Muuse Biixi "Qatar waa cadawga Heshiiska DP World ee Dekeda Berbera"

0
Sunday March 18, 2018 - 21:08:20 in Wararka by
  • Visits: 353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi "Qatar waa cadawga Heshiiska DP World ee Dekeda Berbera"

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay dowladda Qatar inay cadaw ku tahay heshiiska maalgashiga Dekeda Berbera ee ay la galeen Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay dowladda Qatar inay cadaw ku tahay heshiiska maalgashiga Dekeda Berbera ee ay la galeen Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta Al-Ceyn ayuu Madaxweyne Muuse Biixi ku sheegay in aanay wax xiriir ganacsi, mid iskaashi iyo amni la laheyn Qatar, isla markaana xiriir soo jireen oo taariikh leh uu kala dhaxeeyo Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga.

"Qatar waxay u taagan tahay inay joojiso heshiiska, waa cadawga heshiiska maalgashiga Dekeda Berbera ee DP Worldā€¯ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Waxaa uu sheegay in Qatar aanay soomaali badan ku sugneyn, taa bedelkeed waxaa uu xusay in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku nool yihiin maalgashadayaal fara badan.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ay wadaagaan xiriir dhanka badda ah, isagoo xusay in Berbera iyo magaalada Jeddah ay isu jiraan illaa 300KM dhanka Badda.

Horaantii bishan March ayaa Shirkadda DP World heshiis ku saabsan maalgashiga Dekeda Berbera la saxiixatay Somaliland, waxaana heshiiskan uu ahaa mid saddex geesood ah oo lagu qeybsaday saamiga Dekeda, kaasoo u dhaxeeya Itoobiya, DP World iyo Somaliland.

Somaliland oo sanadkii 1991 ku dhawaaqday inay tahay dal madax banaan, balse aan helin aqoonsi caalami ah, ayaa horay ula safatay Isbaheysiga Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ee xiriirka u jaray Qatar




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip