Maxkamada Ciidamada QS oo La Soo Taagay Rag Ku Eedeesan Farsameynta Qaraxyada -SAWIRRO

0
Saturday March 17, 2018 - 18:55:42 in Wararka by
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Ciidamada QS oo La Soo Taagay Rag Ku Eedeesan Farsameynta Qaraxyada -SAWIRRO

    Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta lasoo taagay rag ku eedeesan farsameeynta qaraxyada , kuwaa oo dhawaan ciidamada amaanka kasoo qabteen deegaanka Ceelasha Biyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta lasoo taagay rag ku eedeesan farsameeynta qaraxyada , kuwaa oo dhawaan ciidamada amaanka kasoo qabteen deegaanka Ceelasha Biyaha

Ragan Maxkamada ciidamada qalabka sida lasoo taagay oo sadex nin ah ayaa magacyadooda lagu sheegayMaxamed Cabdiraxmaan Maxamuud,Jamaal Maxammed Cali Cabdi iyo Axmed Aadan weerar Dhagaxow.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka dalbaday xafiiska xeer ilaalinta in eey kaanaan baarihii kiiskan, si su’aalo loo weydiiyo.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirro laga soo qaaday agab lagu farsameyn jiray qaraxyada oo lala soo qabtay sedaxda eedeysane iyagoo sheegay in eeysan hor keeni Karin garsoorka maadaama aanu aqoon badan u laheyn .

Waxa ayna sheegeen in agabkan ay hayaan ciidamada amniga gaar ah kuwa u aqaabilsan arrimahaasi, waxanaa garsoorka ciidamada qalabka sida ka codsadeen in loo ogolaado in la soo gaba-gabeeyo kiiskan oo eey sheegeen in eey ku filantahay cadeymaha loo heysto.

Ragan maanta la horkeenay Maxkamada cidamada qalanka sida ayaa loo heestaa in ay ka shaqeenayeen falal amaanka lidi ku ah ayna ahaayeen rag farsameeya waxyaabaha qarxa sida miinooyinka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip