Kenya Oo Xirtay Rag Doonayay In Ay Ku Biiraan Al Shabaab

0
Monday March 19, 2018 - 20:20:59 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Xirtay Rag Doonayay In Ay Ku Biiraan Al Shabaab

    Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen labo dhalinyaro ah oo u dhashay dalkaasi oo doonayay in ay u safraan Soomaaliya, si ay ugu biiraan Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen labo dhalinyaro ah oo u dhashay dalkaasi oo doonayay in ay u safraan Soomaaliya, si ay ugu biiraan Xarakada Al Shabaab.
Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in labadaasi dhalinyarada ah oo magacyadooda lagula sheegay Suleyman Hemed iyo Salaama Salim in ay ka soo qabteen dhawaan deegaanka Takaba oo ka tirsan magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari.

Labadaasi muwaadin ee ka soo jeeda Kenya ayeyBboolisku tilmaameen in ay shaqooyin u hayeen Al Shabaab oo ay u qaabilsanaayeen in dhalinyaro badan ay ku biiriyaan Al Shabaab, iyagoo ka qorayay gudaha dalkaasi.

Afhayeen u hadlay Booliska Kenya ayaa xusay in labadaasi dhalinyarada ah laga horjoogsaday in ay u talaabaan Xadka Soomaaliya, iyadoo Booliska ay ka soo qabteen deegaanka Takaba oo ku dhaw magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Booliska ayaa xaqiijiyay in labadaasi muwaadin in ay ka soo jeedaan magaalo Xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya oo ka mid ah magaalooyinka ay ku badan yihiin dhalinyarada ku biira Al Shabaab.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip