Shirkii Maamul goboleedyada ee Garowe oo u baaqday Xiisada Baarlamaanka ee Mooshinka Jawaari

0
Tuesday March 20, 2018 - 18:47:02 in Wararka by
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Maamul goboleedyada ee Garowe oo u baaqday Xiisada Baarlamaanka ee Mooshinka Jawaari

    Warar laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in shirkii Madaxda maamul goboleedyada ee lagu waday in 20-ka bisha March oo maanta ku beegan uu ku dhaco ayaa baaqday, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in shirkii Madaxda maamul goboleedyada ee lagu waday in 20-ka bisha March oo maanta ku beegan uu ku dhaco ayaa baaqday, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Shirka ay isugu imaan lahaayeen Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa arrimaha ugu waa weyn ee u baaqday ka mid ah xiisada ka dhex taagan Baarlamaanka ee ka dhashay Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari.

Shirkan ayaa qorshihiisa ahaa inuu dhaco ka hor shirka Madaxda Golaha Amniga Qaranka ay ku yeelan lahaayeen magaalada Baydhabo, kaasoo aan isaga xataa muuqan saan saan uu ku qabsoomo marka loo eego xiisada siyaasadeed ee uu dalku galay.

War murtiyeed la filayay in Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ka soo saaraan khilaafka siyaasadeed ayaa dib u dhacay, kaddib markii la isku raaci waayay qaabka loo wajahayo.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu doonayay in Maamul goboleedyada ku qanciyo ololaha ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari, isla markaana ay cadaadis ku saaraan Xildhibaanada laga soo doortay deegaanadooda si ay u ridaan Jawaari, balse Madaxda kale ee Maamul goboleedyada ayaa iska diiday inay wax lug ah ku yeeshaan arrintan.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip