Sacuudiga oo qoorta ka jaray Shaqaale u dhashay dalka Indonesia

0
Tuesday March 20, 2018 - 10:00:03 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo qoorta ka jaray Shaqaale u dhashay dalka Indonesia

    Dowladda dalka Sacuudiga ayaa qoorta ka jaray nin ku eedeysan inuu dilay nin kale inkastoo la tuhunsan yahay in eedaysanaha lagu qasbay inuu qirto danbiga dilka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda dalka Sacuudiga ayaa qoorta ka jaray nin ku eedeysan inuu dilay nin kale inkastoo la tuhunsan yahay in eedaysanaha lagu qasbay inuu qirto danbiga dilka.

Sida laga soo xigtay Migrant Care, hay’ad Indonesian ah oo u qaabilsan daryeelka shaqaalaha muhaajiriinta ee reer Indonesia, ayaa xaqiijiyay in muwaadin udhashay dalka Indonesia laguna magacaabo Zaini Misrin la dilay ka dib markii lagu helay dambi ah inuu dilay nin uu darawal u ahaa oo Sacuudiyaan ah sanadkii 2008, ka dib markii la xiray afar sano ka hor.

Migrant Care ayaa ka shaki qaba in 53 jirkan lagu qasbay inuu qirto dilka. Kooxdan ayaa sidoo kale sheegtay in Zaini uusan helin gargaar dhanka sharciga ah intii lagu gudo jirey maxkamadeenta kadibna uu la socday turjubaan la rumaysan yahay in uu ku qasbay inuu qirto dembiga oo uu sheeganayay inuusan gaysan.”Sacuudi Carabiya sidoo kale ma ogeysiisin Indonesia arinta ku saabsan fulinta dilka iyada oo loo marayo qunsuliyadda guud ee Jeddah ama Wasaaradda Arrimaha Dibadda,” ayay kooxdu ku tiri hadal qoraal ah oo la sii daayay Isniintii.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip