S/gaas Shariif Sheekhuna : " Boolisku waa saaxiibka dhabta ah ee bulshada"

0
Sunday December 20, 2015 - 08:14:11 in Wararka by
  • Visits: 742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    S/gaas Shariif Sheekhuna : " Boolisku waa saaxiibka dhabta ah ee bulshada"

    Stockholm, Sweden - December 20, 2015 - Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya S/gaas Dr. Shariif Sheekhuna Maye ayaa fariin hambalyo ah u diray ciidanka Booliska Soomaaliya sanad guurada 72-aad ee ka soo wareegatay markii la aas'aasay o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Stockholm, Sweden - December 20, 2015 - Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya S/gaas Dr. Shariif Sheekhuna Maye ayaa fariin hambalyo ah u diray ciidanka Booliska Soomaaliya sanad guurada 72-aad ee ka soo wareegatay markii la aas'aasay oo ku beegan maanta oo kale December 20 . S/gaas Shariif Sheekhuna oo fariintan gaarsiiyay dhammaan warbaahinta Soomaaliyeed isagoo ku sugan dalka Sweden, ayaa warkiisa qoraalka ah waxa uu ku yiri " Waxaan halmalyo qiimo leh u dirayaa Sareeyeyaasha, Saraakiisha , Kormeerayaasha , Saraakiil xigeenka , Alifleyda ,Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed , xaasaskooda iyo inta nabadda jecel” .



Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya waxa uu xusay in Boolisku uu ahaa saldhigga laga unkay ciidamada kala duwan ee Qarankeenu ku faano ,taasina ay caddeyn u tahay kartida iyo waxgalka Saraakiishii dhidibada u taagtay , isagoo Allah uga baryay inuu Jannada sare ee Alfardows dejiyo dhammaan geesiyaasha Booliska ee naftooda ku waayay ilaalinta amniga qaranka iyo difaaca muwaadinka Soomaaliyeed.

Sareeye gaas Shariif Sheekhuna Maye waxa uu tilmaamay in Boolisku yahay saaxiibka dhabta ah ee bulshada , una howlgalo u saldhiggidda ammaanka , deganaanshaha iyo cadaaladda , tusmooyinkaasina ay halbowle u yihiin nolosha wanaagsan iyo horumarka joogtada ah .

Waxa uu yiri " Xuska maanta oo kale waxa ay ii leedahay macna gaar ah , waxaa i tusineysaa sida aan ugu soo dhex barbaaray ciidanka iyo sida xilkasnimada leh ee aan u hogaamiyay, ciidanka Booliska Soomaaliyeed duruufaha adag ee uu ku shaqeynayay tan iyo qaran burburkii dalka , waxa ay muujineysaa dulqaadka iyo halganka daacadda ah ee ay ugu jiraan soo celinta amniga iyo sharciga , waxa ay sharaf ku muteysteen nafhurnimada ay u sameynayaan amniga dalka , dadka iyo hantidooda”.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa " Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa gaashaanka dalka iyo awoodda maquunisa dambiilayaasha , kuwa dhagarta maleega iyo kuwa ku xadgudba sharciga”.

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya, waxa uu ku soo gunaanuday fariintiisa hambalyada ah " Ciidanka Boolisku waxa uu ku guuleystay soo celinta deganaanshaha Magaalooyin badan oo dalka ah oo ay ugu horeyso Muqdisho , taasina ay horseeday dib u dhiska dalka ,maalgashiga, wufuud heer caalami ah oo dalka soo booqatay iyo inay korodho Safaraadaha iyo Ergada Shisheeye ee Xarumaha ku yeelanaya Caasimadda, waxaan idin leeyahay " Geediga hore haloo wado” dalku wuu hagaagayaa , dadkeenuna waxa ay noqonayaan kuwa u nugul nabadda , midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, Soomaaliya ha noolaato”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip