Al-Shabaab oo sheegtay in 10 askari Itoobiyaan ku dileen qarax miino

0
Sunday March 18, 2018 - 20:57:58 in Wararka by
  • Visits: 355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo sheegtay in 10 askari Itoobiyaan ku dileen qarax miino

    Al-Shabaab ayaa sheegtay in 10 askari Itoobiyaan ay ku duleed inta u dhaxeysa deegaanka Yurkud ee Gobolka Baay iyo degmada Luuq ee Gobolka Gedo, kaddib markii ay qarax la eegteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-Shabaab ayaa sheegtay in 10 askari Itoobiyaan ay ku duleed inta u dhaxeysa deegaanka Yurkud ee Gobolka Baay iyo degmada Luuq ee Gobolka Gedo, kaddib markii ay qarax la eegteen.

Warbaahinta taageera Al-Shabaab ayaa sheegay in qarax miino oo dhulka hoostiisa lagu aasay lala eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ee lagu qarxiyay duleedka Yurkud ayaa ka baxay magaalada Baydhabo, waxaana la sheegay in dhowr maalmood ay lugeynayeen, iyagoo ka cabsi qabay weerar dhabo gal ah oo lala beegsado.

Hase ahaatee miino dhulka hoostiisa lagu aaso ayaa la sheegay in ciidamada lala beegsaday, sida ay ku warameen warbaahinta Shabaabka taageera.

Ma jirto war ka madax banaan sheegashada Al-Shabaab ee ah tobaneeyo askar ay ku dileen qaraxa miino.

Ciidamo Itoobiyaan oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa ku sugan deegaano ka tirsan Gobolada Bay, Bakool, iyo Gedo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip