Soomaali ku dhimatay Dab ka kacay Mareykanka.

0
Tuesday March 20, 2018 - 08:40:20 in Wararka by
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaali ku dhimatay Dab ka kacay Mareykanka.

    Wararka ka imaanaya Gobolka Massachusetts ee Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof oo Soomaali ah ayaa ku geeriyoodeen DAB qabsaday gurigii ay daganaayeen oo ku yaala Gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Gobolka Massachusetts ee Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof oo Soomaali ah ayaa ku geeriyoodeen DAB qabsaday gurigii ay daganaayeen oo ku yaala Gobolkaasi.
Sedaxda qof ee Soomaalida ah ayaa ka soo jeeda hal qoys waxayna dabkaasi ku geeriyooday Aabe iyo laba Wiil uu dhalay.

Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Abaha dhintay uu ku geeriyooday gurmad uu u fidinayay wiilashiida oo ku jiray guriga gubanaayay, laakiin markii dambe usuura gali wayday in ay ka badbaadaan dabkaasi.

Dhankale dadka deegaanka ayaa sheegay in dhaawac uu soo gaaray Hooyada dhashay Wiilashaasi oo hadda lagu daweynaayo Isbitaal ku yaala Gobolka Massachusetts ee Dalka Mareykanka, iyo Wiil yar oo ay dhashay, waxaana la sheegay in uu soo gaaray dhaawac fudud.

Kooxda gurmadka deg dega ah oo goobta gaaray ayaa sheegay in markii ay goobta tageyn ay arkayeen labo qof oo ka boodaya dabaqa saddexaad, sidoo kale Kooxda gurmadka deg dega ah ayaa sheegay in ku dhawaad 100 ruux oo degganaa dhismaha ayey u sooragashay in ay ka baxsadaan Dabkaasi ka kacay Guriga Dabaqa ay ee ay wada degganaayeen oo DABKA uu qabsaday.

Maamulka Gobolka Massachusetts ee Dalka Mareykankaayaan wali shaacinin sababta dabkaas dhalisay iyaga oo kaliya sheegay in ay wadaan baaritaan arrintan ku saabsan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip