Dowladda Itoobiya oo markii ugu horreysay ka hadashay Heshiiskii Dekedda Berbera

0
Saturday March 17, 2018 - 11:21:26 in Wararka by
  • Visits: 320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oo markii ugu horreysay ka hadashay Heshiiskii Dekedda Berbera

    Xukuumadda Addis Ababa ayaa markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii Dekedda Berbera ee ay qaybta ka ahayd, iyadoo mas'uul u haday uu xusay in heshiiskaas uusan xiriir la lahayn xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya. Afhayeen wasaara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Addis Ababa ayaa markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii Dekedda Berbera ee ay qaybta ka ahayd, iyadoo mas'uul u haday uu xusay in heshiiskaas uusan xiriir la lahayn xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya. Afhayeen wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya, Meles Alem ayaa sheegay maanta in heshiiska ay wada-saxiixdeen Itoobiya, Somaliland iyo DP World oo Imaaraaka laga leeyahay uusan xad-gudub ku ahayn madax-bannaanida Soomaaliya.
"Itoobiya waxaa ka go’an inay mar taageerto Somalia, isla markaana aysan ku xad-gudbayn madax-bannaanidooda,” ayuu Males Alam sheegay isagoo u warramayay Telefishinka Al-jazeera.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa tilmaamay in heshiiskan uu ku qotomo dhanka iskaashiga laba geesoodka ah ee ganacsiga iyo Logistics-ka oo qura. Isagoo intaas ku daray in Itoobiya ay dadaallo badan ku bixisay sidii loo heli lahaa Wadajirka Soomaaliya.

Afhayeenku wuxuu carrabka ku adkeeyay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya uu sannadihii ugu dambeeyay ahaa mid aad u wanaagsan, isla markaana aysan u muuqan wax mad-madow ah oo soo galay.

"Iskaashiga labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya – waxaa caddeyn u ah inaan Dowaldda Somalia ka caawinno dagaalka ay kula jirto Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox argagaxiso ah, isla markaana aan ka geysano gacan weyn qorshayaasha lagu xoojinayo dagganaashaha Somalia oo dhan,” ayuu afhayeenku ku yiri wareysigiisa.

Danka kale, Afhayeenka wuxuu caddeeyay in dalkiisa uu leeyahay dhaqaale xooggan, isla markaana uu raadinayo dekedo ay isticmaalaan, wuxuuna ku daray hadlakiisa in dalka Sudan ay la galeen heshiisyo ku aaddan adeegsiga dekedda Port Sudan, sidoo kalena Jabuuti ay noqon doonto meesha ugu weyn ee Itoobiya ay wax kala soo degto kana dhoofsato.

Ugu dambeyn, Hadalka Afhayeenkan u hadlay Xukumadda Itoobiya ayaa ku soo beegmaya iyadoo heshiiska Dekedda Berbera ee ay qaybta ka tahay uu buuq fara badan dhaliyay, kaasoo keentay in Dowladda Somalia ay go’aan ka qaadato heshiiskaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip