Mario Balotello oo dhaleeceeyay xildhibaan madow ah oo Talyaaniga laga doortay

0
Thursday March 08, 2018 - 21:19:07 in Wararka by
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mario Balotello oo dhaleeceeyay xildhibaan madow ah oo Talyaaniga laga doortay

    Ciyaaryahanka caanka ah ee kubbadda cagta ee dalka Talyaaniga Mario Balotello ayaa dhaleeceyn usoo jeediyay nin xildhibaan ah oo madoow ah, kaas oo loo doortay Aqalka Sare ee Talyaaniga, kuna soo baxay xisbiga kasoo horjeeda dadka soogalootiga ah ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanka caanka ah ee kubbadda cagta ee dalka Talyaaniga Mario Balotello ayaa dhaleeceyn usoo jeediyay nin xildhibaan ah oo madoow ah, kaas oo loo doortay Aqalka Sare ee Talyaaniga, kuna soo baxay xisbiga kasoo horjeeda dadka soogalootiga ah ee Lega.
Xildhibaankan waxaa lagu magacaabaa Mr Iwobi, wuxuuna asal ahaan kasoo jeedaa dalka Nigeria, isaga oo tagay Talyaaniga 1876-dii.

Balotello ayaa sheegay in ay tahay 'ceeb' iyo wax laga xumaado in nin madoow ah uu matali karo siyaasadaha xisbigan oo ku caan baxay diidmada dadka madoow iyo dadka soogalootiga ah.

Wuxuu noqonayaa ninkii ugu horeeyay oo madoow ah oo gala Aqalka Sare ee dalka Talyaaniga.

Fariin uu soo dhigay Facebook ayuu Mr Iwobi ugu mahadceliyay hoggaamiyaha xisbigiisa Mr Matteo Salvini oo ah nin mayal adag.

Balotello ayaa ku caan baxay in uu ka hadlo arrimaha takoorka ah ee lagu hayo dadka Madoowga ah.

Xisbiga Lega ayaa waxa uu ka midyahay isbahaysiga midigta ah ee heley inta badan kuraastii loo tartamay, waxayna ka dhigantahay in dadka Talyaaniga ay inta badan u codeeyeen xisbiyada siyaasadaha kulul.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip