Farmaajo oo xalay kulan gaar ah la qaatay Jawaari

0
Monday March 19, 2018 - 08:28:53 in Wararka by
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo xalay kulan gaar ah la qaatay Jawaari

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), kulankan wuxuu ahaa midkii ugu horeeyay oo labada masuul ay wada yee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), kulankan wuxuu ahaa midkii ugu horeeyay oo labada masuul ay wada yeeshaan tan iyo markii Mooshin la sheegay in Xukuumadda ay gadaal ka riixeyso laga geeyay Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa ay ka wada hadleen in xaalada la dejiyo, sidoo kalena si sharci ah oo nidaam uu ku dheehan yahay wax walba lagu dhameeyo, iyada oo buuq kale uusan imaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Madaxweynaha u sheegay in uu aqbalay in Mooshinka cod loo qaado, balse wuxuu dalbaday in codeyntaas ay ka dhacdo meel amnigeeda uu sugan yahay, marqaati ahaana ay u joogaan Baarlamaanka Aqalka Sare, Bulshada Rayidka iyo Culumada, si arrinta ay noqoto mid hufnaan ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo  Prof. (Jawaari) ayaa sidoo kale Madaxweynaha u tilmaamay in amniga dhismaha Baarlamaanka uu weli gacanta ugu jiro Xukuumadda, wuxuuna (Farmaajo) ka codsaday in Ciidamadaas laga dulqaado xarunta, laguna soo celiyo Ciidamadii horey u ilaalin jiray, si howsha ay ugu soo noqoto sidii caadiga aheyd.

Si xilka looga qaado Gudoomiye Jawaari waxaa loo baahan yahay Saddex meelood laba tirada guud ee Baarlamaanka, taasi oo ka dhigeysa in ka badan 180 xildhibaan in ay taageeraan Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxaa socda ololayaal loogu jiro in dhinac walba uu helo tiro ku filan.

17-kii bishan ayaa waxaa Madaxweynaha u tagay qaar ka tirsan Gabdhaha xildhibaanada ah ee ka tirsan Baarlamaanka, waxayna ka codsadeen in xaalada uu soo farageliyo, waxna ka qabto xiisada taagan.

Dad badan oo siyaasadda ku jira iyo kuwa Dibadda ka jooga ayaa is weydiinayay go’aanka Madaxweyne (Farmaajo) ee ku aadan khilaafka ka dhashay Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, oo ay gadaal ka riixeyso Xukuumadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip