Julian Assange: "Mareykanka iyo Sucuudiga ayaa sameeyay ISIS iyo Al-Qaacida"

0
Monday March 19, 2018 - 20:42:47 in Wararka by
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Julian Assange: "Mareykanka iyo Sucuudiga ayaa sameeyay ISIS iyo Al-Qaacida"

    Aas aasaha Shabakadda Siraha faafisa ee WikiLeaks, Ninka lagu magacaabo Julian Assange, ayaa waxaa uu soo bandhigay warbixin ka kooban 500,000 oo ah siro uu ka hayo diblomaasiyadda iyo sirdoonka Mareykanka. Warbixinta uu hadda siidaayay Julian wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aas aasaha Shabakadda Siraha faafisa ee WikiLeaks, Ninka lagu magacaabo Julian Assange, ayaa waxaa uu soo bandhigay warbixin ka kooban 500,000 oo ah siro uu ka hayo diblomaasiyadda iyo sirdoonka Mareykanka. Warbixinta uu hadda siidaayay Julian waxaa ay sheegeysaa in Mareykanka iyo Sucuudiga ay aas aaseen Ururka Daalibaan ee ilaa hadda ka dagaallama Dalka Afghanistaan islamarkaana ujeedada laga lahaa ay ahayd in lagu jebiyo midowgii Soviet ee dalkaasi heystay. Saraakiil ka socday CIA-da Mareykanka iyo Dowladda Sucuudiga ayaa waxaa ay shireen sanadkii 1979kii,waxaana ay la isla meeldhigay qorshaha lagu aas aasay mujaahiddiinta Afghanistan ee dagaalka

Julian waxaa uu yiri "haddiiba uu jiro sanad la dhihi karo wuxuu ahaa sanadkii eberta ee waqtigan casriga ah,waxaa uu ahaa sanadkii 1979kii”.

Markii ay sameeyeen Ururka Al Qaacidda ee ay dagaalka ku jibeyeen Midowgii Soviet-ka kana baxay Dalka Afghanistan,waxaa isbeddelay Siyaasadda Mareykanka Sanadkii 2001dii,markaas oo ay dhaceen weerarradii mataanaha ahaa ee ay Al-Qaacidda ku qarxisay Dalka Mareykamka.Kaddib Mareykanka waxaa uu galay Dalka Afghanistan isaga oo dowladdii Daalibaan ka saaray Dalka Afghanistan,waxaa xigay weerarkii uu maanta oo kale sanadkii 2003dii mareykanka ku qaaday Dalka Ciraaq ee meesha looga saaray Dowladdii Saddaam Xuseen.

Isaga oo ka hadlayay sida 1979kii loo sameeyay nidaamka caalamka ee hadda jira ayaa waxaa uu sheegay in Bariga dhexe,Kacdoonkii Iraan, sare u kaca Islaamka ee Sucuudiga, iyo heshiiskii Camp David ee Masar iyo Israel ay yihiin kuwo la diyaariyay xilligaas.

Xilligaas waxyaabaha la diyaariyay waxaa ka mid ah xoojinta aragtida Wahaabiyada Islaamka si loogu adeegsado dagaalka ka dhanka ahaa Soviet-ka ee ka socday Dalka Afghanistan.

Usama Bin Ladin ayaa isaga tagay dalkiisa Sucuudiga,waxaa uu aaday Dalka Pakistan si uu u taageero Mujaahiddiinta Afghanistan .

Faragelintii Mareykanka ee Afghanistan waxaa ay ahayd mid uu balaayiin dollar ku bixiyay Sucuudiga,qorsheedana ka shaqeysay CIA-da Mareykanka,taas oo ay ahayd sare u qaadidda Al-Qaacidda iyo bur burka Midowgii Soviet-ka.

Dhacdooyinka kale ee sanadkaas la diiwaan geliyay waxaa ka mid ahaa kacdoonkii Jamhuuriyadda Irishka, dilkii Lord Mountbatten,oo ahaa adeerka boqoradda Ingiriiska iyo afduubkii 66 Qof ee Mareykanka ah loogu geystay Magaalada Tehraan ee caasimadda Iraan,xilligaas oo 3,000 oo Ardey ah ay weerareen Safaaradda Mareykanka ee Tehraan.

Mr Assange , waxaa uu sanadkii 1979kii ku sifeeyay sanadkii la diyaariyay dhiigga aan abid joogsaneyn ee caalamka,dalal badan ayaa wixii xilligaas ka dambeeyay la kulmay dilal qorsheysan,afgambi siyaasadeed,kacdoonno,Duqeyn, afduub siyaasadeed, iyo dagaallo xornimo doon ah.

WikiLeaks,warbixinnada ay heyso ee sirta Mareykanka waxaa ay ku sheegtay tiradoodu 3.3 Milyan oo Dukumiinti,kuwaas oo sanadkiiba mar la shaaciyo waxaana la billaabay Bishii November ee sanadkii 2010kii,cinwaanna waxaa looga dhigay Carter Cables-ka 3aad.

XIGASHO:SOMALIWEYN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip