Siyaasiyow hadaad Mooshin maqasho,Afkaaga xir,Jeebkaagana fur!NASASHADA JIMCAHA.Q-87aad

0
Thursday March 15, 2018 - 23:28:02 in Wararka by
  • Visits: 1066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyow hadaad Mooshin maqasho,Afkaaga xir,Jeebkaagana fur!NASASHADA JIMCAHA.Q-87aad

    1- Jacfar ayaa yiri: Annaga oo ah Afar nin oo reer Mudug ah ayaan Qol Cariish ah ka kireeysanay Habar degan degmada waaberi. Habeen barkii ayey Habartii ku soo toostay qayladeena anaga oo DUBNO ciyaareyna, waxay maqashay Colaad Ilka Case oo leh war a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Jacfar ayaa yiri: Annaga oo ah Afar nin oo reer Mudug ah ayaan Qol Cariish ah ka kireeysanay Habar degan degmada waaberi. Habeen barkii ayey Habartii ku soo toostay qayladeena anaga oo DUBNO ciyaareyna, waxay maqashay Colaad Ilka Case oo leh war asgariga hadda ha taaban ee Habarta Dil haddana Dil. Kii kalena uu leeyahay waan dilayaa oo weliba waan aasayaa.

Islaantii habeenkaa Musqul iyo Salaad subax midna uma soo bixin, subaxdii ayey nagu tiri: iga guura lacagtiina waan idiin cafiyay. Habaraha la dilayo waa tii Ciyaarta, Habar Cadaamada & Habar Yeeg (Fiiri Sawirka 1aad).

2-Wiil ayaa Aabihii weydiiyay: Aabe waxaan rabaa in aan guursado,Guurkeyguna farxad ku dhamaado, ee maxaan sameeyaa? Aabihii ayaa ku yiri: sidii aan hooyadaa ula dhaqmi jiray ,xaaskaaga ula dhaqan, Afkaaga xir, jeebkaagana fur.

( Siyaasiyow hadaad Mooshin maqasho,Afkaaga xir, Jeebkaagana fur, waa darsiga laga bartay siyaasada Soomaalida).

3-Jacfar ayaa yiri: Ubax Jeegoos ayaan wareeg laga celi waayay ,waxaan u yeernay qaraabadii iyo Culuma kale si qur’aan loo saaro loona waaniyo. Maqribkii illa habeen barkii ayaana lagu waday, oo maddaxa ay ruxeysay .

Waxaa loo keenay Baaquli cajiina iyo xaaqin, waxaa la yiri: mar dambe yaan la arag hooyadaa iyo walaalkaa oo cajiin qasaya ,howsha gurigana la wareeg. Adeer Cumar ayaa yiri: waa saacad dambe warkeenana waa yeeshay gabadhu ee Allaah ducadeena ha u aqbalo. Ubax jeegoos ayaa tiri: warka ii boobsiiya waxaa i sugaya Baybigeeygii iyo Ciyaalka xaafaddaa. (Fiiri sawirka 2,3,4,5aad).

( Xildhibaan ayaa Mooshin qur’aan laga saaray…muxuu yiri, adlee waaye…. kuwii beryahan daweynaha ku beer laxawsanayay Mooshin uma baahna dalkanu, Mooshin keene waa Qaran dumis ee qabta, hadda markii Moshinkii meel kale u wareegay warkooda lama maqal, see wax u jiraan? Allow aniga lee i mooti miyaa?)

4- Oday Cabdulle oo dibadda la geeyay ayaa ku cidlooday xaafad London ku taal, maalintii dambe waxaa loo geeyay Oday Warfaa oo ay Xamar deris ku ahaayeen Londonna uga soo horeyay, oo aad u niyad jabsay, iyaga oo barxadda banaanka guriga kuraas dhigtay oo ku casiryeeysanaya ,ayaa waxaa timid warfaa gabadhiisii oo Boy friend -igeedii gacaanta ka heysata, dabaqa labaad ayey koreen, wax yar kadib ayaa daaqadda korkooda ah waxaa laga soo tuuray Condon ( foodaraha Baajada) oo agtooda ku soo dhacday, dheecaana ka qubmayo, Oday Cabdulle ayaa yiri: Bambiiradaana xey ahayd waa la hoogee?.

Warfaa waa iska aamusay, Cabdulle ayaa yiri: Murugta ku heysa haddaan kasay, yaahuu, yaahuu, rag waa jabay, qoysna gacan kuma heysid , waxa Bambiirada ku jirana waa Muluq saqiira oo aad Abkoow u tahay , mahaanu joogid ma leh ee Dalkii aan u noqono. Somaaliyey Diinta,diinta iyo dhaqanka,dhaqanka hala dhowro. Hoteelada Xamar qaarkood Daaqadaha hoostooda Shaah ha ku cabin. (Fiiri Sawirka 6aad).

5- Galab ayaa nin Taajir ah isaga oo gurigiisa u sii socda oo baabuurkiisa gadaal ka saran ayuu arkay Laba nin oo masaakiin ah oo meel Jardiina ah Cows ka cunayo sida xoolihii oo kale . darawalkii ayuu ku yiri: Jooji baabuurka.

Nimankii Cagaar daaqayaasha ahaa ayuu u tagay ,wuxuuna weydiiyay maxaad Cowska u cuneysiin? . Maskiinkii 1-aad ayaa ku yiri: Ma heysto Lacag aan cunto ku gato. Taajirkii ayaa ku yiri: soo raac baabuurkeyga . maskiinkii ayaa ku yiri: Laakin kaligey kuma raaci karo ,waxaan leeyahay Xaas iyo saddax caruur ah weyna baahan yihiin.Taajirkii ayaa ku yiri: iyagana soo saar gaariga. Maskiinkii 2aad ayaa yiri: anniguna waxaan leeyahay shan caruur ah iyo hooyadood. Taajirkii oo ay naxariisu ka muuqato ayaa yiri: Adiguna soo saaro gaariga.

Kulli masaakiintii iyo xaasaskoodii gaarigii ayey isku wada ciriiriyeen, waana la dhaqaaqay. Intii la sii socday ayaa mid ka mid ah masaakiintii yiri: Taajiroow aad ayaad u naxariis badan tahay, sida aad u go’aansatay in aad kulligeen na casuunto.

Taajirkii ayaa yiri: Ha walwalina, Jardiinka gurigeyga waxaa ku yaal Cows badan oo dhaa dheer oo aan waayay cid iga cunto.( fiiri Sawirka 7& 8aad).

( Shirkadda DP world ayaa aragtay siyaasiyiin Soomaaliya oo Cows Cunid ku dagaalamaya, kadibna ……….inta kale ad lee waaye).

6-Gabdho ciyaal iskuul ah oo dhigta Mogadishu AB School oo 15 ah, Macallimadii iyo haweyney cuntada u karisa ayaa dalxiis u aaday xeebta Jaziira ee Duleedka magaalada ku taal, iyaga oo soo raacay Bus u gaar ah. Darawalka oo ahaa Mooryaan hore , ayaa markii la marayo meel dhexe ayuu waddadii ka leexday. Duurka ayuuna geeyay, kadibna wuxuu yiri: kuligiin 17 kiinu soo dega, wixii aad Dahab iyo Lacag heysiina keena. Wixii ay hayeen waa wadda dhiibeen. Kadib ayuu yiri: Kuligiin MID- MID ayaan idiin kufsanayaa, tiiba 2 mar. Ooyin iyo baroor ayaa la isku wada daray.

Naagtii Cunta karisa ahayd ayaa tiri: war badbaadi gabdhahan yar yar iyo macalimmada ee anniga 17 mar oo min 2 jeer ah ii tag. Macllimaddii oo ka heshay Muuqaalkiisa Mooryaanka ayaa iyada oo careysan tiri: Naa Sow ma maqlin Ninku wuxuu yir, Naa Mooryaan war laguma Celiyo: wuxuu yiri, kuligiin iyo Mid- mid. ( fiiri Sawirka 9aad).

( Haddii shacabka la kufsanayo, midnimadiina ay khatar ku jirto. siyaasiga Soomaaligu muxuu leeyahay ,ma dadkuu badbaadinaa mise ….. ad lee waaye . Allow na badbaadi).

FG: Dhamman Xildhibaanada waxaa la ogeysiinayaa in ayna Mooshin ka keenin Nasashada Jimcaha. Iska fiiriya Dastuurka Faqradda 4aad, qodobka 24aad, Xarafka: Dh& T oo mamnuucaya in Nasashada Mooshin laga keeno, bacdamaa akhrista yaashu shiid & Dan yar u badan yihiin.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip