Jamhadda ONLF oo Sheegtay In Sii Deynta Qalbi-dhagax Lagu Xiray Shuruudo Adag

0
Monday March 19, 2018 - 08:46:45 in Wararka by
  • Visits: 352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamhadda ONLF oo Sheegtay In Sii Deynta Qalbi-dhagax Lagu Xiray Shuruudo Adag

    Dowladda Ethopia ayaa Sharuud adag ku Xirtay sii deynta Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan Jamhadda ONLF. Af-hayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge oo la hadlay laanta Afka Soomaliga ee VOA-a ayaa sheegay in sii daynta Qalb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Ethopia ayaa Sharuud adag ku Xirtay sii deynta Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan Jamhadda ONLF. Af-hayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge oo la hadlay laanta Afka Soomaliga ee VOA-a ayaa sheegay in sii daynta Qalbi-dhagax lagu xiray shuruud ay kamid tahay inuu ka laabto mowqifkiisa siyaasadeed, islamarkaana uu noqdo shaqsi aan ku lug laheyn Fikradaha loogu soo horjeedo Dowladda Ethopia.

Sidoo kale Hirmooge ayaa sheegay in Wada-hadalkii lagu soo gaba-gabeeyay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya loogu hadlay arinta Qalbi dhagax, islamarkaana sharuudo lagu xirey sii deyntiisa.

Waxa uu sheegay in Maxaabistii dhawaan laga sii daayay jeelasha Ethopia, ay dowladda dalkaas isaga dhaqaysay ceebaha kaga imaanayay caalamka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda Ethopia ay dalbatay in C/kariin Qalbi Dhagax uu warbaahinta dalkaas ka hadlo islamarkaana uu cadeeyo Mowqifkiisa.

27-dii Agoosto sanadkii 2017-kii Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa Ethopia u gacan galisay Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan Jamhadda ONLF,waxaana taasi ka xumaaday shacabka Soomaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip