Urur Goboleedka IGAD oo Ka Arinsanaya Sidii Loosoo Celin Lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed

0
Tuesday March 20, 2018 - 09:32:32 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Urur Goboleedka IGAD oo Ka Arinsanaya Sidii Loosoo Celin Lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed

    Wasiiradda bariga afrika kuwaas oo xubin ka ah urur goboleydka IGAD ayaa waxa ay kulan ku leeyihiin magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiradda bariga afrika kuwaas oo xubin ka ah urur goboleydka IGAD ayaa waxa ay kulan ku leeyihiin magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Kulankaas ayaa waxaa lagu falanqayn doonaa sidii wax loogu qaban lahaa Qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool xeryaha barakacayaasha dalka Kenya.

Wasiirada katirsan urur gobolaydka IGAD ayaa waxa ay la faguri doonaan qaabka ugu haboon ee dib loogu soo celin lahaa 1 milyan oo qaxooti soomaali ah, kuwaas oo ka barakacay dagaaladii ka dhacay gudaha dalka soomaaliya in laga joogo ku dhawaad 30 sano.

Heshiis 3 geesood ahaa ayaa horay u dhaxmaray dowladaha soomaaliya, Kenya io hay’adda Qaxootiga aduunka ee UNHCR, heeshiiskaas oo ku salaysnaa sidii dib loogu celin lahaa boqolaalka kun ee qaxooti soomaali ah oo ku nool xeyaha barakacayaasha dalka Kenya.

Gabagabada shirka ay leeyihiin Wasiirada bariga afrika kuwaas oo xubin ka ah urur goboleydka IGAD ayaa lafilayaa in ay ka soo baxaan sidii qaxootiga soomalida looga caawin lahaa dhanka dhaqaalaha si ay u suurtowdo in si dhibyar ay dib ugu soo laabtaan dalkooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip