Madaxweyne Farmaajo oo khilaafka hey'addaha dowladda darteed u baajiyay safar uu ku aadi lahaa Qatar

0
Sunday March 18, 2018 - 08:46:30 in Wararka by
  • Visits: 313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo khilaafka hey'addaha dowladda darteed u baajiyay safar uu ku aadi lahaa Qatar

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa baajiyay safar lagu waday in maanta oo Axad ah uu ku tago dalka Qatar, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa baajiyay safar lagu waday in maanta oo Axad ah uu ku tago dalka Qatar, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Wararka ayaa sheegaya in saacadihii u dambeeyay uu Madaxweynuhu go’aansaday inuu baajiyo safarkiisa Qatar, kaddib markii lagula taliyay in aanu dalka ka ambabixin, iyadoo uu qalalaase siyaasadeed jiro.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu guda geli doono xalinta khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Guddoomiye Jawaari iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Inkastoo Madaxweynuhu aanu wali ka hadlin khilaafkan iyo mowqifkiisa, hadana waxaa jira cadaadisyo uga imaanayay Xildhibaanada Golaha shacabka, kaasoo ku aadan inuu soo farageliyo kana hadlo khilaafka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii uu soo dhaac baxay khilaafka Hey’addaha Sharci dejinta iyo Fulinta hoy iyo xafiis u aheyd Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo howl maalmeedkiisa shaqo u wareejiyay.

Khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa saameyn ku yeeshay howlihii dowladda, kaddib markii ay hareeyeen mooshino iska soo horjeeda iyo kulamo siyaasadeed habeen iyo maalin aan loogu kala kicin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip