Xildhibaan Sacdiyo "Madaxweynihii aan dooranay, markii ay wax dhacaan guri isku soo xiro, waxaan ma ogeyn uu dhaho wax la qaadan karo ma ahan"

0
Saturday March 17, 2018 - 11:02:58 in Wararka by
  • Visits: 424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Sacdiyo "Madaxweynihii aan dooranay, markii ay wax dhacaan guri isku soo xiro, waxaan ma ogeyn uu dhaho wax la qaadan karo ma ahan"

    Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo ka mid aheyd Xildhibaanada sida weyn u difaacay Guddoomiye Jawaari ayaa ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo inuu ka hadlo dagaalka Xukuumadda ku soo qaaday Baarlamaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo ka mid aheyd Xildhibaanada sida weyn u difaacay Guddoomiye Jawaari ayaa ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo inuu ka hadlo dagaalka Xukuumadda ku soo qaaday Baarlamaanka.

Xildhibaan Sacdiyo oo ka hadleysay kulan shalay Xildhibaano ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegtay in aanay marna aqbaleyn in Baarlamaanka lagu mashquuliyo wax aan macno laheyn iyo mooshin, isla markaana ayaga dhexdooda la isku baabi’iyo sida ay tiri.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Madaxweynaha uu ku sugan yahay dalka, isla markaana uu ka hadlo waxa socda, iyadoo xustay in aan wax la qaadan karin ay tahay in Madaxweynuhu ka aamuso, isla markaana albaabka soo xirto.

"Waxaan maanta dhacaya oo Xukuumadda ay keentay waa in Madaxweynaha uu ka hadlaa Mooshinka illaa hada la wado, Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo anagaa dooranay 20 nin ayaa laga soo dhex saaray in maanta uu ka aamuso, waxa dhacaya guriga hoos ka soo xirto, waxaan ma ogeyn uu dhaho anaga ma qaadan karno, Soomaalina ma qaadan karto waa wax aad u mucjiso u ah”ayay tiri Xildhibaanada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore ka hadlin xaalado siyaasadeed oo dalka ka dhacay, iyadoo xiisadan siyaasadeed ee soo korortay ay u muuqato mid saameyn ku yeelaneysa hey’adaha dowladda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip