonto in kaliya hanti wadaagu uu badbaadin karo Shiinaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu fashil ku dhammaaday isku dayga Taiwan looga jarayo Shiinaha, inkastoo Taiwan ay si gaar ah oo dimuqraadi ah isu maamusho.

Kahor inta aan kulanka la soo gebagabayn ayay meelmariyeen wax ka badan lagu sameeyey dastuurka kaasi oo meesha ka saaraya muddo xileedka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa isla markaana Xi u ogolaanaya inuu xilka sii joogo ilaa muddo aan cayimnayn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip