Wasiirka Gaashaandhigga oo gaadiid kala wareegay Safiirka UK ee Somalia (Sawirro)

0
Saturday December 19, 2015 - 19:51:45 in Wararka by
  • Visits: 572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga oo gaadiid kala wareegay Safiirka UK ee Somalia (Sawirro)

    Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta kala wareegay gaadiid loogu deeqay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Safiirka dowladda UK ee Soomaaliya Harriet Mathews. Munaasabadda wareejinta gaadiidka ayaa ka dhacday ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta kala wareegay gaadiid loogu deeqay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Safiirka dowladda UK ee Soomaaliya Harriet Mathews. Munaasabadda wareejinta gaadiidka ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ku taal Safaaradda UK.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Boqortooyada Ingiriiska taageerada ay u fidiyeen ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in taageeradan gaadiid loo adeegsan doono si waafaqsan sharciga iyo nidaamka dawligaa.

"Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan saaxiibka nahay ee Ingiriiska oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba. Gaadiidkan guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa siduu ammaanka dadkayaga u soo geli lahaa gacanta dawladda, waana bilow cusub, waana uga mahadcelineynaa dawladda Ingiriiska,” ayuu yiri Wasiirka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed oo goobta ka hadlay ayaa xusay in gaadiidkan ay dowladda Ingiriisku ugu deeqday ciidanka uu yimid xilli ay jirtay baahi. Isagoo mahadcelin u jeediyey Safiirka iyo dawladda Ingiriiska.

Dhanka kale, Safiirka UKa u fadhida dalka Soomaaliya Amb Harriet Mathews ayaa xustay in taageerida dowladda Ingiriiska ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay ka tahay daacad. Isla markaana ay xoojin doonaan taageerada ay siinayaan Ciidanka Xoogga dalka.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa horay qalab ciidan iyo gaadiid ugu deeqday dowladda Mareykanka iyo dowlado kale oo taageera ciidamada amniga Soomaaliya.

 

gaadiidka-warejin (1) gaadiidka-warejin (2) gaadiidka-warejin (3) gaadiidka-warejin (4)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip