HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 18-KA MAARSO 2018-KA
Wasiirka Difaaca dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warb aahinta u sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah AlShabaab.
Waxaa uu sheegay in howlgalkaan uu ka
duwan yahay kuwii hore oo ciidamada intay meel qabsadaan ay kasoo bixi jireen,
laakiin kan uu yahay mid culus oo ay fulinayaan ciidamo isku dhaf ah.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay
jiraan ciidamo loo diyaariyay in ay suggaan Amniga goobaha laga qabsado AlShabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed
Cabdullaahi Maxamed ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa xarunta Wasaaradda
Difaaca halkaasi uu ka waday dib u habeynta cii damada Xoogga dalka
Soomaaliyeed.
R.W KHEYRE OO BOOQASHO KADIS AH KU TAGAY SALDHIGGA
DEGMADA HODON
Waxaa uu halkaasi ugu tagay Ra’iisul
Wasaare Kheyre Saraakiisha ciidaamda Booliska Soomaaliyeed ee degmadaasi oo
xilligaan ku howlanaa suggidda Amniga degmada.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo
dhawr iyo labaatan sanno kahor ka ahaa Askari bileeys ah oo ka tirsan
saldhiggaas isla markaana "Oobiiga” qora ayaa bogaadiyay Shaqadda ay hayaan
ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Waxaa
uu sidoo kale tilmaamay in saraakiisha ciidamada ay si hufan u gudanayaan
waajibka Saaraan ee ah Suggida Amniga.
AKHRISO:HAY’ADDA CULUMADA SOOMAALIYEED OO WAR KA SOO SAARTAY XIISADA SIYAASADEED EE KA TAAGAN DALKA Bayaan ka soo baxay Culumada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in ay ka welwelsan yihiin Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Xukuumadda iyo Golaha Shacabka Soomaaliya. Bayaanka ayaa lagu sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataanxalinta khilaafka,iyaga oo ugu baaqay xildhibaanada in ay ilaaliyaan nidaamkii iyo xeer hoosaadka ay dhigteen.
DUQA MUQDISHO OO LA KULMAY MADAXDA IYO SARAAKIISHA
SARE EE AMISOM
Guddoomiyaha
Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa
shalay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya
Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM,
Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire la yeeshay kulan ku aaddan sidii loo
xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa Gobolka Benaadir iyo AMISOM.
Kulankan oo
ka dhacay xarunta dawladda Hoose ee (Xamar) ayuu Guddoomiye Yarisow ku ammaanay
Midowga Afrika doorka ay ka ciyaartay horumarka iyo ammaanka Caasimadda. Waxaa
kaloo intii uu kulanku socday lagaga hadlay ka bixitaanka AMISOM ee Stadium
Muqdisho oo dhallinyaradu u baahan tahay, si loogu qabto ciyaaraha gobollada ee
soo socda.
Guddoomiyaha
Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo xubin ka ah Golaha Amniga
Qaran ayaa AMISOM ka codsaday in la dardargeliyo howlgallada xoreynta labada
Shabeelle taas oo muhiim u ah xasilloonida amniga Caasimadda.
"Ciidammada
Midowga Afrika ee AMISOM waxay naftooda u hurayaan inay nabadda iyo noloshii
caadiga ahayd dib ugu soo celiyaan dalka, waana uga mahadcelinaynaa kaalintooda
muhiimka ah, kulankanna waxuu dhabaha u xaarayaa in aan si wadajir uga shaqeyno
amniga iyo horumarka magaalada Caasimadda ah oo ka soo kabanaysa
dhibaatooyinkii dagaalladu reebeen”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.
Wakiilka
Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire
Francisco Madeira ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay garab istaagaan
Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Benaadir si ay gacan
uga geystaan dardargelinta hannaanka xasilinta iyo in dalka dib looga hirgeliyo
nabad waarta iyo amni.
MASAR OO DEEQ DAWO AH KU WAREEJISAY WASAARADDA
CAAFIMAADKA SOOMAALIYA …
Wasaaradda
Caafimaadka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay deeq Dawo ah oo ay soo dhiibtay
Dowladda Masar.
Munaasabaddii
lagu wareejinayay deeqdaasi Dawada ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan
Cadde ee Magaalada Muqdisha ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee
wasaaradda caafimaadka Dr. C/laahi Xaasi, Danjire ku xigeenka safaarada Masar
ee Soomaaliya Axmed Shedid, Qunsulka safaarada Mr ee Soomaaliya Tamer Safwat ElMahdy
iyo Danjire ku xigeenka safaaradda Soomaaliya ee Masar Ilyaas Sheekh Cumar.
Danjire ku
xigeenka Safaarada Masar ee Soomaaliya Axmed Shedid oo halkaasi ka hadlay ayaa
sheegay in deeqdan oo ka kooban 13 Tan oo dawo ah ay soo dhiibeen shacabka iyo
dowladda Masar wuxuuna dawadaasi ku wareejiyay agaasimaha guud ee wasaaradda
Caafimaadka.
Dr. C/laahi
Xaashi oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya oo
deeqdaasi la wareegay ayaa dowladda Masar uga mahadceliyay deeqdan ay usoo
dhiibeen Ummadda Soomaaliyeed.
GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO BAAQ U DIRAY
WARBAAHINTA
Gudoomiyaha
Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu baaqay warbaahinta iyo
bulshadda Soomaaliyeed in si degan loo
wajaho xaaladda cakiran ee golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu
warbaahinta ugu baaqay in ay ka fekaraan sidii si nabadgaliyo loogu dhameyn lahaa Khilaafka.
Gudoomiyaha
ayaa sheegay in haddii warbaahinta Soomaaliyeed ay buunbuuniyaan Khilaafka uu
sameyn weyn ku yeelan doono dalka oo dhan.
Waxaa uu
xusay in jirto xaalad adag oo loo baahan yahay in loo wajaho si degan oo ay ku
dheehan tahay wadaniyad, si loo Afjaro Khilaafka Baarlamaanka iyo Xukuumadda.
Murankan
siyaasadeed ayaa sii xogeystay 24kii saacadood ee la soo dhaafay, iyadoo beesha
caalamka iyo hey’adaha bulshada rayidkuna ay ku baaqayaan in xiisadda la dejiyo
si loo badbaadiyo guuliha ilaa iyo hadda laga gaaray dowladnimada, amaanka Soomaaliya.
KENYA OO AMARTAY IN GACANTA LAGU SOO DHIGO XUBNO
KA TIRSAN AL SHABAAB
Maxkamad ku
taala dalka Kenya ayaa amar ku bixisay in gacanta lagu soo dhigo rag la sheegay
in ay ku lug lahaayeen weerar lagu doonayey in lagu qaado magaalada Nairobi ee
xarunta dalka kenya.
Qaadiga
maxkamadDa ayaa sheegay in raggaasioo ka tirsan Al Shabaab ay doonayeen in
weeraraan Maxkamadda Milani ee magaalada Nairobi, si ay u soo badbaadiyaan
wadaad lagu eedeeyay Al Shabaabnimo oo ay hore u soo qabteen Ciidamo ka tirsan
kuwa Booliska Kenya.
Booliska
dalka Kenya ayaa ku eedeeyay Wadaadkaasi oo la yiraahdo Sheekh Guyo Gorsa iyo
Ragga la doon doonayo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab oo xiriir la
leh Ururka Al Qaacida.
Qaar ka mid
ah dadka deegaanka oo ka careysanaa xariga wadaadkaasi ayaa weerar ku qaaday
dhismooyinka Kaniisado ku yaalla magaaladaasi.
Booliska
ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarka Al Shabaab ay ku doonayeen in ay ku
qaadaan magaalada Nairobi, iyagoo sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaari siday
walxaha qarxa oo culeyskooda dhamaa 80 Kilogram.
WASIIR KHADIIJA : WALI MOOSHINKA WAA SHARCI
WAXAANA LOO GUDBINAYAA GOLAHA BAARLAMAANKA
Magaalada
Muqdisho waxaa shalay kulan ku yeeshey xildhibaannada mooshinka ka keenay
guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana kulankaa qeyb ka ahaa Wasiiro ka tirsan
xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.
Khadiijo
Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha oo kulanka hadal ka
jeedisay ayaa siweyn u weerartay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof
Jawaari, waxaana ay sheegtay in wali mooshinka sharci yahay oo aan laga laaban.
‘’Mooshinkaasi
waa gudbay, waa sharci, waxaan leeyahay halagu kalsoonaado, in Jawari uu sheego
in mooshinka sharci ahaan uu buray waa nasiib darro, waxey wax u dhimeysaa
aqoontiisa, waxey wax u dhimeysaa Diintiisa, waxey wax u dhimeysaa karaamdiisa’’
ayeey khudbadeeda ku sheegtay Khadiijo Maxamed Diiriye.
Wasiirka
ayaa sheegtey in mar haddii mooshinka la qabto kaddib cidna ka noqon karin ilaa
la geeyo golaha Baarlamaanka lagana doodo.
"184 haddii
uu mooshinkaas gaari waayo Jawaari waa gudoomiyaha Golaha Shacabka,laakiin
hadii uu gaaro waa wax cad,waxana idin sheegayaa in mudo 15 cisho ah gudahood
ay ku soo dooran doonaan Gudoomiye Baarlamaan ‘’ ayeey tiri xildhibaan Khadiijo
Maxamed diiriye”
Hadalka
Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sii xoojinaya tuhunka la qabo oo ah mooshinka ay
gadaal ka riixayaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.
WASIIRKA GAASHAANDHIGA OO KA HADLAY ISBADALKA LAGU
SAMEEYAY HOGAANKA CIIDANKA.
Wasiirka
Gaashaandhiga Xukuumada Somaliya oo Warbaahinta Kula hadlay Shalay Xarunta
Wasaarada Gaashaandhiga ee Degmada Deyniile ayaa soo hadal qaaday Howlgalada ka
socda Dalka, Qorshaha Madaxweynaha ee Wasaarada, Weerarkii Balcad iyo Isbadalka
Hogaanka Ciidanka.
Mursal
Maxamed Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in Isbadal lagu sameeyay Hogaanada
Ciidanka Kuwaas oo markii hore ahaa 23 Hogaan Balse haatan lagu soo Koobay 13
Hogaan, Waxaana lagu soo biiriyay dhalinyaro Saraakiil ah oo dibada wax lagu
soo baray.
Wasiir
Mursal ayaa Saxaafada usheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dagay Taliska Ciidanka
ee Dhismaha Wasaarada Gaashaandhiga, halkaas oo Todobaadkii udanbeeyay Madaxweynaha
u eheyd Hoy iyo Xarun Shaqo.
Madaxweyne
Farmaajo ayaa horay tababar ugu soo xiray Ciidan loogu magac daray 14ka October
Kuwaas oo tiradooda ay gaareysay 600 oo askari, Sidoo kale waxaa tababar loo
soo xiray Ciidanka Danab, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu faray in Ciidamadan
cusub ee howlgalada qaadaya ay helaan agabka ay ubaahanyihiin si ay ugu guuleystaan
Shaqada hortaala.
Sidoo Kale
Warbaahinta ayaa wax ka weydiisay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya Maxamed
Mursal Sheekh C/raxmaan Weerarkii Shabaab ee Degmada Balcad, Waxa uu tilmaamay
iney Guddi usaareen Weerarkaas, aysan jirinna iney Shabaab gacanta ku dhigeen
degmada oo Masaafo yar ujirta Caasimada Somaliya ee Muqdisho.
Ugu danbeyn,
Wasaaradaha Xukuumada Somaliya ayuu ka dalbaday iney tagaan deegaanadii ugu
danbeeyay ee Shabaab laga qabsaday, Wuxuuna Ciidamada faray ineysan ka soo
laaban meelaha ay ka qabsanayaan Xoogaga Xarakada AlShabaab.
DOWLADDA SOOMALIYA OO SHEEGTAY INAY GUULO KA
GAARTAY SOO DEYNTA MAXAABIISTA
Wasiir ku
xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ayaa
sheegay inay Dowladdu guulo la taaban karo ka gaartay soo deynta Maxaabiista Soomaaliyeed
ee ku jirta qaar ka mid ah waddamada Caalamka.
Mudane;
Muqtaar Mahad Daa’uud, Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda oo u
warramay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay inay
muddadii 10ka bilood ahayd ee ay xafiiska joogeen soo daayeen Maxaabiistii ugu
badnayd ee xabsiyo caalamka laga soo daayo.
Wuxuuna
intaa ku daray in 117 Maxbuus oo ku jiray jeelasha Hindiya laga soo daayay
dhammaantood, iyadoo 76kii Qof ee ugu dambaysay lagu soo celiyay Dalka Todobaadkii
tagay, waxanay maxaabiistani noqonaysaa tii ugu badnayd ee Xabsiyada caalamka
laga soo daayo sida uu sheegay Wasiirku.
Dalalka
Seychels, Itoobiya iyo Liibiya ayuu sidoo kale sheegay inay kasoo daayeen
Maxaabiis aad u fara badan, haatanna ay socdaan dedaallo baaxad leh oo lagu soo
dhammaytirayo inta ku harsan xabsiyada Caalamka.
"Dowladda
Nabad iyo Nolol Barnaamijkeeda waajibaadkeeda koobaad buu ahaa Dadka
Soomaaliyeed ee ku xirxiran dibedaha in laga war doono, inta lasoo deyn karana
lasoo daayo, welina way innoo socotaa” ayuu yiri Wasiirku.
Waxa uu
nasiib darro ku tilmaamay in Dalka Liibiya Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran
ay qaarkood Gacanta ugu jiraan Malleeshiyaad aan cidina ka ammar qaadan, kuwaas
oo uu nidaamka Dowliga ahi dartii saamaxayn in lala gorgortanno.
Wuxuuna
Wasiirku sheegay inay fududeynta arrintaasi ay la kaashadaan Hay’ado Caalami ah
oo ay ka mid yihiin Hay’adda socdaalka Adduunka u qaabbilsan ee IOM iyo laanta
Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.
Mudane;
Muqtaar ayaa ka hadlay halka ay ku dambeeyeen dedaalladii loogu jiray soo
celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugnaa Dalka Yemen , wuxuuna rajo
wanaagsan ka muujiyay inay sii wadi doonaan howlihii socday, maaddaama buu yiri
ay halkaasi ka jiraan colaado, balse ay arrintaasi Gacanta ku wada hayaan
Hay’adda Qaxootiga Caalamka UNHCR , Hay’adda Qaxootiga Soomaaliya iyo Dowladda
Federaalka Soomaaliya.
Wasiir ku
xigeenka ayaa sidoo kale xusay in Soomaalida ku nool Dalka Koofur Afrika oo
marar badan la kulmay weerarro Isir nacayb ah ay qayb ka tahay dhibaatada lagu
hayo Ajanabiga ku Nool Dalkaas, wuxuuna sheegay inay Wasaaraddoodu dhawaan
booqan doonto si gabbood fallada ka dhanka ah Soomaalida loo yareeyo.
MUHAAJIRIIN DOONI KULA DEGTAY JASIIRADDA AEGEAN
Sidda ay xaqiijiyeen
Ilaalada xeebaha ee dalka Giriigga ugu yaraan 16 qof oo muhaajiriin ah oo ay ku
jiraan Lix caruur ah ayaa dhintay kadib markii dooni ay saarnaayeen ay ku
qarqantay badda u dhaxeeysa Turkiga iyo Greekgga.
Waxaa la
aaminsanayahay in doonida ay saarnaayeen dad kor u dhaafaya labaatan qof iyadoo
dadkaa qaarna weli lala’yahay Waxaana socoda baadi goob loogu jiro dadkaasi.
Dimitris
Vitsas Wasiirka socdaalka ee Giriigga, ayaa sheegay in dalka Greekga uusan
raali ka ahayn kana noqon doonin in ay dadka ku dhamaadaan jasiiradda Aegean.
Ciidamada
Ilaaladda ayaa sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen in dadkaasi ay kasoo jeedaan
qaaraddaha Afrika iyo sidoo kale Aasiya.
Ururka
Midowga yurub ayaa sheegay in sanadkii hore ay aad u yaraayeen muhaajiriinta sharci
darrada ah ee ka tallaabo soohdimaha wadamada yurub tan iyo markii ay
biloowdeen musiibada tahriibeyaasha afar sano ka hor.
NABADOON LAGU DILAY MAGAALADA MUQDISHO
Kooxo
hubaysan ayaa Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Nabadoon
Axmed Cabdulle Jimcaale xilli uu ka soo baxay gurigiisa.
Nabadoonka
ayaa lagu dilay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan, waxaana toogtay dabley
hubaysan oo Bistooladol watay, kuwaasi oo ka baxsaday goobtii ay ku dileen
Nabadoonka.
Wararka ayaa
sheegaya in Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo reer Hiiraan ah, dhawr xabadood
ay ku dhufteen dableyda ugu dambeyna uu u dhintay xabadihii lagu dhuftay.
Raggii
hubaysnaa ee dilka Nabadoonka gaystay ayaa ka baxsaday goobtaasi, waxaana
markii dambe meesha tagay ciidamada ammaanka dowladda. Ciidanka ayaa hadda halkaasi waxa ay ka wadaan baaritaan ku aadan
cidii ka dambeysay dilka Nabadoonka loo gaystay.
Dilalka
qorsheysan ayaa muddooyinkaan dambe Magaalada Muqdisho ka yaraa, sababo ku
aadan Koontaroolada ciidanka ee baarista oo aad loo badiyay.
Al Shabaab
ayaa Magaalada Muqdisho ku beegsata Nabadoonada iyo Saraakiisha ka tirsan
dowladda Federalka Somaliya.
RUUSHKA OO DALKIISA KA CEYRINAYA DIBLUMAASIYIIN
BRITISH AH
Dowlada
Ruushka ayaa dalkeeda ka ceyrinaysa 23 diblumaasi oo British ah iyadoo jawaab
uga dhigeysa talaabadii ay hore u qaaday dowlada Britain.
Wasaarada
Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa sheegtay in diblumaasiyiintan loogaga saari doono
magaalada Moscow muddo toddobaad ah.
Sidoo kale
dowlada Ruushka ayaa waxaa ay xiraysaa xarunta dhaqanka ee dowlada Britain ay
ku leedahay dalka Ruushka iyo qunsuliyada ay dowlada Ruushka ku leedahay
magaalada St Petersburg.
Hase yeeshee
R/wasaaraha Theresa May ayaa ku hanjabtay inay tallaabo hor leh ka qaadi doonto
dowlada Ruushka.
"Uma
dulqaadan doono in dowlada Ruushka ay halis ku geliso nolosha muwaadiniinta
Britishka ah iyo kuwa kale gudaha wadankeena,”ayay tiri May.
Labada dal
ee Ruushka iyo Britain ayaa khilaaf soo kala dhexgalay kadib markii suntan neerfaha
disha oo lagu farsameeyo dalka Ruushka lagu weeraray nin hore basaas u ahaa dowlada
Ruushka iyo gabar uu dhalay.
MAXKAMADA CIIDAMADA QS OO LA SOO TAAGAY RAG KU
EEDEESAN FARSAMEYNTA QARAXYADA ..
Maxkamada
ciidamada qalabka sida ayaa shalay lasoo taagay rag ku eedeesan farsameeynta
qaraxyada , kuwaa oo dhawaan ciidamada amaanka kasoo qabteen deegaanka Ceelasha
Biyaha.
Ragan
Maxkamada ciidamada qalabka sida lasoo taagay oo sadex nin ah ayaa magacyadooda
lagu sheegay Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud,Jamaal Maxammed Cali Cabdi iyo Axmed
Aadan weerar Dhagaxow.
Gudoomiyaha
Maxkamadda Darajadda 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur
Shuute ayaa ka dalbaday xafiiska xeer ilaalinta in eey kaanaan baarihii
kiiskan, si su’aalo loo weydiiyo.
Xafiiska
xeer ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirro laga soo qaaday agab lagu
farsameyn jiray qaraxyada oo lala soo qabtay sedaxda eedeysane iyagoo sheegay
in eeysan hor keeni Karin garsoorka maadaama aanu aqoon badan u laheyn .
Waxa ayna sheegeen
in agabkan ay hayaan ciidamada amniga gaar ah kuwa u aqaabilsan arrimahaasi,
waxanaa garsoorka ciidamada qalabka sida ka codsadeen in loo ogolaado in la soo
gabagabeeyo kiiskan oo eey sheegeen in eey ku filantahay cadeymaha loo heysto.
Ragan shalay
la horkeenay Maxkamada cidamada qalanka sida ayaa loo heestaa in ay ka
shaqeenayeen falal amaanka lidi ku ah ayna ahaayeen rag farsameeya waxyaabaha qarxa sida miinooyinka.
PROF JAWAARI : WAXAAN OGOLAHAY IN COD LAGU KALA
BAXO
Guddoomiyaha
Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo ay Mooshin ka keeneen
tiro ka badan 100 xildhibaan ayaa sheegay in sharci ahaan uu jabey Mooshinkii
la soo gudbiyay, laakiin isaga oo u daneynaya badbaadinta Golaha Shacabka
ogolaanayo in xildhibaannada ka soo horjeeda soo dhameystiraan xubnaha ka
dhiman si uu sharci u noqdo mooshinka.
‘’Sida aad
ogtihii mooshinka leyga oo gudbiyay sharci ahaan wuu jabay, madaama uu buuxin
waayay tiradii loo baahnaa in uu ku ansaxo, laakiin waxaan ogolahay in
xildhibaannada mooshinka wada soo dhameystiraan tirada mooshinka ka dhiman,
kaddibna cod lagu kala baxo, Anniga oo taa u sameynaya badbaadinta Golaha
Shacabka’’ ayuu yiri Prof Maxamed Cismaan Jawaari.
Guddoomiye
Jawaari ayaa dhinac dalbaday in meel ka baxsan xarunta Golaha Shacabka lagu
qabto kulanka xildhibaannadu ugu codeynayaa mooshinka kalsooni kala noqoshada,
isaga oo xarunta Baarlamaanka ku tilmaamey goob aan lagu kalsoonaan karin oo ay
Xukuumadu la wareegtay.
Wali
ra’iisal wasaare Kheyre kama uusan hadal eedeynta culus ee uga timid dhinaca
guddoon Golaha Shacabka oo sheegay in ciidamo isaga ka amar qaata la wareegeen
xaruntii Baarlamaanka.
YUU NOQON KARAA RA’ISALWASAARAHA XIGA EE ITOOBIYA?
Isbahaysiga
talada haya ee Itoobiya ayaa la filayaa in ay goor dhow kulmaan si ay u
doortaan hogaamiyohooda xiga. Qofkaas oo noqon doona ra'isalwasaraha xiga ee
wadanka. Qofka la doorta ayaa mas'uul adag qaadi doona iyadoo wadanka ay ka
jiraan mudaaharaadyo rabshada wadata.
Rai'salwasaarihii
hore ee itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa 15kii febaraayo ku Dhawaaqay in uu
iska casilay xilka raisalwasaaranimada iyo gudoomiyhii xisbig EPRDF, jagadaasi
oo uu hayay tan iyo 2012kii
Xisbiga is
bahaysiga EPRDF waxa uu ka koobanyahay afar xisbi siyaasadeed oo ku saleeysan qaar
ka mid ah qowmiyadaha dega itoobiya.
Balse
khilaaf soo kala dhex galay isbahaysigaan ayaa adkeeyay in la saadaaliyo qofkii
uu noqon lahaa ra'isalwasaaraha xiga ee dalka itoobiya.
Isabahaysigan
ayaa talada wadanka hahay tan 1991 kadib markii ay burburtay dowaladdi shuuciga
ahayd.
Waa kuwaan
toddobada nin oo u sharaxan jagada ra'isal wasaaraha ee itoobiya.
1. LEMMA MAGERSA
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 18-KA MAARSO 2018-KA
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in maalmaha soo socda uu hoggaamiyo howlgal cusub oo ka dhan ah dagaalyahanada AlShabaab.