Guus Hiddink oo loo magacaabay tababaraha cusub ee Chelsea

0
Sunday December 20, 2015 - 09:12:44 in Sports News by
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guus Hiddink oo loo magacaabay tababaraha cusub ee Chelsea

    Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in tababareGuus Hiddink uu shaqada tababaranimo ee Stamford Bridge hayn doono ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan kadib markii khamiistii shaqada tababaranimo laga caydhiyay Jose Mourinho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in tababareGuus Hiddink uu shaqada tababaranimo ee Stamford Bridge hayn doono ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan kadib markii khamiistii shaqada tababaranimo laga caydhiyay Jose Mourinho. Qoraal rasmi ah oo Chelsea ka soo baxay isla markaana lagu daabacay shabakada rasmiga ah ee Blues ayaa lagu cadeeyay in Hiddink loo magacaabay shaqada tababaranimo ee Chelsea waxaana qoraalkaas lagu yidhi: "Kooxda kubbada cagta Chelsea waxay cadayn kartaa inGuus Hiddink loo magacaabay tababaraha kooxda kowaad ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan.”

"Mulkiilaha iyo boodhku waxay dib u soo dhaweeyeen tababaraha khibrada ugu saraysa iyo guulaha leh oo ay ku jirto waqtigii hore ee uu kooxda soo maamulay sanadkii 2009 kii oo uu aaday FA Cupka, Mr. Abramovich iyo boodhku waxay aaminsan yihiin in Guus uu leeyahay awooda uu waxa ugu fiican kaga soo saari karo kooxdan hibada leh.”

Guus Hiddink

Markii loo magacaabay shaqada tababaranimo ee Chelsea oo uu hore uga soo shaqeeyay ayuu Guus yidhi: "Anigu waxaan ku faraxsanahay in aan dib ugu soo laabtay Stamfrod Bridge, Chelsea waa mid ka mid ah kooxaha aduunka ugu waa wayn, laakiin hadda kuma jirto halkii ay ahaan lahayd, si kastaba ha ahaatee, waxaan anigu hubaa in aan dhamaanteen awoodno in aan arintan dhinaca kale udhigno”.

Waxaan wanaag ka rajaynayaa in aan la shaqeeyo ciyaartoyda iyo shaqaalaha ee kooxda wayn, gaar ahaan in aan cusboonaysiiyo xidhiidhkii layaabka lahaa ee aan la lahaa jamaahiirta Chelsea” ayuu tababaraha ree Holland hadalkiisa raaciyay. Guus ayaa daawan doono kulanka Stamfrod Bridge ee ay Chelsea la ciyaarayso kooxda Sunderland basle waxaa kulankan maamuli doona Steve Holland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip