Shacabka magaalada Jowhar oo soo dhoweeyay wabiga oo biyo keenay (Sawiro)

0
Sunday March 18, 2018 - 19:22:51 in Wararka by
  • Visits: 389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka magaalada Jowhar oo soo dhoweeyay wabiga oo biyo keenay (Sawiro)

    Shacabka magaalada Jowhar ayaa saaka ku waabariistey wabiga oo biyo keenay iyadoo si weyn ay u soo dhoweeyeen kadib muddo labo bilood ah oo uu wabigu qalalnaa. Wabiga Shabelle oo ka yimaada dalka Ethiopia ayaa soo gaaray xalay saqdii dhex magaalad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka magaalada Jowhar ayaa saaka ku waabariistey wabiga oo biyo keenay iyadoo si weyn ay u soo dhoweeyeen kadib muddo labo bilood ah oo uu wabigu qalalnaa. Wabiga Shabelle oo ka yimaada dalka Ethiopia ayaa soo gaaray xalay saqdii dhex magaalada Jowhar iyadoo dadku ay saaka u daawasho tageen wabiga oo toddobaadyadii la soo dhaafay ahaa meel banaan oo ay dhalinyaradu ku ciyaaraan kubbada cagta. Kumanaan qoys oo noloshoodu ay ku xirneyd wabiga ayaa ku farxay inay arkaan biyaha wabiga waxaana saaka magaalada Jowhar u daawasho tagay xiintoyda oo ah meel ay biyuhu ka soo dhacaan boqolaal ruux.

Wabiga Shabelle ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay gurayay iyadoo loo aaneynayo biyo xireen ay wabiga Shabelle ka sameysatay dowlada Ethiopia.

Hase yeeshee waxaa jirta cabsi laga qabo in wabiga uu ku fataho deegaano kamid ah gobolka Sh/dhexe maadaama aysan jirin cid isu taagtay inay ka hortagto fatahaadaha mudadii uu wabigu qalalnaa.
Balse, waxaa socda qorshey lagu dayactirayo biyo xireenka Sabuun oo ka hortaga fatahaadaha gacan ka geysan kara.

Wabiga Shabelle oo biyo keenay Jowhar
5of 9
 
 
 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip