Faah faahin qaraxii ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama iyo Al-Shabaab oo sheegatay

0
Saturday December 19, 2015 - 18:26:26 in Wararka by
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin qaraxii ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama iyo Al-Shabaab oo sheegatay

    Qarax xooganayaa abaarihii 2-dii duhurnimo ka dhacay wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhimatay, 8 kalena w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax xooganayaa abaarihii 2-dii duhurnimo ka dhacay wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhimatay, 8 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo wadada dhinaceeda la dhigay.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhaawacmay uu ku jiro Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Waabari oo goobta soo gaaray ka hor inta aanu qaraxa dhicin oo isla goobtaas ay is rasaaseyn ka dhacday.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu waxyeelo u geystay goobo ganacsi oo ka ag dhow wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan xarunta Ganacsiga Al-Kowthar oo ka mid ah carwooyinka ugu waa weyn ee wadadaas ku yaal.

Qaraxa ka hor ayaa wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa laga maqlay rasaas culus, kaasoo dabley hubeysan oo gaari saarnaa ku fureen gaari kale, waxaana mar dambe la ogaaday gaariga la rasaaseeyay uu saarnaa Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud Xuseen Wehliye Cirfo, kaasoo ka bad baaday, waxaana ku dhaawacmay darawalkiisa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaari rasaaseeyay gaariga uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud uu goobta ka baxsaday, ka hor inta aanu qaraxa dhicin.

Qarax1Qarax2Qarax3Qarax4Qarax5Qarax6Qarax7Qarax8

Qarax

qaraxa

Ciidamo isugu jira boolis iyo Nabadsugid ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay soo gaaray, waxaana ay ka wadaan baaritaan, iyadoo wadada ay xiran tahay.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ah wado mashquul badan oo ay gaadiidka isticmaalaan, waxaana ku yaala hotelo iyo xarumo ganacsi oo dadka ka dukaameystaan.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadan qaraxan, ayna ku weerareen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda.

qaraxa1



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip