Shirkii golaha dowlad goboleedyada oo baaqday

0
Tuesday March 20, 2018 - 10:13:38 in Wararka by
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii golaha dowlad goboleedyada oo baaqday

    Maanta waxaa lagu waday in Magaalada Garoowe uu ka furmo shir ay lahaayeen Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya sidoo kalena ah Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxame

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta waxaa lagu waday in Magaalada Garoowe uu ka furmo shir ay lahaayeen Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya sidoo kalena ah Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu dhamaadkii Bishii hore ku dhawaaqay in shirkaasi uu 20ka Bishan ka furmayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland. Goluhu ma sheegin sababta uu u baaqday shirkaasi ka dhici lahaa Garoowe hayeeshee waxaa ay u badan tahay booqashada Madaxweynaha Puntland uu ku tagayo Dalka Itoobiya.

Gaas ayaa sidoo kale ku booqasho ku tagi lahaa dalka isu tagga Imaaraadka Carabta hayeeshee waxaa uu u diray Wasiirkiisa Dekadaha iyada oo u taaganyahay mamnuucista Golaha shacabka iyoa aqalka sare ee Soomaaliya ay ku sameyeen Sharikadda DPWorld ee la wareegtay Dekadaha Berbera iyo Boosaaso.

Golahan ayaa la aas aasay 10kii October Sanadkii 2017kii markaas oo uu taagnaa muran u dhaxeeyay dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada kaas oo salka ku hayay khilaafka khaliijta Carabta.

Sidoo kale Golahan wali mashaacin xilliga dib loo qabanayo shirka Golaha iskaashiga dowlad Goboleedyada ee lagu dhisay magaalada Kismaayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip