Faaf-faahin:-Dagaalo Ka Dhacay Duleedka Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan+Dhageyso

0
Saturday March 17, 2018 - 11:33:30 in Wararka by
  • Visits: 342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faaf-faahin:-Dagaalo Ka Dhacay Duleedka Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan+Dhageyso

    Dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Millatariga dowlada ay ka sameysteen deegaanka Bulacle oo qiyaastii 20KM dhanka Konfur Bari kaga beegan degmada Maxaas.

Hayeeshee dagaalka ayaa dib u qarxay markii ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Maxaas ay usoo gormadeen ciidamada dowlada sida dadka deegaanka ay sheegeen .

Alshabaab ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dileen 18 Askari oo kuwa dowlada ah iyo dhaawaca 26 kale sida ay hadalka u dhigeen inkastoo aysan jirin warar ka madaxbanaan sheegashada Alshabaab ee tirada dagaalkaasi ay ku dileen

Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda guulo ka sheegatay dagaalkii shalay ay Alshabaab kula galeen Gobolka Hiiraan.

Axmed Maxamed Tareedisho Taliyaha guutada 52 aad ee ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in 32 dagaalame oo katirsanaa Alshabaab ay ku dileen dagaalkii shalay ka dhacay Ceelka Bulacle ee duledka dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

 

 

Audio Player

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip