Akhriso:-Dowladda Soomaliya oo Sheegtay Inay Guulo Ka Gaartay Soo Deynta Maxaabiista

0
Saturday March 17, 2018 - 19:19:33 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Dowladda Soomaliya oo Sheegtay Inay Guulo Ka Gaartay Soo Deynta Maxaabiista

    Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ayaa sheegay inay Dowladdu guulo la taaban karo ka gaartay soo deynta Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirta qaar ka mid ah waddamada Caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ayaa sheegay inay Dowladdu guulo la taaban karo ka gaartay soo deynta Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirta qaar ka mid ah waddamada Caalamka.

Mudane; Muqtaar Mahad Daa’uud, Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda oo u warramay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay inay muddadii 10-ka bilood ahayd ee ay xafiiska joogeen soo daayeen Maxaabiistii ugu badnayd ee xabsiyo caalamka laga soo daayo.

Wuxuuna intaa ku daray in 117 Maxbuus oo ku jiray jeelasha Hindiya laga soo daayay dhammaantood, iyadoo 76-kii Qof ee ugu dambaysay lagu soo celiyay Dalka Todobaadkii tagay, waxanay maxaabiistani noqonaysaa tii ugu badnayd ee Xabsiyada caalamka laga soo daayo sida uu sheegay Wasiirku.

Dalalka Seychels, Itoobiya iyo Liibiya ayuu sidoo kale sheegay inay kasoo daayeen Maxaabiis aad u fara badan, haatanna ay socdaan dedaallo baaxad leh oo lagu soo dhammaytirayo inta ku harsan xabsiyada Caalamka.

"Dowladda Nabad iyo Nolol Barnaamijkeeda waajibaadkeeda koobaad buu ahaa Dadka Soomaaliyeed ee ku xir-xiran dibedaha in laga war doono, inta lasoo deyn karana lasoo daayo, welina way innoo socotaa” ayuu yiri Wasiirku.

Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in Dalka Liibiya Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran ay qaarkood Gacanta ugu jiraan Malleeshiyaad aan cidina ka ammar qaadan, kuwaas oo uu nidaamka Dowliga ahi dartii saamaxayn in lala gor-gortanno.

Wuxuuna Wasiirku sheegay inay fududeynta arrintaasi ay la kaashadaan Hay’ado Caalami ah oo ay ka mid yihiin Hay’adda socdaalka Adduunka u qaabbilsan ee IOM iyo laanta Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Mudane; Muqtaar ayaa ka hadlay halka ay ku dambeeyeen dedaalladii loogu jiray soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugnaa Dalka Yemen , wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay sii wadi doonaan howlihii socday, maaddaama buu yiri ay halkaasi ka jiraan colaado, balse ay arrintaasi Gacanta ku wada hayaan Hay’adda Qaxootiga Caalamka UNHCR , Hay’adda Qaxootiga Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale xusay in Soomaalida ku nool Dalka Koofur Afrika oo marar badan la kulmay weerarro Isir nacayb ah ay qayb ka tahay dhibaatada lagu hayo Ajanabiga ku Nool Dalkaas, wuxuuna sheegay inay Wasaaraddoodu dhawaan booqan doonto si gabbood fallada ka dhanka ah Soomaalida loo yareeyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip