HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 19-KA MAARSO 2018-KA

0
Monday March 19, 2018 - 07:52:26 in Wararka by
  • Visits: 461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 19-KA MAARSO 2018-KA

    GUDDOOMIYE JAWAARI OO AQBALAY MOOSHINKA, KUNA BAAQAY IN MUDDO 10 CISHO GUDAHOOD COD LOOGU QAADO Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo shalay la hadlayay Warbaahinta ayaa aqbalay mooshinka laga keenay, isagoo sheeg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GUDDOOMIYE JAWAARI OO AQBALAY MOOSHINKA, KUNA BAAQAY IN MUDDO 10 CISHO GUDAHOOD COD LOOGU QAADO Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo shalay la hadlayay Warbaahinta ayaa aqbalay mooshinka laga keenay, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay in cod lagu kala baxo.

 

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inuu dhamaaday khilaafkii mooshinka ka dhashay, mar haddii mooshinka la aqbalay, loona baahan yahay in si waafaqsan xeer hoosaadka loo qaado, lana horgeeyo Baarlamaanka

"Khilaafka mooshin kalsoonida kala noqoshada waa uu dhammaaday, waa la ogolaaday in mooshinkaas uu jiro, loona baahan yahay tallaabadii habooneyd si waafaqsan heer hoosa adka, kaas oo sheegaya in 10 beri gudhaood lagu horgeeyo golaha shacabka oo ay u codeeyaan”

Guddoomiye Jawaari ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay la soo geliyay bar aha bulshada, kaasoo ahaa inuu is casilayo, isagoo hadalkaas ku tilmaamay mid riyo ah.

"Cod ayaa ku imid oo aan xilka Guddoonka Baarlamaanka ku hayaa, haddii aan baxa yana cod ayaa ku baxayaa”ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale Jawaari ayaa mar kale sheegay in ciidamo ay heystaan xarunta Golaha shacabka, waxaana uu ku baaqay in laga baxo qaabkii maleeshiyaadka iyo jabhadeynta

Hadalka ka soo yeeray Guddoomiye Jawaari ayaa meesha ka saaraya waan waan soco tay oo la doonayay in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed, waxaana muuqata in hadda iyo wixii ka dambeeya lagu kala bixi doono cod.

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa u baahan si ay u ridaan Guddoomiye Jawaari 184 cod, taasoo ah arrin aan sahlaneyn oo u baahan olole la mid ah kii doorashada Madaxweynaha.

MUUSE BIIXI "QATAR WAA CADAWGA HESHIISKA DP WORLD EE DEKEDA BERBERA”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay dowladda Qatar inay cadaw ku tahay heshiiska maalgashiga Dekeda Berbera ee ay la galeen Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta AlCeyn ayuu Madaxweyne Muuse Biixi ku sheegay in aanay wax xiriir ganacsi, mid iskaashi iyo amni la laheyn Qatar, isla markaana xiriir soo jireen oo taariikh leh uu kala dhaxeeyo Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga.

"Qatar waxay u taagan tahay inay joojiso heshiiska, waa cadawga heshiiska maalgashiga Dekeda Berbera ee DP World”ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Waxaa uu sheegay in Qatar aanay soomaali badan ku sugneyn, taa bedelkeed waxaa uu xusay in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku nool yihiin maalgashadayaal fara badan.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ay wadaagaan xiriir dhanka badda ah, isagoo xusay in Berbera iyo magaalada Jeddah ay isu jiraan illaa 300-KM dhanka Badda.

Horaantii bishan March ayaa Shirkadda DP World heshiis ku saabsan maalgashiga Dek eda Berbera la saxiixatay Somaliland, waxaana heshiiskan uu ahaa mid saddex geesood ah oo lagu qeybsaday saamiga Dekeda, kaasoo u dhaxeeya Itoobiya, DP World iyo Somaliland.

Somaliland oo sanadkii 1991 ku dhawaaqday inay tahay dal madax banaan, balse aan helin aqoonsi caalami ah, ayaa horay ula safatay Isbaheysiga Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ee xiriirka u jaray Qatar

MAAMULKA HIRSHABEELLE OO WIIL 17 JIR AH U MAGACAABAY GUDDOOMIYE KU XIGEEN DEGMO

Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladd gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxey gudoomiye ku xegeenka Arimha bulshada degmada Degmada Gamboole ee maamulkaasi, u magacawday wiil 17 sano jir ah.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee Degmada Gamboole Faysal Cabdullahu Cumar oo wareysi siiyay Warbaahinta Magaalada muqdisho, ayaa ka warbixyay sida uu ugu faraxsan yahay xilka loo magacabay isaga 17 jir ah dad badana ay is weydiinayan sababta ka danbeysa xilkaa loo magacaabay.

Waalidkeyga ayaa ii keenay warqada leygu magacabay xilka, mana awoodo inaan qabto xilkaasi” ayuu yiri Faysal Cabdullahu oo loo magacaabay xilka Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gamboole.

Faysal Cabdullahu Cumar oo ah wiilka loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka arrim aha Bulshada ee Degmada Gamboole oo sii hadlayay ayaa waxaa uu yiri.

"Waxaan dhigtaa iskuul fasalka 4aad, waxaa hada isku diyaarinayaa Imtixaanka Guud ee Iskuulka, ma awoodo inaan xilkaasi qabto sababo amni darted, leylama tashan waxna leyguma soo war galin waalidkeyga ayaa ii keenay lee warqada xil magacaabisteyda ” ayuu yiri Faysal Cabdullahu Cumar.

Waxaa magaalada jowhar laga hadal hayaa layaabka ka dhashay in wiil 17 jir ah loo ma gicaabay xilka Gudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee Degmada Gamboole ee Gobolka Shabeellaha dhexe, magacaabista kadibna uu isaga uga hor yimid, sababo Amnig iyo wax la tashi ah oo an lala sameyn.

WASIIRKA MAALIYADDA OO LA KULMAY WAFDI KA SOCDA DOWLADDA MASAR

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaa lada Muqdisho waxa uu kula kulmay Wafdi ka socda dowladda Masar.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen arrimaha Dhaqaalaha iyo taageerada Masar ay siiso dowladda Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in muhiimada kulanka uu ahaa sidii dowladda Masar ay dhaqaalo u siin laheyd dowladda Soomaaliya.

"Sharaf bay iitahay in aan Xafiiskayga ku soo dhaweeyo wafdi ka socda Dowladda Masar, waxaan ka wada hadalnay xiriirka soo jireenka ah ee labada Dowladood sidoo kale waxaan isku raacnay sidii Soomaaliya loo maalgalinlahaa”

Wafdiga ka socda Dowladda Masar ee shalay la kulmay Wasiirka Maaliyada ayaa daraad waxa ay soo gaareen Magaalada Muqdisho,iyada oo Wasaaradda Caafimaadka ay ku wareejiy een deeq daawo ah oo ka timid dowladda Masar.

ONLF OO SHAACISAY IN SHURUUD LAGU XIRAY SIIDEYNTA QALBIDHAGAX

Ururka ONLF ayaa mar kale ku baaqay in si nabad ah lagu sii daayo Cabdikariim Muuse Qalbidhagax oo ka mid ag Madaxda Ururkaas,kaas oo horey dawladda Soomaaliya ugu gacan gelisay Itoobiya.

ONLF ayaa sheeegtay in sii daynta Qalbidhagax lagu xiray shuruudo ay ka mid tahay inuu ka laabto mowqifkiisa siyaasadeed.

Afhayeenka Jabhada hubeysan ee ONLF Cabdulqaadir Xasan HIRMOOGE oo Wareysi siiyay Idaacadda Voa ayaa sheegay in wadahadaladii dhawaan ka dhacay dalka Kenya aan wax natiijo ah laga soo saarin marka laga reebo in waqtiyo kale la balamay.

Waxa uu sheegay in siideynta dowladda Itoobiya dhawaan Maxaabiistii faraha badneyd ay ku timid banaanbaxyo ka dhacay deegaanada Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo baaqyo kala duwan oo ka yimid Caalamka.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku adray in Cabdi Kariin Muuse QALBIDhagax cadaadis lagu saaray in uu Saxaafada la hadlo isaga oo Shacabka dowlad deegaanka Itoobiya u sheegaya in ay kacdoonka joojiyaan,isagana uu ka laabtay go’aankiisii hore laakin taasi uu ka biyo diiday.

Hoos ka Dhageyso Codka Afhayeenka Jabhada hubeysan ee ONLF.

DOWLADDA OO MAR KALE KA HADASHAY MOWQIFKEEDA KU AADDAN DP WORLD

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayaan dhaq dhaqaaqyadii ay Dowladdu ku difaacaysay damaca shirkadda DPworld ee uu fadhigeedu yahay Magaalada Dubai ee Dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Muqtaar oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay inay howluhu yihiin kuwo siya asasadeed balse uusan ka hor dhacayn, isagoo xusay mar kale inaysan marnaba ka gorg ortamayn midnimada iyo wada jirka Soomaaliyeed oo uu yahay lama taabtaan.

"Markii ugu horreysay ee ay arrintani soo baxday wuxuu Wasiirka Wasaaradda aaday Qaahira, Jaamacatul Carab ayuu qudbad ka jeediyay fekerka Soomaaliya iyo mabaadii’da Soo maaliyana ayadoo qoraal ah ayuu u gudbiyay arrintaasi way socotaa Dublomaasiyad weeye ka ma hordhacayo laakiin arrinta Soomaaliya waa lama taabtaan” Ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Wuxuu sheegay Wasiirku inay Diblomaasiyaddu tahay siyaasad iyo deggenaasho, balse aysan adeegsan doonin laab la kacnimo, taas dhiggeeda ay adeegsan doonaan deggenaasho iyo ka fiirsasho, wuxuuna ku celceliyay inaysan Soomaaliya marna taako ka mid ah Dhulkeeda ay ka tagayn, Dowladdana ay howshaasi waddo.

Wasiir ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay xurgufta soo kala dhex gashay Dowladda Federaalka iyo Shirkadda DP World inaysan wax u dhimi doonin wada hadalladii kala dhexee yay Soomaaliland, wuxuuna intaa raaciyay inay wada hadalkan ay gar wadeen ka tahay Dowl adda Turkiga.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyay xeerka dhowridda midnimada iyo gobannimada geyiga Soomaaliyeed, kaas oo Dalka ka mamnuucaya shirkadda DPWorld ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

XILDHIBAAN ABUUKAATE "MADAXWEYNAHA WAA INUU SI DEGDEG U SOO FARA GELIYAA KHILAAFKA HEY’ADDAHA SHARCI DEJINTA IYO FULINTA”

Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Abuukaate oo ka tirsan Golaha shacabka ayaa ugu baa qay Madaxweyne Farmaajo inuu si degdeg ah u soo farageliyo khilaafka u dhaxeeya Hey’add aha sharci dejinta iyo Fulinta, isla markaana caddeeyo mowqifkiisa halka uu jiro.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate ayaa sheegay in Madaxweynaha uu yahay ninka u dhaxeeya Hey’addaha Sharci dejinta, Garsoorka iyo laanta Fulinta, isla markaana qodobka 90 aad ee Dastuurka uu siinayo awoodo dheeraad ah.

"Dalkaan Madaxweynaha ayaa u sareeyo, qodobka 90aad ee dastuurka awoodo dheeri ah ayuu siinayaa waa qofka u dhaxeeya Hey’addaha sharci dejinta, garsoorka iyo Fulinta, wax aa la rabaa inuu khilaafka soo farageliyo sida ugu dhaqsiyaha badan u xaliyo, ma ahan in uus an ka aamusin, tallaabo degdeg ah uu qaadaa, si arrintan loo xaliyo, haddii uu qeyb ka yahayna waa soo baxeya, hadii uusan qeyb ka aheyn waa la arki doonaa”ayuu yiri Xildhibaan Abuuk aate.

Waxaa uu sheegay in haddii ay meesha ka baxdo laanta sharci dejinta ay dalkaan wax badan ka halaabayaan, isagoo xusay in waxa loo socdo aanu Jawaari kaliya aheyn, balse la rabo in la burburiyo Baarlamaanka.

"Jawaari waa shaqsi, xil waa laga qaadi karaa, waana loo dooran karaa, laakiin in laga dhigto wadadii Baarlamaanka lagu burburin lahaa, taas ayaa diidan nahay”ayuu yiri Xildhib aanka.

Madaxweyne Farmaajo oo aan wali ka hadlin khilaafka Xukuumadda iyo Baarlamaanka ayaa safar la filayay inuu shalay ugu ambabaxo dalka Qatar u baajiyay xiisada siyaasadeed ee uu dalka galay.

Khilaafka u dhaxeeya Golaha shacabka iyo Xukuumadda ayaa cirka isku shareeray, wa xaana ay saameyn ku yeesheen howlihii dowladda, iyadoo magaalada Muqdisho ay hareeyeen shirar siyaasadeed iska soo horjeeda oo ay kala wadaan labada dhinac ee uu khilaafka u dhax eeyo.

ERDOGAN: WAXAAN KURDIYIINTA SUURIYA KA QABSANAY MAGAALADA AFRIN

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlay dagaalka dowladda Turkiga ay ku qabsaneyso magaalada Afrin ee dalka Suuriya ayaa waxaa uu sheegay in xoo ggag taabacsan dowladda Turkiga ay la waregeen magaalada Afrin oo xarun u aheyd Kur diyiinta Suuriya.

"Qeyb kamid ah ah ciidammada xorta ee Suuriya ayaa waxaa ay shalay la waregeen magaalada Afrin" waxaa sidaasi yiri madaxweyne Erdogan.

Howgalka dowladda Turkiga ay ka waday Afrin oo socday muddo laba bil ah ayaa dowl adda Turkiga waxaa ay sheegtay inay ooga golleedahay sidii meesha looga saari lahaa Kurdi yiinta Suuriya oo ay dowladdu Turkigu u aqoonsantahay argagixiso.

Tobonaan kun oo qof ayaa ka qaxay halkaasi, waxaana dadka u ololeeya arrimaha xuqu uqul insaanka ay sheegayaan in 280 qof oo raydi ah ay ku dhinteen dagaalka Turkiga ee Afrin, inkastoo dowladda Turkigu ay beenisay tiradaasi.

Ciidammada qabsaday Afrin ayaa lagu soo warramayaa inay waddooyinka magaaladaasi ay ku baacsanayaan dagaalamayaasha Kurdiyiinta ee YPG.

Turkiga ayaa kooxda YPG u aqoonsan inay qeyb ka yihiin xisbiga PKK ee laga mamnu ucay gudaha Turkiga, kuwaa oo muddo sodon sanno ah u dagaalamayay inay ka go'aan Turk iga intiisa kale.

AGAASIME KU XIGEENKII HORE EE FBIDA OO SOO BANDHIGAY WARQAD SIR AH

Agaasime ku xigeenkii hore ee laanta dembi barista FBIda Mareykanka, Andrew McCabe ayaa soo bandhigay warqad sir ah oo ku saabsan wadahadal dhexmaray isaga iyo Madaxw eyne Donald Trump, taaso ku saabsan faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay door ashadii ka dhacday Mareykanka sannadkii 2016ka.

Warbaahinta Mareykanka ayaa kusoo warantay in warqadani sirta ah ay sii xoojin karto wararka sheegaya in madaxweyne Trump uu baal maray sharciga.

Mr McCabe ayaa shaqada FBIda laga eryay maalintii jimcaha, waxaana madaxweyne Donald Trump uu ku eedeyay ninkani inuu dhinac u janjeero.

Baaritaanada ku aadan faragelinta Ruushka ayaa waxaa hogaaminaya Robert Mueller oo horay uga tirsanaa FBIda, waxaana ilaa iyo imika uu xusay 19 qof oo la rumeesanyahay inay ku lug leeyihiin eedeymaha ka dhanka ah Ruushka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Jeff Sessions oo shaqada ka eryay Mr Andrew ayaa waxaa uu sheegay in kadib markii la soo gabagabeeyay baaritaan qotto dheer lagu ogaaday in McCabe uu warbaahinta u gudbiyay waxyaabo aan loo amrin oo aan waxba ka jirin.

Madaxweyne Trump ayaa horay u dhaleceeyay ficilada Mr Comey, waxaan uu sidoo kale soo dhaweeyay tallaabada uu xeer ilaaliyaha Mareykanka uu shaqada kaga eryay ninkaani.

SARKAAL XALAY LAGU TOOGTAY MUQDISHO

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya xalay xaafada Macalin Nuur ee degma da Dharkeynley koox ku hubeysan Bastoolado ayaa halkaasi waxa ay ku toogteen Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidanka Millitariga Soomaaliya.

Dableyda oo dadka degaanka ay ku sheegeen laba dhalinyaro ah oo hubeysnaa ayaa wa xa ay beegsadeen sarkaalkan, isaga oo ku jiray xarun Ganacsi oo uu ku lahaa xaafada Macalin Nuur, isla goobta ayuuna ku geeryooday.

Raggii dilka geystay oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab ayaa goobta ka baxsaday, kadib markii ay gaareen dantii ay lahaayeen oo aheyd in ay dilaan Sarkaalkan.

Hay’adaha ammaanka ayaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay dilkan, waxayna sarkaalkan magaciisa ku soo koobeen Yuusuf, kaasi oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo tagay goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa ay hal kaasi ka qaadeen Meydka Marxuum Yuusuf, iyaga oo ula dhaqaaqay xarunta Dambi baarista e CIDda.

Dilalka qorsheysan ayaa muddooyinkan dambe Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka yaraa, sababo ku aadan Koontaroolada ciidanka ee baarista oo aad loo badiyay.

Ururka AlShabaab ayaa Magaalada Muqdisho ku beegsada Askarta, Saraakiisha ka tir san Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale, daraad oo ugu dambeysay xaafada Tal eex ee degmada Hodan waxaa lagu dilay Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale.

SHACABKA MAGAALADA JOWHAR OO SOO DHOWEEYAY WABIGA OO BIYO KEENAY

Shacabka magaalada Jowhar ayaa shalay ku waabariistey wabiga oo biyo keenay iyadoo si weyn ay u soo dhoweeyeen kadib muddo labo bilood ah oo uu wabigu qalalnaa.

Wabiga Shabelle oo ka yimaada dalka Ethiopia ayaa soo gaaray habeen hore saqdii dhex magaalada Jowhar iyadoo dadku ay shalay u daawasho tageen wabiga oo toddobaadyadii la soo dhaafay ahaa meel banaan oo ay dhalinyaradu ku ciyaaraan kubbada cagta.

Kumanaan qoys oo noloshoodu ay ku xirneyd wabiga ayaa ku farxay inay arkaan biyaha wabiga waxaana shalay magaalada Jowhar u daawasho tagay xiintoyda oo ah meel ay biyuhu ka soo dhacaan boqolaal ruux.

Wabiga Shabelle ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay gurayay iyadoo loo aaneynayo biyo xireen ay wabiga Shabelle ka sameysatay dowlada Ethiopia.

Hase yeeshee waxaa jirta cabsi laga qabo in wabiga uu ku fataho deegaano kamid ah gobolka Sh/dhexe maadaama aysan jirin cid isu taagtay inay ka hortagto fatahaadaha mudadii uu wabigu qalalnaa.

Balse, waxaa socda qorshey lagu dayactirayo biyo xireenka Sabuun oo ka hortaga fataha adaha gacan ka geysan kara.

Wabiga Shabelle oo biyo keenay Jowhar.

ERGO KA SOCOTA LABADA KUURIYA IYO MAREEYKANAKA OO KU KULMAYA FINLAND

Wakiillo ka kala socda waddamada kuuriyada woqooyi, Mareykanka iyo kuuriyada koonfu reed ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay kulan ku yeeshaan dalka Findland.

Waxaa la rumeysan yahay in ergadani ay ka wada hadli doonaan kulan la qorsheynayo in uu dhex mari doono madaxweyne Trump iyo hoggaamiyaha kuuriyada Woqooyi Kim Jongun.

Marka ku saabsan kulanka labadani hoggaamiye ayaa soo shaac baxay kaddib markii sarkaal sare oo ka tirsan kuuriyada woqooyi lagu arkay magaalada Beijing, isaga oo diyaarad u sii raacaya Helsinki, halkaasi oo la filayo in uu kula kulmo diblomaasiyiin Mareykan ah iyo khu baro dhanka amniga ah oo u dhashay Kuuriyada Koonfureed.

Wasiirka arrimaha dibadaa Findland ayaa wadahadalladaasi ku tilmaamay in ay qeyb ka yihiin xiriir aan rasmi ahayn oo u dhaxeeya labada Kuuriya iyo Mareykanka.

Trump oo Kuuriyada Waqooyi ugu baaqay "wada hadal"

Dhulgariir laga dareemay Kuuriyada Waqooyi

Dadka gantaallada u hormariya Kuuriyada Waqooyi oo cunaqabatayn la saaray

Madaxweynaha Maraykanka ayaa toddobaadkii hore aqbalay casuumaad ku saabsan in uu kulan fool ka fool ah la yeesho Kim, arrintaas ayaana layaab noqotay maadaama oo labada masuul ay aflagaado iyo hanjabaad is waydaarsanayeen muddo bilo ah.

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN {SHEEKO TAXANWE AH}

Q/89aad

Intaa ka dib Xul-beella inta ay shaahii iyo biyihii ca btay bey albaabkakii daaraddooda ka soo baxday waxeyna u soo dhaqaaqday Busteejadii ey gaariga ay ka raaci laheyd, in daqii qado ah ka dibna Bustee jadii ayey timid, Ka dib waxaa muddo gaaban intii ay taagneyd wax aa soo istaagay gaari Boorsaani ahgaarigii ayena raacday in cabbaar ah markii ay gaar igii saarneyd ka dib gaarigii waxaa ay kaga degtay Tiyaatarkahortiisa, waxaayna u dhaqaaqday geedihii waaweynaa ee uu tiyaatarku lahaana si ey lammaa neheedii C/qaadir ahaa ugu sii sugto wax yar ka dib na geedihii ayey iska hoos fariisatay ,C/qaadirna waa wiil ballan la leh lammaanihiisa Xul-beelle aheyd, maalintaasinta intuu meydhay buu ku labbistay dhar kiisa xulka ahaa ee indho soo jiidashada lahaa , bara fuunnadana waxaa uu isku buufiyey noocii {Titaanik {loo yaqiin wuxuuna is mariyey cadarka nooca {alnac iim loo yaqaan} fadhiga ayuu u gudaha u galay wuxu una fariistay kursi salooto ah oo hareertiisa yiilay in daqiiq ado ah ka bacdina waxaa loo keenay shaahii Casiriya ha ahaa iyo sidoo kale Galaas caano ah iyio koob biyo ah, markii uu cabbay shaahii, caanihii isa gooBiyihina ku luqluqday ayuu albaabka daaradoo da ka soo baxay isagoo soo abbaaray xaggaaa iyo bostejadii uu gaarigaka raaci lahaa , in daqiiqado ahmarkuu taagnaa ayuu ka dib goobtaa soo istaagay ga ari koostar ah kaasoo uu racay C/dir markuu in cabbaar ah soo saarnaa gaariga ka dib ayuu kaga soo degay gaarigii tiyaatarka hortiisa isagoo u dhaqaaqay halkii uu lammaanihiisaXulbeella aheyd uukula ballansanaa isagoo daqiido yar ka dib gaaray halkii ey fadhiday oo ay ku sugeysay lamaanaheeda .

The best girl in asia Intaa ka dibsalaan farxadi ka muuqato ayaa la isu kala soo booday ka dibna Xul-beella lammaanaheed C/qaadir ahaa ka codsatay in Xalay ay fiirsadaan Riw aayad Tiyaatarka laga dhigayey ee magaceeda la yira ahdo {Xuudbaa Liqay Jaceylkii} C/qaadirna wuu aqba lay Cod sigii lamaanihiisii isagoo tigidhadii riwaayadda lagu geli lahaa iibsigedii u diyaargaroobay wax aayna u wada dhaqaaqeen dhanka qeybta iibka tigidhada iya goo u wada dhaqaaqay gudaha tiyaatarka kuraasta laa mane ah ayaa la wada fadhiistay iyadoo in daqiiqado ah ka dib showgii Ruwaayadd ka soo horeya baa la bil aabay iyadoo xoggaa saacad ah halkaa lagu daawaday markii saacadda rasmiga ah ee ruwaayadda bilaabasha deeda la gaaray oo aheyd sida lagu iclaamiyaey warba ahinta a oo 8:00 fiidnimo aheyd ayaa waxaa la joojiyey showgii waxaana la bilaabay Ruwaayaddii habeenkaa dadka ay wada sugayeen ee halku dhigeedu ahaa XUU DBAA LIQAY –JACEYLKII} taasoo dadku ay xiiseynaye en markii in muddo ah la faafinayey in ay soo socoto riwayadaasi.

Intaa ka dub lammaanyaashii is jeclaay ee C/qaadir iyo XulBeella kalmadahacishqiga ah ee habeenkaa waxaay iftitaaxeda bilaabay wiilkii C/qaadir ahaa wuxu una ku bilaabay sida tan:-

C/qaadir:-Xul-beella abbaayo macaan , Xabiibimarka ay dhacdoama wiil iyo gabar midkood kan kale ku xumee yo jaceyl dhab ah oo uu u haayey ama uu marin habaa biyo ujeedadii wa da socodkooda isagookaga faa’iide ysanaya ujeedooyin gurracan ama u gaar ah isaga wa xaa abuurnaya in jaceylkii dhabta ahaa isu beddelo nac eyb, naceybkasina waxaa uu noqon karaa mid gaarsiis an illaa heeraar goosi oo ruuxii godobta lag galayku fikiri karo inuu ka taqa luso kan kale, xaaladdaasina waa mid dhib badan waxaana wanaagsan in aanad qof ku be erin kalsooni iyo jaceyl haddii aad ogtahay in aadan sii wedi doonin oo aad beylihin doontidna wacadkii aad la gashay mase og tahay Xul-Beella Abbaayo Macaan in qofku ugu dhibaato badan yahay markii niyadjab qalbigi isa lagu dhex beero ruux isku kaa aamina aad xumma an ugu abaal guddo taasoo noqon karto mid kuugu soo laabata adigoo aad waliba ka shalleyneyso dhexdanafarta aad ka qaniintid waqti munaasib aan kuugu aheyn.

Sidaas daraadeed Xulbeela Abbayo Macaan wax aa habboon inaan iska ilaalino masiib adaas raadka xun beni’aadamka ku reebi karta anigana waxaa aan jecla hay in gabdhaha la ixtiraamo mana jecli in la waxyeell eeyo hamigooda mustaqbal oo ey rajeynayaan,….

La Soco Isniinta Danbe Insha Allaah

W/Qoray C/Qaadir Cabdulle Nuur {Qalbbi

Dahab} Tel: 0618455506

BOGGA CAYAARAHA

XIDIGII UGU FIICNAA, KII UGU XUMAA & QIIMAYNTA CIYAARTOYDA KULANKII AY BARCA DUBATAY ATLETICO BILBAO

Goolal ka yimid Paco Alcacer iyo Lionel Messi ayaa waxay Barcelona, ka caawiyeen inay kaga gaaraan Camp Nou dhigooda Athletic Bilbao guushoodii 25aad oo xiriir ah fasal ciyaar eedkan horyaalka La Liga, ee wadanka Spain, xalay oo Axad ah.

Goolka furitaannka oo uu dhaliyay ciyaaryahan Alcacer, ayaa wuxuu yimid daqiiqadii 8aad ee qeybta koowaad iyadoona Leo Messi, uu dhaliyay goolkiisa daqiiqadii 30aad ee isla Bo gga koowaad ee ciyaartaan ay iska baashaaleysay Bluagrana.

Guushaan ayaa sidoo kale, waxay uga dhigan tahay Barca, inay ku qabaneyso hogaanka horyaalak 78 dhibcood iyadoona ka horeysa Atletico Madrid oo kaalinta labaad ku jirta 11 dhibcood, inkastoo ay xalay la dheeleyso kooxdan Villarreal.

Lionel Messi ayaa wuxuu dhaliyay goolkii 25aad ee xili ciyaareedkan uu ka dhaliyo horyaalka La Liga, ee wadanka Spain, wuxuuna umuuqdaa mid kusii dhawaanaya ku guuleys iga kabtanta Dahabka ee gooldhalinta horyaalka labaad ee aduunka ugu xiisaha badan

Qiimaynta Ciyaartoyda

Barcelona: Ter Stegen (6), Roberto (7), Pique (7), Umtiti (7), Alba (8), Rakitic (7), Paulinho (7), Coutinho (7), Dembele (7), Alcacer (7), Messi (8).

Bedalka La Adeegsaday: Iniesta (6), Vidal (6), Gomes (6).

Athletic Bilbao: : Kepa (7), Lekue (6), Martinez (7), Nunez (6), Saborit (7), De Marcos (6), Benat (5), San Jose (5), Susaeta (5), Garcia (6), Sabin Merino (5).

Bedalka La Adeegsaday: Iturraspe (7), Williams (6), Aduriz (6).

Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa: Lionel Messi

Lionel Messi celebrates scoring against Athletic Bilbao

Messi oo qeybta koowaad ee ciyaartaan ahaa kabtanka Barca, ka hor inta uusan bedal ku imaan Andres Iniesta, oo lagu bedalay Osman Dembele, ayaa waxaa uu ciyaartaan ka kensaday qiimayn fiican, taasoo ka dhigeysa midkii ciyaarta ugu fiicnaa.

ZIDANE MUXUU KA YIRI IN JUVE AY KU AADAN WAREEGA 8 CL, INAY XOOGAN TAHAY & HADII AY GARAACI KARAAN

Tababaraha kooxda kubada cagta Real Madrid, ninka lagu magacaabo Zidane, ayaa wu xuu ka hadlay isku aadka wareega Sideed dhamaadka Champions League, gaara ahaan in kooxdiisa lagu beego dhigeeda wadanka Talyaaniga ka dhisan ee Juventus.

Labadaan naadi ayaa waxay ku kulmeen Champions League, dhowr jeer, waxaana markii ugu dambeysay ay ahayd sanad ciyaareedkii hore, markaasoo Final-ka, ay ku wada dheeleen Magaalada Cardiff, ee caasimada wadanka Wales, xili Madrid ay qaaday koobka.

Kulanka labadda kooxood, ayaa waxaa lugta hore lagu dheeli doonaa garoonka kooxda kubada cagta Juventus, ee lagu magacaabo Juventus Stadium, taariik-hdu markay tahay 3-da bisha 4aad ee April, halka lugta labaad oo guriga Real, lagu dheeli doono 11-ka isla bishaas.

"Waxaan u ahaa iyaga inay hada yihiin kuwa [koox ahaan] xoogan, sida ay ahaayeen sa nad ciyaareedkii hore,” ayuu tababare Zidane usheegay warbaahinta ka hor kulanka xiisaha leh oo ay la balansan yihiin Girona, xalay oo Axad ah.

"Waxay yihiin kuwa loolan adag nala geli kara, sida ay mar walba ahaayeen, wuxuuna no qon doonaa kulan aad u adag – [90-ka daqiiqo ee kulanka] wuxuu noqon doonaa 50-50 [ma jirto dhinac ay guusha ugu cad-cadahay],” ayuu sii daba dhigay.

"Marka hore, waxaan booqan doonaa gurigooda, waana arki doonaa sida aan noqono – Marnaba uma malaynayo inaan noqon doono kuwa kubad kulul ama Qabow ciyaari doona,” ayuu cod dheer ku sheegay hogaamiyaha Los Blancos

"Waxaan nahay kuwa booskeeda ku xoogan, laakiin marka u tartanku heerkaan oo kale joogo [koox walba] waxay tahay mid wanaagsan,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, tababaraha kooxda difaacaneysa tartanka Champions League

MID KAMID AH CULUMADA UGU WAYN DALKA SUCUUDIGA OO FARIIN U SOO DIRAY MOHAMED SALAH (MUXUU KU YIRI?)

Shiikh Caa’id Al-Qarni ayaa fariin u soo diray weerar yahanka kooxda Liverpool ee Moh med Salah kaas oo ku jira qaab ciyaareed fiican.

Salah-Caaid-Al-Qarni Dareenka Shiikha waxaa dhaqaajiyay kadib markii habeen hore uu ku dhawaaqay mid kamid ah taageerayaasha Liverpool inuu qaadanayo diinta islaamka kadib bandhigii Mohamed Salah.

Shiikha ayaa uga mahadceliyay Maxamed Saalax wax qabadkiisa, wuxuuna u rajeeyay in ilaaheey uu waa fajiyo inuu sabab u noqdo islaamida dad badan oo shalay aan haysan diinta islaamka.

Dr.Caa’id Al-Qarni ayaa intaa ku daray in shaqsi walba oo muslim ah looga baahan yahay inuu si qurux badan u soo muujiyo wanaaga ay leedahay diinteena meel walba oo uu joogo.

Shiikha ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka:

"Dhamaanteen waa inaan u matalnaa diintaan wayn oo ah diinta islaamka suuradeeda dhabta ah ee sharafta leh dhamaan shaqooyinka iyo goobaha aan joogno waayo caalamkaan waxaa laga jecelyahay guulaystaha laakiin lama ixtiraamo faashilka, Alle ha ku waafajiyo wiily ahow cajiibka ah”.

ENGLAND - FA CUP MARCH 18

Wigan Athletic 0 - 2 Southampton

Leicester City 1 - 2 Chelsea

ITALY - SERIE A MARCH 18

Sampdoria 0 - 5 Inter

AC Milan 3 - 2 ChievoVerona

Benevento 1 - 2 Cagliari

Crotone 0 - 2 Roma

Hellas Verona 0 - 5 Atalanta

Torino 1 - 2 Fiorentina




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip