Aqalka sare oo Guddi u saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka, kuna baaqay in xasiloonida dib loo soo celiyo

0
Saturday March 17, 2018 - 19:22:17 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka sare oo Guddi u saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka, kuna baaqay in xasiloonida dib loo soo celiyo

    Guddiga joogtada ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka oo goor dhow shir ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la xaliyo khilaafka u dhaxeeya Golaha shacabka ee ka dhashay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga joogtada ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka oo goor dhow shir ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la xaliyo khilaafka u dhaxeeya Golaha shacabka ee ka dhashay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa saxaafada la hadlay Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, kaasoo sheegay in Aqalka sare ay soo jeedinayaan in xasiloonidii iyo degenaashaha Golaha shacabka la soo celiyo, isla markaana wax kasta oo la isku haayo lagu dhameeyo si waafaqsan dastuurka iyo xeer hoosaadka

Waxaa la magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood uu Guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi, kuwaasoo ka qeyb qaadan doona xalinta khilaafka.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda, waxaana ay ku baaqeen in la xaliyo,

 

Khilaafka Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa cirka isku shareeray, kaddib markii shalay Ciidamo ay la wareegeen Xarunta Golaha shacabka, waxaana shir jaraa’id uu qabtay Guddoomiye Jawaari uu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha in Ciidamada la wareegay xarunta ay isaga amray, wixii hadda ka dambeeya uu mas’uuliyadeeda qaadi doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip