Shirka Wasiirada Bariga Afrika IGAD oo ka furmaya Nairobi

0
Tuesday March 20, 2018 - 18:43:08 in Wararka by
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Wasiirada Bariga Afrika IGAD oo ka furmaya Nairobi

    Shirka Wasiirada Bariga Afrika dalalka Urur Goboledka IGAD ayaa maalinta Khamiista ah ee Todobaadkan waxaa lagu wadaa inuu ka furmo Magaalada Nairobi ee daalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka Wasiirada Bariga Afrika dalalka Urur Goboledka IGAD ayaa maalinta Khamiista ah ee Todobaadkan waxaa lagu wadaa inuu ka furmo Magaalada Nairobi ee daalka Kenya.

Wasiiradan ayaa waxa ay ka hadlayaan xaaladda Hal Milyan oo Qaxooti ah oo ku nool geeska Afrika, dib u eegsita qorshaha horumarinta Barakacayaasha, iyo arrimo kale.

"Kulanka Wasiirada Bariga Afrika ee IGAD ayaa ka furmaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Khamiista 22-ka bishan, waxaa looga hadlayaa xaalada Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Kenya, qorshe cad ayaa loo dejin doonaa Qaxootiga.” Ayaa lagu yiri War qoraal ah oo ka soo baxay IGAD.

IGAD ayaa sheegtay in Wasiirrada la filayo in ay soo saaraan ficilo muhiim ah oo ku saabsan hirgelinta bayaanka Qorshaha Qaxootiga Nairobi iyo Qorshaha Horumarinta oo la sameeyey Hal sano ka hor, iyo sidoo kale heshiisyo farsamo iyo maaliyadeed oo ka imanaya dalalka IGAD.

Kenya ayaa iminka martigelineysa Hal Milyan iyo Laba Boqol oo Kun oo Qaxooti ah, waxaana ay fileysaa in ay uruuriso lacag dhan Laba Bilyan oo Dollar, taasi oo lagu caawinayo Qaxootiga labada sanadood ee soo socota.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip