Hooyo Iyo Shan Carruur Ah Oo Ku Geeriyooday Dabka Kacay Gurigooda M/Muqdisho

0
Monday March 19, 2018 - 08:53:26 in Wararka by
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo Iyo Shan Carruur Ah Oo Ku Geeriyooday Dabka Kacay Gurigooda M/Muqdisho

    Waxaa xalay uu dabka kacay guri ku yaalla degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,dabkaas ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeiyoodeen 5 Carruur ah iyo hooyadood iyo qof gurigooda marti ku ahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xalay uu dabka kacay guri ku yaalla degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,dabkaas ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeiyoodeen 5 Carruur ah iyo hooyadood iyo qof gurigooda marti ku ahaa.

Dabkan oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn waxa sababay ayaa sidoo kale waxaa dhaawac halis ah uu ka soo gaaray Aabaha dhalay Caruurta geeriyootay oo Magaciisa lagu sheegay Axmed Cali.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dabka markii u kacay uu Aabaha dhalay Carruurta uu iskudayay in uu hooyada soo badbaadiyo laakin ay iyana iskudayeysay in ay Carruurta soo badbadiso sidaasna ay ku geeriyootay.

Dadka deriska la’ah ayaa u soo gurmaday qoyskaas uu gurigooda dabka qabsaday,in kastoo aysan ku guuleysan in ay demiyaan,waxana dhammaan basbeelay hantidii guriga u tiilay Qoyskaas.

Weli Maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir kama hadlin dabka qoyskaas ku baabi’iyay mid ka mid ah xaafadaha degmada Yaaqshiid,waxana aad uga naxay dadka deriska la’ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip