Geeska Afrika Iyo Imaaraadka! (Taariikh Iyo Tagtada)

0
Wednesday March 14, 2018 - 23:26:40 in Wararka by
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geeska Afrika Iyo Imaaraadka! (Taariikh Iyo Tagtada)

    Kadib markuu ciidankii Ingariiska ka baxay "east of Suez" 1971, afartan iyo shan sano ka dib waxay dowladda Emataarka u aragtay inay muhiimad u leedahay Suez canal iyo gacanka cadmeed tasoo kaliftay sababo badan oo ka mid ah kacdoonkii Cara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markuu ciidankii Ingariiska ka baxay "east of Suez" 1971, afartan iyo shan sano ka dib waxay dowladda Emataarka u aragtay inay muhiimad u leedahay Suez canal iyo gacanka cadmeed tasoo kaliftay sababo badan oo ka mid ah kacdoonkii Carabta (Arab Spring in 2011) iyo xooga Milatarin ee Iraan oo kordhaaya. Arimahaas ka dib waxay dowladda Emataariga go'aansatay inay muhiim u tahay inay saldhig milatari ka sameeysaan Geeska Africa si ay u ilaalsato danaheeda gacansi iyo siyaasadeedba.

Waxaan kaloo ayadana mudan in la tilmaamo, ka dib markuu Xutiyiinta ayka sareen Cadan, President Abdu Rabu Mansour, Boqortooyadda Sacuudiga March 2016 waxay iclaamiyiin dagaal ka dhan ah Xutiyiinta, dagaalkasoo loogu magac daray ( Operation Decisive Storm) tasoo dowlado badan oo Carbeed ay qayb ka noqdeen.

Saudi Arabia iyo Emirates waxay isla markiiba damceen inay saldhig ka sameeystaan Jabuuti si looga weeraro Yamen, tasoo loo maraayay Dubai Port World DPW oo ah awooda qarsoon ee Emataariga. Taasi waxaa ka hor yimid dowladda Jabuuti, May 4, 2015 dewladda Jabuuti waxay xiriirka milatari u jartay Sacuudiga iyo Emaraatiga dalkeedana ka saartay. Maxaa dhacay hadaba?
Geeska Afrika Iyo Imaaraadka! (Taariikh Iyo Tagtada)

April 29, Isla maalintaas ay Jabuuti ka saartay Sacuudiga iyo Emataariga wuxuu boqorka Sacuudiga casuumay Madaxwaynaha Eritrean Isaias Afewerk, waxayna kala saxiixdeen inay Eritrea saldhig Malatari siiso si looga maarmo Jabuuti, heshiiskaan wuxuu qorayaa in 30 sano ay isticmaalaan Azab, saldhigaas waxaa loo isticmaalay in lagu tababaro ciidanka Yeman ee ka dasgaalamaaya maanta Yamen. Hadaba maxaa hada keenay Ethopia?
SheikhNor Abukar Qasim


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip