Dhageyso:-Sheekh Nuur Baaruud Oo Cadeeyay Mowqifkiisa Go'aankii Baarlamaanka Ee Shirkada DP World

0
Sunday March 18, 2018 - 09:27:51 in Wararka by
  • Visits: 349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Sheekh Nuur Baaruud Oo Cadeeyay Mowqifkiisa Go'aankii Baarlamaanka Ee Shirkada DP World

    Sheekh Nuur Baarud Gurxan oo ka mid ah Hay'adda Culumada Soomaaliyed ayaa waxa uu ka hadlay go'aankii Golaha Shacabka ay ansixiyeen ee dalka looga mamnuucay shirkada Dp World iyo Xiisada Siyaasadeed ee haatan dalka ka taagan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Nuur Baarud Gurxan oo ka mid ah Hay'adda Culumada Soomaaliyed ayaa waxa uu ka hadlay go'aankii Golaha Shacabka ay ansixiyeen ee dalka looga mamnuucay shirkada Dp World iyo Xiisada Siyaasadeed ee haatan dalka ka taagan.

Sheekh Nuur baaruud ayaa marka hore sheegay in uu ugu hambalyeeynayo xildhibaanada Golaha Shacabka Go’aankii ay dalka uga mamnuuceen Shikadda DP World ee laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Waxa uu sheegay in xiligaan in dowladda Soomaaliya ay qaaday laba tallaabo oo aad loo jeclestay oo kala ahaa dib u soo celinta dhalinyaradii ku dhibaateysneyd dalka Libya iyo Go’aankii laga qaatay shirkada DP World.

Waxa uu soo hadal qaaday khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan Xukuumadda iyo Golaha Shacabka,waxa uuna sheegay in waqtigaan aysan wanaagsaneyn mooshinada la’iska dabawado maadaama uu sheegay in weli dalka dagaalo ay ka socdaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayuu ugu baaqay in ay xaalada dejiyaan isla markaana ay joojiyaan mooshinada ay wadaan si xasilooni Siyaasadeed loo gaaro.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Audio Player
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip