Xildhibaanada Mooshinka wada oo fariin u diray xubnaha Beesha caalamka

0
Tuesday March 20, 2018 - 09:27:46 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Mooshinka wada oo fariin u diray xubnaha Beesha caalamka

    Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa fariin u diray Xubnaha Beesha caalamka inay faraha kala baxaan arrimaha u gaarka ah Xildhibaanada Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa fariin u diray Xubnaha Beesha caalamka inay faraha kala baxaan arrimaha u gaarka ah Xildhibaanada Somaliya.

Warar soo baxaayay ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Beesha caalamka faragelin muuqata ay ku hayaan arrimaha la xiriira Mooshinka laga keenay Gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Saxiixay Mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Baarlamaanka la siiyo madax banaani ku aadan inay qabsadaan hawlahooda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya looga baahan yahay inay fara kala baxaan arrimaha siyaasadeed ee maalmahaan ka dhex taagan Golaha shacabka.

"Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wakiilkiisa Keating wuxuu u dhashay Ingiriiska kala bar Xildhibaanada UK ayeey degan yihiin ayuu dhahay meeqa mooshin ayaa yaala Baarlamaanka dalkiisa, anaga kama hadalno ma oga miyaa in Baarlamaanada caalamka ay yihiin kuwa isku nidaam ah oo System ku shaqeeya.” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Dhawaan ayay ahayd markii warqad ka soo baxday Beesha caalamka baaq loogu diray Xildhibaanada Golaha Shacabka, baaqaasi oo ahaa in khilaafka siyaasadeed ee taagan lagu xaliyo hab sharci ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip