Wasiirka Gaashaandhiga oo ka hadlay Isbadalka lagu sameeyay Hogaanka Ciidanka.

0
Saturday March 17, 2018 - 19:28:13 in Wararka by
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhiga oo ka hadlay Isbadalka lagu sameeyay Hogaanka Ciidanka.

    Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Somaliya oo Warbaahinta Kula hadlay Galabta Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Degmada Deyniile ayaa soo hadal qaaday Howlgalada ka socda Dalka, Qorshaha Madaxweynaha ee Wasaarada, Weerarkii Balcad iyo Isbadalka Hogaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Somaliya oo Warbaahinta Kula hadlay Galabta Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Degmada Deyniile ayaa soo hadal qaaday Howlgalada ka socda Dalka, Qorshaha Madaxweynaha ee Wasaarada, Weerarkii Balcad iyo Isbadalka Hogaanka Ciidanka.

Mursal Maxamed Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in Isbadal lagu sameeyay Hogaanada Ciidanka Kuwaas oo markii hore ahaa 23 Hogaan Balse haatan lagu soo Koobay 13 Hogaan, Waxaana lagu soo biiriyay dhalinyaro Saraakiil ah oo dibada wax lagu soo baray.

Wasiir Mursal ayaa Saxaafada usheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dagay Taliska Ciidanka ee Dhismaha Wasaarada Gaashaandhiga, halkaas oo Todobaadkii udanbeeyay Madaxweynaha u eheyd Hoy iyo Xarun Shaqo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay tababar ugu soo xiray Ciidan loogu magac daray 14-ka October Kuwaas oo tiradooda ay gaareysay 600 oo askari, Sidoo kale waxaa tababar loo soo xiray Ciidanka Danab, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu faray in Ciidamadan cusub ee howlgalada qaadaya ay helaan agabka ay ubaahanyihiin si ay ugu guuleystaan Shaqada hortaala.

Sidoo Kale Warbaahinta ayaa wax ka weydiisay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Weerarkii Shabaab ee Degmada Balcad, Waxa uu tilmaamay iney Guddi usaareen Weerarkaas, aysan jirinna iney Shabaab gacanta ku dhigeen degmada oo Masaafo yar ujirta Caasimada Somaliya ee Muqdisho.

Ugu danbeyn, Wasaaradaha Xukuumada Somaliya ayuu ka dalbaday iney tagaan deegaanadii ugu danbeeyay ee Shabaab laga qabsaday, Wuxuuna Ciidamada faray ineysan ka soo laaban meelaha ay ka qabsanayaan Xoogaga Xarakada Al-Shabaab




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip