Maxkamad amartay in xabsiga lagu sii haayo rag Shabaab lagu eedeeyay

0
Saturday March 17, 2018 - 11:58:49 in Wararka by
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad amartay in xabsiga lagu sii haayo rag Shabaab lagu eedeeyay

    Maxkamadda Magaalada Milimani ee dalka Kenya ayaa amartay in ay xabsiga ku sii jiraan 5 xubnood oo loo haysto in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Magaalada Milimani ee dalka Kenya ayaa amartay in ay xabsiga ku sii jiraan 5 xubnood oo loo haysto in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

Raggan Shanta ah ee shalay oo Jimco ahayd Maxkamadda la soo taagay ayaa waxaa lagu eedeeyay in Bishii la soo dhaafay ay weerar ku qaadeen Xabsiga MagaaladaMarsabit, si uu halkaas uga baxsado Sheekh ay dowladda Kenya ku eedeysay xagjireynta dhallinyarada.

Taliyaha Ciidanka la dagaallanka argagixisada KenyaMartha Mutuku, ayaa sheegay in maxkamadda ay u oggolaatay markii hore in ay muddo 30 maalmood ah xabsiga ku hayaan,haddana waqti kale loogu daray.

Shanta qof ee dhallinyarada ah ayaa waxaa lagu kala magacaabaaMr Abdimajit Adan, Mr Mohammed Nane, Mr John Maina, Mr Anthony Kitila alias Rasta iyo Ms Lydia Nyawira.

Sidoo kale maxkamadda waxaa ka soo hor muuqdayKitila, oo lagu eedeeyay in uu yahay Darawal 3 Gaari oo weerarka lagu fuliyo u iibiyay Raggan.

Maxkamadda ayaa la filayaa in dib la isugu soo laabto oo kiiska raggaan mar kale la horkeeno maxkamadda, si go’aan maxkamadda ay uga gaarto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip