Mareykanka Oo Laga Dalbaday In Uu Kordhiyo BoolIska Soomaalida Ee Dalkaasi

0
Tuesday March 20, 2018 - 19:31:52 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Laga Dalbaday In Uu Kordhiyo BoolIska Soomaalida Ee Dalkaasi

    Soomaalida ku dhaqan magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa dalbay in la kordhiyo saraakiisha Soomaalida ee ka mid noqoneysa Ciidamada Booliska ee magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalida ku dhaqan magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa dalbay in la kordhiyo saraakiisha Soomaalida ee ka mid noqoneysa Ciidamada Booliska ee magaaladaasi.
Cabdi Warsame oo ka mid ah golaha deegaanka magaalada Minneapolis ayaa sheegay in saraakiishii horay uga mid noqotay Ciidamada Booliska ee Magaaladaasi ay wanaajiyeen xariirka u dhaxeeya Soomaalida ku dhaqan halkaasi iyo Ciidamada Booliska ee dalka Mareykanka, islamarkaana ay codsanyaan in la siyaadiyo xilligani.

Mr Warsame ayaa hoosta ka xiiqay in labo Askari oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Cabdiwahaab Cali iyo Maxamed C/laahi ay meesha ka saareen caqabado badan oo ku hor gudboonaa Soomaalida ku nool magaladaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in labadaasi Askari hadda loo dalacsiiyay saraakiil sar sare, balse loo baahan yahay Askar kale oo Soomaali ah, kuwaasi oo lagu soo biiriyo Booliska magaalada Minneapolis ee dalkaasi.

Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa si aad ah uga dhex muuqda heerarka kala duwan ee maamullada dalkaasi.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip