Al Shabaab Oo Dib Uga Baxay Degmada Buurdhuubo
Wararka laga helayo gobolka Gedo sheegaya in Al Shabaab ay dib uga gurteen degmada Buurdhuubo ee gobolkaasi, kadib markii Xalay ay gudaha u galeen degmadaasi.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in dagaalyahannada Al Shabaab ay Saakay isaga baxeen qeybihii kaga sugnaayeen degmadaasi Buurdhuubo.
Waxaana lagu soo warramayaa in Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay dib ugu laabteen degmadaasi.
Xaaladda ayaa hadda daggan, waxaana dhaq dhaqaaqyo Ciidan halkaasi ka wada Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ka howlgala Gobolka Gedo ee k/ Soomaaliya.
Al Shabaab ayaa Xalay dagaal kula wareegay Buurdhuubo, kadib markii ay weerar ku qaadeen farsiimo Ciidamadaasi ay ku lahaayeen gudaha degmadaasi.