Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maareeye oo la kulmay wafdi ka socda dalka Masar

0
Monday March 19, 2018 - 19:12:28 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maareeye oo la kulmay wafdi ka socda dalka Masar

    Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Masar,Bankiga dhexe ee Masar,Bakiga Horumarinta iyo Ganacsato ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Masar,Bankiga dhexe ee Masar,Bakiga Horumarinta iyo Ganacsato ka soo jeeda dalkaasi.

Wasiir Maareeye iyo Wafdiga ka socda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Masar ayaa ka wada hadlay Arrimaha Maalgashiga,Xiriirka Labada dal,sidii ganacsatada Soomaaliyeed suuq loogu heli lahaa dalka Masar oo ay u iib-geeyaan Allaabadooda,kullamo kan xiga oo ka dhici doona Masar oo Heshiisyo labada Wasaaradood ay ku kala saxiixan doonaan iyo Arrimo kale oo muhiim ah. 

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir maareeyee iyo Qunsulka safaarada Masar ee Soomaaliya Tamer Safwat El.mahdy oo kullanka ka dib si wadajir ula hadlay Warbaahinta ayaa muhiimadda kullankan ku tilmaamay mid kor loogu qaadayo xiriirka Labada dalka,islamarkaana lagu xoojinayo xiriirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Masar.

Kullanka kan xiga ee lagu wado inuu ka dhacdo dalka Masar ayaa waxaa Heshiisyo Isfahan ku kala saxiixan doono rugaha ganacsiga iyo Warshadaha Labada dal,kuwaasi oo kor loogu qaadayo Suuqyada Ganacsiga iyo horumarinta Allaabada la isku dhoofiyo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip