HALKAAN KA AKHRISO :- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 20KA MAARSO 2018KA
Gabadhan oo ku nooleyd magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa marka ay xanuunkeeda dareentay waxaa ay waalidkeed u kaxeeyeen degmada Bardaale oo waalidkeed ay ku nool yihiin.
Maryan Abshir oo ah gabar ay walaalo yihiin Xabiibo Abshir ayaa u sheegtey weriyaha jowhar.com ee magaalada Baydhabo in mucjisadan ku dhacday ay ka warheleen kadib markii xanuun u uku soo booday.
"Saddex guri oo magaalada Baydhabo ay ka degtey ayaa gubtay marka uu xanuunkan ay dareento walaashey waxaana aan u wadnay magaalada Berdaale,balse mudul aan dejinay ayaa gubtay.”ayay tiri Maryan Abshir.
Xabiibo Abshir ayaa haatan ku nool degmada Bardaale ee gobolka Bay marka ay dhimbilaha dabka ka baxayaan dareento culeys.
Xaalada haysata gabadhan ayaa ah mid ku cusub dalkeena iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee lagu arko dalka Soomaaliya.
TALIYE KU XIGEENKII CIIDANKA DARA AWIISHTA PUNTLAND OO IS CASILAY
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in uu is casilay Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland General Dayr Xaaji Cabdi.
Wararka aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Warqada is casilada uu u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland.
Go’aan weli kama qaaday Warqada is casilaada oo uu gudbiyay taliye ku xigeenkii Ciidanka Daraawishta Puntland Madaxweyne Cabduwli Maxamed Cali Gaas.
In kastoo weli sidhab ah uusan u cadeyn sababta uu isku casilay ayaa hadana tiro ka dhowr jeer ee uu Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Mushaar l’aan iyo daryeel xumo ay heysato Ciidamada Daraaw iishta gaar ahaan Ciidamada ku jira Xerada 54aad.
KENYA OO XIRTAY RAG DOONAYAY IN AY KU BIIRAAN AL SHABAAB
Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen labo dhalinyaro ah oo u dhashay dalkaasi oo doonayay in ay u safraan Soomaaliya, si ay ugu biiraan Xarakada Al Shabaab.
Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in labadaasi dhalinyarada ah oo magacyadooda lagula sheegay Suleyman Hemed iyo Salaama Salim in ay ka soo qabteen dhawaan deegaanka Takaba oo ka tirsan magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari.
Labadaasi muwaadin ee ka soo jeeda Kenya ayey Boolisku tilmaameen in ay shaqooyin u hayeen Al Shabaab oo ay u qaabilsanaayeen in dhalinyaro badan ay ku biiriyaan Al Shabaab, iyagoo ka qorayay gudaha dalkaasi.
Afhayeen u hadlay Booliska Kenya ayaa xusay in labadaasi dhalinyarada ah laga horjoogsaday in ay u talaabaan Xadka Soomaaliya, iyadoo Booliska ay ka soo qabteen deegaanka Takaba oo ku dhaw magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Booliska ayaa xaqiijiyay in labadaasi muwaadin in ay ka soo jeedaan magaalo Xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya oo ka mid ah magaalooyinka ay ku badan yihiin dhalinyarada ku biira Al Shabaab.
XILDHIBAANADA MOOSHINKA WADA OO DHOOLATUS SAMEEYAY IYO WASIIRADII XUKUUMADDA OO XAADIRAY
HALKAAN KA AKHRISO :- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 20KA MAARSO 2018KA
GABAR SOOMAALIYEED OO DAB KA BAXAYA JIRKEEDA UU GUBAYO GURIGA AY DEGTO Xabiibo Abshir oo ah gabar Soomaaliyeed oo 22 jir ah ahna hooyo shan carruur ah haysata ayaa ku dhacay xanuun marka ay dareento jirkeeda uu ka baxayo dhimbilo dab ah kaasoo gub