Sawirro:-Madaxweynaha Soomaaliland Oo Cadeeyay Sababta Ay U Galeen Heshiiskii Dekada Berbera

0
Saturday March 17, 2018 - 11:43:57 in Wararka by
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Madaxweynaha Soomaaliland Oo Cadeeyay Sababta Ay U Galeen Heshiiskii Dekada Berbera

    Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo weli ku sugan Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Magaalada Abu Dubai waxa uu kaga hadlay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dekada Magaalada Berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo weli ku sugan Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Magaalada Abu Dubai waxa uu kaga hadlay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dekada Magaalada Berbera.

Madaxweyne Biixi,ayaa sheegay in heshiiska Shirkada Dp World ee dekada Berbera uu yahay mid muhiim u ah Soomaaliland oo ay ka heleyso dhaqaalo farabadan.

"Runtii Soomaaliland waa dal madax banaan oo xur ah cidii uu doonana heshiis la geli kara heshiiskii aan galnay waa mid muhiim u ah shacbiga soomaaliland waana mid Shaqa abuur u noqonaya dhalinyaradeena ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi”

Halka ka soo baxay Madaxweymaha Maamulka soomaaliland ayaa ku soo aadaya xili shalay dowladda Imaaraadka Carabta ay sheegtay in Soomaaliland ay u tababareyso ciidamao Cusub iyo sidoo kale weli ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay heshiiskii dekada Magaalada Berbera.

Hoos ka Daawo Sawirada Shirka Jaraa’id ee Madaxweyne Muuse Biixi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip